200 oo arday oo ku nool deegaanka Gocondhaale oo Buuhoodle dhanka waqooyi ka xiga 50 km ayaa markii u horeysey fariistay fasal iskuul oo ay wax ku baranayaan halka markii hore muddo sanad ka badan ay wax ku soo baranayeen geed qurac ah oo la waabay hoostiisa. Ardaydu waxay fasallada fariisteen maalintii Sabtida oo bishan Agoosto ay aheyd 4.
Ardayda ayaa ka soo jeeda qoysas abaaraha ku xoola beelay oo sanad ka hor tuulo ka samaystay Gocondhaale oo markii hore ahaan jirtey bali leh ceelal laasas ah oo xilliyada jiilaalka ah biyaha laga cabi jiray. Dadka deegaanka oo kaashanaya qurba-joog waxay ku guulaysteen dhismaha Iikuul ka kooban 3 fasal, 1 xafiis, berendo iyo 2 musqulood.
Fasal walba waxaa u dhan kuraasta iyo miisaska, waxaa kale oo u diyaarsan sabuuradaha wax lagu baro ardayda. Iskuulkan oo lagu magacaabo dugsiga hoose/dhexe ee Gocondhaale ayaa la dhammeystiray bishii July, kaasoo hadda si toos ah u bilaabay in ardaydu ay wax ka bartaan. Da’da ardaydu waxay u dhexeysaa 8 ilaa 14 sano jir waxaana agabka waxbarashada sida buugaagta iyo qalimaanta u iibiya waalidiintooda halka waxbarashadu ay bilaash u tahay.
Manhajka wasaaradda waxbarashada Puntland ayuu ku baxaa iskuulkani. iyadoo uu si rasmi ah uga diiwaan gashan yahay Iskuulku wasaaradaasi. Waxaana ardaydu bartaan maadooyinka far-Soomaaliga, Carabi, xisaab, Ingiriis iyo tarbiyada islaamka.
Farxaan Cabdi Aadan oo 13 jir ah ayaa kamid ah ardayda wax ka barta dugsigaan, markii u horeysey ayuu waxbarasho billaabay hal sano ka hor isagoo markaas ku billaabay geed hoostii oo barashada xuruufta far-Soomaaliga, xisaabta iyo carabiga sida ay u qormaan loo billaabay. Wuxuu hadda dhigtaa fasalka 2-aad ee dugsiga. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu markii ugu horreysay fariisto fasal.
“markii hore geed baan fariisan jirey hada ayaa nooga fiican, waxbarashada waan jeclahay waan ku dadaali doonaa, markaan waynaado waxaan jeclahay inaan noqdo macalin dadka wax bara”, ayuu yiri Farxaan.
Farxaan intuusan billaabin waxbarashadaan waxay qoyskiisa ku noolaayeen miyiga Gocondhaale oo abaarti ay uga soo barakaceen. Shaqada uu si maalinle ah u qaban jiraa ilaa shan jirkiisii waxay ahayd raacista xoolaha.
Saddex macallin ayaa waxbara carruurta dhigta dugsigan, waxaana mushaharkooda bixiya qurbejoog ka soo jeedda deegaanka.
Khayre Ismaaciil askar oo ah mid ka mid ah macallimiinta ayaa ii sheegay in ardaydu hadda heleen meel ku haboon waxbarashada halka markii hore ay dhibaato ka haysatey meesha ay wax ku baranayeen.
“Runtii dhib badan baan ku qabney macalimiin ahaan iyo ardayduba geed hoostii oo dabayl iyo ciid kaa celinayn, oo kuraas ama gogol fiican lahayn, oo qoraxda si wacan kaaga celinayn oo agabka meel la dhigto lahayn waa ku dhibaataysnayn, hadda anaga iyo ardaydaba niyaddeena waa sarreysaa waana ku faraxsanahay inaan helo dhismahan quruxda badan oo dhibaatooyinkaas aan sheegayo oo dhan kaga baxnay”, ayuu yiri.
Xilliyada qaar ayay dhibaato badan macallimiinta iyo ardaydu ku qabeen wax ku dhigista iyo wax ku barashada geedka hoostiisa iyadoo haddii maalinimo roob ku qabto ay sababi jirtey inay carruurta ka qoyaan buugaagta halka buugaagta macalimiintu wax ka dhigaana dhibaato soo gaari jirtey sida uu Macalin Khayre sheegayo.
“Marka roobku da’ayo ayaa noogu darayd, habeenka roob’da’o maalinka ku xiga ardaydu waxba ma baran jirin mararka qaar agabka iyo buugaagta ayaa nagaga qoyi jirey, waana waxyaabaha ugu darnaa ee naga haystey geedka hoostiisa”, ayuu yiri.
Xamdi Cabdullaahi waxaa dugsigaan u dhigta 3 ka tirsan carruurteeda oo da’doodu u dhexeyso 8 ilaa 12 sano jir. Markii u horeysey ayay carruuteedu waxbarasho billaabeen muddo laga joogo 8 bilood.
“Alif-beetada ayaa looga billaabay dad waxbartay may ahayn, markii hore waxba iima baran jirin dee hayjad baadiye ah baan ka nimi markan baa waxbarasho u horraysey waxbarashada wax ka wanaagsan ma jiraan baan is leeyahay carruurta waa ku sii dadaali doonaa, xataa anigaa raba inaan waxbarto”, ayay tiri.
Xamdi qoyskeeda wuxuu halkaan soo degay 11 bilood ka hor, xiligaasoo ay abaarta kaga dhamaadeen 250 ari ah iyo 12 geel ah. 20 riyaad oo uga badbaaday abaarti ayay ku dhaqataa tuuladaan, nolosha qoyskeeduna wuxuu ku tiirsan yahay raashin caawimo ah oo ka kooban 25KGM Bur ah, 25 KMG oo sonkor, ah 25KGM oo Bariis ah iyo 5lt oo saliid ah kaasoo sida Xamdi sheegaytay ay bil walba ay ka helaan Hay’ada WFP.
Dayib Ismaaciil Axmed waa aabe 55 jir ah qoyskiisa oo ka kooban 8 qof oo 6 ay carruur yihiin. Dhammaan carruurtiisa waxay wax ka bartaan dugsigaan, wuxuuna Raadiyo Ergo uga warbixiyey waxbarashada ay ka heleen Iskuulkani.
“Markii horaba waan ku haminayay inaan waxbaro carruurta laakiin xoolihii markay dhamaadeen halkan baan keenay carruurta inaan aad ugu dadaalo waxbarashada ayaa iga go’an aniga Dayib ahaan, waana samaynayaa wax kasta oon wax ku bari karo carruurtayda”, ayuu yiri.
Maxamed Cabdiweli Yuusuf, oo kamid ah guddigii gacanta ku hayay dhismaha iskuulka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay, in dhismaha iskuulka uu socdey 8 bilood. Dadka ku nool deegaanka ayaa bixiyay dhul bannaan, xoogga dadka shaqaynaya, dhagaxa lagu dhisay iyo waliba fuundiyada dhisay dhismaha, halka qurba joogtuna bixiyeen kharashka lagu iibiyay dhammiitada, jiingadaha iyo waxyaabaha kale ee u baahnaa in la soo iibiyo taasoo sahashay in muddo gaaban lagu helo iskuul dhammeystiran.
“Arrintaas waxaa iskuulka markii hore loo qoondeeyey dhul aad u balaaran dadku waxbarashada aad bay u rabeen, dhaqaalaha ku baxay ilaa $20,000 waa gaaraa ilaa qalabaynta, xataa marka shamiitada iyo waxaas la rarayo waxay ahayd lacag waxaa soo diray qurbajoogta lacagtaas oodhan”, ayuu hadalkiisa raaciyey.
Iskuulkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee laga hirgeliya deegaanka Gobondhaale, waxaana wax ka barta carruurta qoysaska halkas deggan oo dhammaantood ah dad xoolo-dhaqato ahaa oo abaarahi ku cayroobay, kuwaas oo degaameystay halkaan oo aan horay loo deganayn laakiin ahayd ceelal biyo laga soo dhaansado.









