Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Dadka barakaca ah oo ka faa’iideysanaya ceelal laga qoday meelo xeryaha u dhow

Radio Ergo by Radio Ergo
August 8, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waa meel saxmad badan oo mashquul uu ka jiro, waxaana ku yaallo ceel ay dadku ka dhansanayaan biyo. Daqiiqad kasta waxaa imaanaya haween jirigaanno wata iyo kuwo gaari-dameerro wata oo si aanay dhowr mar oo is xigxiga  u soo noqon ka buuxsanaya biyaha.

Ceelasha laga hirgeliyey magaalada Baydhabo ayaa meelaha laga sameeyay qaarkood waxay u dhow yihiin xeryaha ay dagan yihiin dadka abaaraha ka soo barakacay.

Sahra Isxaaq Cabdi waxay ka mid tahay dadka deggan xerada ADC 4 oo qiyaastii shan daqiiqo oo lug ah u jirta ceelka. Waxay halkan biyo ka dhaansataa maalintii saddex jeer, iyadoo ii sheegtay in ugu yaraan siddeed jirigaan ay buuxsato, kuwaas oo ku filan inay cuntada ku karsato iyo nadaafadda.

Sahra muddo toddoba bilood ah waxay ka dhaansaneysaa halkan, balse waxay muddadan ka nasatay fayl iyo socod qaadan jirey hal saac iyo bar oo wakaaladda biyaha maalintii hal jirigaan oo shan kun laga iibin jiray ay ka soo arooran jirtay, kaas oo marna ay soo heli jirtay marna soo weyn jirtay, ciriiriga jiray awgeedna ay ku adkayd inay inta badan biyo hesho. Waxay Raadiyo Ergo uga warrantay sida hadda ceelkan laga hirgeliyey meel aan ka fogayn xeradooda uga faa’iideysatay iyo dhibaatadii horay uga heystay helidda biyaha.

“Aad iyo aad ayaa uga faraxney ceelkan naloo dhisey, waayo xilli kasta oo aan biyo u baahano waan ka dhaansanana si lacag la’aan ah. Foosto haddaad heli karto waa dhaansan kartaa sidoo kale jirgaanno ayaa sida aad rabto u buuxsan kartaa. Waxaan ka nastay dhibaatadii muddo labo sano ah aan qabnay ee biyo la’aanta, waa nimco Ilaahay noo dooray,” ayay tiri.

Sahra iyo qoyskeeda waxay ahaayeen beeraley ka soo barakacay deegaanka Ufurow ee gobalka Bay. Labo sano iyo bar noloshoodu waxay ku tiirsan tahay gargaarka hay’addaha iyo shaqo xoogsi ah.

Toban ceel ayay gaarayaan kuwa cusub ee biyo nadiifka ah laga helayo ee wixii ka dambeeyey bishii labaad ee sanadkan laga hirgeliyay gudaha magaalada Baydhabo, kuwaas oo barakacayaasha iyo bulshada xaafadaha u sahlaya in qofba ceelka u dhow biyo ka dhaansado iyadoo markii hore hal ceel oo ah midka wakaaladda bulshada dhan ay saarneyd.

Khadiijo Cali Yuusuf oo ah hooyo da’a ah kana tirsan qoysaska ku nool xerada Ekedow oo ku taalla duleedka koonfured ee magaalada Baydhabo, wax aan ka badneyn dhowr tilaabo ayuu u jiraa ceelkan riigga ah oo ka tirsan ceelasha magaalada lagu soo kordhiyey gaar ahaanna kuwa xeryaha lagu barakacay inay ka cabbaan loogu talogalay. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay ku ugu faraxsan tahay isla markaana welwelkii biyo yaraanta uu meesha ka baxay.

“Waad ii jiidaa anigoo sidaan ah ayaa inta lugeeyo magaalada jirigaan dhabarkeyga uga soo qaadi jiray, lacagta lagu soo buuxiyo waan soo deynsan jirey sababtoo ah biyo la’aan lama noolan karo, ceelkaan rajadeenna ayuu soo celiyay maalintii afar jirigaan ayaan ka buuxsadaa,”ayay tiri.

Khadiijo Waxay uga dhigan tahay inay afar jirgaan dhaansato dhibaato hore oo helitaanka biyaha ay u mari jirtey oo meesha ka baxdey, iyadoo ay mararka qaar dhici jirtay inay toddobadkii oo dhan biyo heli wayso oo reeraha dariskeeda ah ay ku tiirsanaato. Halka xilliyada qaarna jirgaankii ku soo iibsan jirtay 7 kun oo shilin Soomaali ah.

Khadiijo degmada Diinsoor oo Baydhabo u jirta 120 km ayay uga soo barakacdey abaaro, waxayna qoyskeeda oo lix ka kooban joogaan halkan mudo sanad iyo bar ah.

Meelaha ceelasha laga qoday ma aha oo kaliya gudaha magaalada, sidoo kale afar ceel oo riig ah ayaa iyana laga hirgeliyey tuulooyin, kuwaasoo biyo la’aan ay dadka ku nool uga barakiciy jireen. Tuulooyinka ayaa ku tirsanaa waro xilli robaadka ay biyo gali jiraan, sida Boonkey, Salbuuy, Lawiile iyo Reebey. Waxaana ceelashaas ka cabba ilaa boqol tuulo dadka ku nool.

Sidoo kale dadka tuuloyinka ceelasha loaga hirgeliyey ayaa loo sameeyay tuubooyin ay beeraha ku waraabsadaan iyo meelo kanaallo biyaha mara oo beeraha geeya halka markii hore roobka ay beerahooda ku tiirsanaayeen, hadda way ka duwan tahay sida uu sharraxayo Cismaan Maye Cabdi oo dadka tuulada Salbuuy ka tirsan oo ay u abuuran tahay beer qudaar ah. Cismaan beertiisa oo cabbirkeedu dhan yahay 6 hektar waxaa hadda ugu beeran yaanyo, basal iyo basbaas.

“Annaga harraad waa is dhaafnay sababtoo ah ceel ayaa tuulada laga hirgeliyey oo bulsada tuulada iyo dadka meelo kale ka yimada ay ka cabaan, waxaa noo dheer ilaa 50 beerood oo mideyda ay ku jirto ayay khudaar ku abuuran tahay oo suuqa Baydhabo ayaan geynaa,  tubooyin ayaa naloogu xariiriyay, marka dhibaatadii biyo la’aanta waan ka baxnay,”ayuu yiri.

Guud ahaan afarta tuulo ee ceelasha laga hirgeliyay ayay ku yaallaan 200  oo beerood oo badankoodu ay yihiin kuwa khudaarta soo saara, waxayna ka faa’iideysanayaan ceelashan cusub, gaar ahaan kuwa ay gaari karaan tuubooyinka la xiriiriyay.

Ceelashaan oo dhismahooda uu soo bilowday sanad iyo bar ka hor ayaa waxaa iska kaashaday wasaarada biyaha ee maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’ado  ay ka mid yihiin NRC, DDG iyo maamulka degmada Baydhabo.

Guddoomiyaha Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin ayaa qaba in laga gudbay marxalad bulshada saameyn weyn ku lahayd oo ah biyo yaraan dhici jirtay, taas oo si looga hortago ceelashan ay u soo kordhiyeen, waxaana uu sheegay in weli dadaalo kale ay socdaan.

“Annaga ka maamul ahaan waxaa naga go’neyd in magaaladan biyo laga heli karo xaafad kasta meel u dhow inay biyo ka cabto oo biyo gelin la sameeyo, celal dhowr ah in la helo karo waana sameynay, waxaan hadda weli wadnaa baaritaanno meelo kale oo magaalada ah si ceelal kale aan u hirgelinno,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Biyaha ay barakacayaashu ceelkan riigga ah ka helaan waa bilaash. Wuxuu qeyb ka yahay ilaa 14 ceelal oo riig ah oo laga hirgeliyey Baydhabo iyo nawaaxigeeda si biyo yaraantii soo noq noqon jirtay xilliyada jilaalka looga baaqsado. Waana mid lagu horumarinayo helidda biyo nafiid ah.

Previous Post

Buuhoodle: Arday wax ku baran jiray geedo hoostooda oo fasallo loo dhisay

Next Post

Laascaanood: Kiisaska tacaddiyo ka dhanka ah dumarka oo soo kordhaya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
blank

Laascaanood: Kiisaska tacaddiyo ka dhanka ah dumarka oo soo kordhaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUL-2026

IDAACADDA 26-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo