Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Laascaanood: Kiisaska tacaddiyo ka dhanka ah dumarka oo soo kordhaya

Radio Ergo by Radio Ergo
August 8, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Magaalada Laascaanood/Sawir keyd ah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO): Kiisaska xadgudubyo ay raggu u geysanayaan xaasaskooda ayaa ku soo badanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, arrintaas oo keentay in dacwado badan loo gudbiyey maxkamadda degmada.

Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha maxkamadda degmada Laascaanood, Xasan Maxamuud Warsame ugu yaraan 60 haween ah oo ka cabanaya jirdil iyo in aysan masruufin ka helin raggoodu ayaa maxkamadda bil kasta yimaado.

360 kiis oo haween raggooda soo dacweeyey ayey maxkamaddu diiwaangelisay sanadkan oo keliya, waxaana badnaashaha kiisaskan iyo xadgudubyada ay dumarku ka cabanayaan loo aaneynayaa cunista qaadka ee ragga oo magaalada ku soo badatay, taasoo keentay in raggu qoysaskooda sida bixinta biilka, sida ay haweenka dacwadaha soo gudbiyey ku doodayaan.

Samiira Sheekh  Maxamuud waxay ka mid tahay haweenka maxkamaddu kiiskooda ay ku xalisay furriin seygeedii ay muddo afar sano ah wada joogeen.

Waxay sheegtay in markii uu billabay in uu qaad cuno lix bilood  ay kala kulantay aflagaado, gacan qaad joogta ah iyo biil la’aan. Wixii muddadaas ka horreeyey ayey xustay in uu ahaa shakhsi qoyskiisa noloshooda maareyn jiray, wuxuuna ahaa fuundiga guryaha dhisa.

Muddo markii ay la kulmeysay tacaddiyadaas ayaa Samiira waxay dacwad u gudbisay maxkamadda degmada Laascaanood, oo markii uu kiiska socday muddo saddex bilood ah 27-kii bishii hore ku xallisay furriin.

“Habeenkii xilli dambe in uu imaado ayuu billaabay, fiilo koronto ayuu igu garaacay inka badan 14 jeer muddo saddex bil. Dhaawacyo ayaa igu yaal hadda sida feeraha iyo isha midig”

Qiimaha qaadka lagu iibsado oo raqiisay ayaa la sheegayaa in ay ay tahay sababta ugu weyn ee ay u kordheen xadgudubyada guryaha ka dhaca. Rag badan oo aan horay u cuni jiray ayaa billaabay cusnistiisa.

Sida ganacsatada qaadka Laascaanood ay noo xaqiijiyeen, maalin kasta waxaa soo gala qaad lagu qiyaasay 12 tan siddeedii bilood ee u dambeysay, kaasoo ka yimaado dhinaca Kenya. Tirada qaadka imanaya wuxuu ka badan yahay kii sanadkii hore magaalada la keeni jiray oo dhamaa lix tan jawaan maalintii.

Waxay tani keentay in qiimaha qaadku uu hoos u dhaco. Kiilada qaadka ayaa hadda la kala siistaa 250,000 oo shilin Soomaali ah ($7), halka markii hore uu ahaa 450,000 oo shilin Soomali ah oo dhiganta $14

Habka ay maxkamadda degmada u wajahda dhageysiga dacwadaha qoysaskan ayaa ah in ay dhageysato qofka soo dacwooday, waxayna u yeertaa kan laga soo dacweeyay, markhaatiyo iyo dad ehelka la’ah lammaanaha isa soo dacweeyey.  Inta ay dhageysiga dacwaduhu socdaan oo mararka qaar qaata bil ilaa saddex bilood waxaa fursad la siiyaa qoysaska dacwaddu ka dhexeysa si ay iyaga u xalistaan khilaafkooda.

Marka ay muddadaas dhamaato oo wax xal ah ay gaari waayaan ayaa maxkamaddu riddaa go’aanka khilaafka, iyadoo ka qeybgalineysa xubno ka soo jeeda qoysaska lammaanaha is-haya, sida guddoomiyaha maxkamaddu sheegayo.

Xasan Maxamuud Warsame, guddoomiyaha maxkamadda degmada Laascaanood,  ayaa sheegay in 360 kiis ee sanadkan 2018 soo gaaray, 90 kamid ah lagu xalliyey furriin la furay haweenkii raggooda ka cabanayey. 150 kiis oo kale ayaa lagu dhammeeyey xeer jajab, iyadoo haatan ay maxkamaddu horyaallaan 120 kiis.

Wuxuu tilmaamay in marka ay wareysteen haweenka ay  ogaadeen in dhibaatadu tahay in cunista xad-dhaafka ah ee qaadka ay keeneyso in rag badan marka ay guryahooda yimaadaan oo xaasaskoodu biil ay weydiiyaan ay gacan u qaadaan.

“Ilaa 30 ayaanu xabsi u taxaabnay oo haweenkooda garaacay. Waxaanu ku xukunay sanad ilaa lix bilood inta u dhaxaysa, waxaana hadda xidhan 13 intii kale waa la siidaayay”

Farxiya  Aadan Cali waa hooyada siddeed carruur ah, waxayna kamid tahay haweenka maxkamadda ka dacweeyey raggooda. Waxay sheegtay in afartii bilood ah ee u dambeysay ay seygeeda kala kulmeysay gacan qaad iyo iyadoo uusan biilka qoyska bixin.

Waxay ku andacooneysaa in seygoodu markii uu billaabay cunista qaadista lix bilood ka hor uu “gabay” mas’uuliyaddii reerka – wixii ka horreeyey xilligaas wuxuu si joogto ah u bixin jiray masruufka qoyskiisa, isagoo ahaa wad gaadiidka waa weyn ee ka dhex-shaqeeya magaalooyinka. Kiiska Farxiya ayaa lagu dhameeyey furriin ay kala tageen seygeedii bishii June.

Previous Post

Baydhabo: Dadka barakaca ah oo ka faa’iideysanaya ceelal laga qoday meelo xeryaha u dhow

Next Post

Baki: Beeraleydii duufaantii ay sagar saameysay oo dib u tacbaday beerahooda

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Baki: Beeraleydii duufaantii ay sagar saameysay oo dib u tacbaday beerahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo