Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Somaliland : Qoysas barakac ku ahaa Hargaysa oo la siiyay dhul ay leeyihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
August 6, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqol sagaal iyo sagaashan qoys oo barakac ku ahaa muddo shan sano ah magaalada Hargeysa ayaa markii u horeysay la siiyay dhul ay leeyihiin soddonkii July ee sannadkan. Dadkaasi oo ku noolaa xeryo barakac oo ahaa dhul ay dad leeyihiin ayaa dadkii lahaa ku war geliyeen in bisha soo socota ay ka guuraan, iyadoo horay looga saaray dhul ay degganaayeen muddo afar sano ah.

Guddiga qaxootiga ee dalka Norway ee loo soo gaabiyo NRC oo dhaqaale ka helaysa Midowga Yurub iyo Ha’ayadda dadka barakacay iyo qaxootiga Somaliland ayaa dadkan ka caawiyay inay helaan dhulkaasi kaddib markii xeryo ay ku noolaayeen sanad ka hor laga kiciyay. dhulkaasi waxaa ka raray qoysaskan dadkii lahaa oo u sheegay inay dhisanayaan dhulkooda.

Cali Faarax oo ka mid ah dadka dhulka la siiyay ayaa helay Shan iyo toban mitir oo isku wareega inuu ka dego xaafadda Sheekh Cumar oo duleedka Koonfureed kaga beegan magaalada Hargeysa. Mulkiyada dhulka ee qoysaskani la siiyay waxaa ay cadeynaysaa inay dhulka iyagu leeyihiin oo aan laga qaadi karin, waxaana u sameysay dowlada Hoose ee Hargeysa.

Kowdii bishan ayuu bilaabay in dhulka la siiyay uu ka dhisto aqal Soomaali uu gali jiray, waa fursadii ugu wacneyd ee uu helo waqtiga uu xerada barakaca ku noolaa. Dhulka uu deganaa oo uusan lahayd waxaa ay ku keentay qoyskiisa inay ka werweraan halkii ay ku noolaan lahaayeen mustaqbalka, Haseyeeshee hadda wuxuu isku diyaarinayaa inuu shaqadiisa kor u qaado si uu waxbarasho ugu diro caruurtiisa oo kan ugu weyn jiro saddex iyo toban sano.

“Waan u soo samirnay inaan dhul helno, cid walba way ku karaahsanaysaa markaad dhulkoodii dad badan ku degtaan, haddii qof dhul banaan aad tidhaahdo reer aan dajisto wuxuu moodayaa inaad dhulka ku qabsanayso hadhoow, ilaahay ayaa ku mahad leh dhulka naga siiyay halkan”

Cali Faarax ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in muddo afar sano ah oo uu ku noolaa xerada Ayax hadda kaddib uu ka raysan doono dhulkii uu deganaa oo laba jeer laga raray, nolosha qoyska wuxuu uga soo saaraa gaari-gacan uu ku xamaasho,wuxuu maalintii ka helaa saddex doolar oo lacag ah. Lacagta uu ka helo shaqadan waxaa ay u goysaa nolosha maalinleh ah ee qoyskiisa.

Wuxuu xusay in xeryaha uu ku haystay afar caruur ah oo uu dhalay. Nolosha qoyskiisa oo ku tiirsanayd xamaalista ayuu sheegay inay werwer badan ku haysay dhulka ay deganaayeen oo markale lagu wargaliyay in laga rari doono bisha soo socota taas oo sababtay in laga raro dhulkaasi si ay u degaan meel ay qoyskiisu leeyihiin.

Waxaa uu ii sheegay Cali in dhulka aanu hadda haysan lacag uu guri kaga dhisto balse gurigii ay galayeen ee aqal Soomaaliga ahaa uu ka dhisan doono.

Sanadkii 2014 dabayaaqadiisii ayuu kasoo barakacay tuulada Ugaas Madow ee gobolka Saaxil oo labo boqol oo ari ah oo uu lahaa uu ku waayay, waxaana intuu uu hargaysa joogay ku shaqaysanayaa gaari-gacanka uu ku xamaasho oo kiro looga qaado shan kun oo lacagta Somaliland ah (0.5$)

Mashruuca dhulka lagu siiyay dadka barakacay ayaa muddo sanad ah ka socday Somaliland sida uu raadiyo Ergo u sheegay Khadar Qorane madaxa arrimaha bulshada ee guddiga qaxootiga Norway. Guddiga auu sheegay in muddo ay ka shaqaynayeen inay dadkani ay dhul helaan.

Guddiga ayaa sheegay in lacag $200,000 ay kaga baxday dhulka dadka barakaca ah la siiyay oo ay ka gadeen dadkii lahaa.

Labaatan qoys oo aan la siinin dhulkaasi waxaa la rajeynayaa in bisha soo socota lagu wareejiyo dhul loo gaday. Qoysaska la siiyay dulka waxaa lagu soo xulay sida ay diwaan galinta ugu soo kala horeeyeen waxaana labaatankan qoys ay xerada soo dageen muddo bil laga joogo oo la qorsheeyay inta dagi doonta dhulka la gaday.

Deeqa Cabdilaahi Ismaaciil oo ah hooyo toddobo carruur ah oo agoon ah korsata waxay  shan sano ku nooleed xero barakac ku ahayd, hadda ayay  heshay mulkiyada dhul ay iyadu leedahay, nolosha qoyskeeda waxaa ay ku tiirsanyihiin habeenkii oo ay suuqa xaaqdo. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in labo mar laga raray dhulkii ay ku noolaayeen oo shakhsiyaad gaar ahi lahaayeen. Bishan soo socota ayay kaga ekeyd waqtiga loo qabtay inay kaga guuraan dhulkii ay deganaayeen.

Hadda waxaa ay filaysaa inay nolosha barakaca oo ku adkeyd ka nasandoonto guurguurkii iyo dhulkii laga barakacin jiray. Radio Ergo ayay uga warantay dhibaatada ay ku qabtay xerada barakaca ee ay ku noolaayeen iyada iyo caruurteedu.

“Suuli ma haysan, meel aan biyo ka helno ma naqaan oo waxaa naga iibin jiray dameerlayaal, caruurta caafimaadkooda marwalba waa iska liitay, anigu bariis raadis ayaan ugu jiray, waxaa I haystay fikir ah taloow beri maa lagu rari, alxamdulilaah haddaan helay meel aan ku nasto oo aanay cid iga rari Karin”,ayay tiri Deeqa.

Shan iyo toban mitir oo dhul ah ayay Axada soo socota ee 5 bisha ka dhisaysaa laba qol oo jiingad oo ay lacagta ku caawiyeen qaraabadeeda oo ay ka codsatay inay guri u dhisaan kadib markii ay dhulka heshay.

Waxay filaysaa in nolosheeda ay wax badan iska badali karto oo ay caruurtu waxbarasho, biyo nadiif ah iyo caafimaad heli doonaan, maaddaama dhulka la siiyay uu ku yaallo Xaafadda Sheikh Cumar oo laga helo adeegyadan. Xarrunta caafimaadka ayaa ah lacag la’aan iyadoo ay ku yaallaan iskuullo iyo ceelal ay biyo ka heli karaan inkastoo ay lacagta iska bixinayaan.

Dhulka ay deganaayeen waxay ku qabeen inaanay ka dhisan karin suuli iyo sidoo kale guryo, waxaana u diidanaa dadkii lahaa oo iyagu aaminsan haddii ay dadkaasi helaan adeegyadan ay dhulka kala wareegayaan. Biyaha ayaa loogu keeni jiray booyado maadaama magaalada ay ka fogeed halka ay degganaayeen.

Agaasimaha Hay’adda dadka barakacay iyo qaxootiga Somaliland Maxamuud Cali Maxamed wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in dhulka hadda dadkani la siiyay ay noloshooda isbadal taban ku sameyn doonto, wuxuu sheegay in xeryaha kale ee lagu soo barakacay ay qorsheynayaan in sidan oo kale dhul loo siiyo si aanay bulshada xeryaha ku nooli u kordhin.

Wuxuu xusay in ha’ayaduhu ay deegaameynta ka caawinayaan dadka iyaguna ay arrintaasi kala shaqeynayso si bulshada loo simo.

“Hayntayada ayay mar walba ku xiran tahay haddii aanaan waxba u qaban karin barakaca iyo xeryaha dadka ku noolaa hay’adaha ayaanu wax u waydiinaa iyaga ayaa shaqada ugu badan u qabta, Ilaahayna waa nagu guuleeyay dadkii u horeeyay ee aan deegaameyno”

Maxamuud wuxuu sheegay in afar xero barakac oo ku yaala magaalada Hargeysa labo ka tirsan ah dowladu leedahay kuwa ay deggan yihiin, balse xeryaha barakaca ee Naasahabool A iyo B ay filayaan sanadka soo socda inay baabi’iyaan kaddib ay deegaameeyaan dadkaasi barakaca ah

Arrintan waxaa uu sheegay inay kor u qaadayso heerka nolosha dadka ku nool kaamamka si aanay ugu waarin xeryaha lagu soo barakacay sidoo kale ay kaga raysanayaan dhulkii laga kicinayay markasta oo ay ku qabeen handidaad ah in dhulka laga rarayo.

 

Previous Post

Akhriso wararka qiimaha xoolaha

Next Post

Mudug: 200 oo carruur ah oo ka faaíidaystay iskuul laga sameeyay deegaanka Xaar-xaarka

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

Mudug: 200 oo carruur ah oo ka faaíidaystay iskuul laga sameeyay deegaanka Xaar-xaarka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo