Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Baki: Beeraleydii duufaantii ay sagar saameysay oo dib u tacbaday beerahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
August 8, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Shan boqol iyo konton qoys oo beeraley ah oo ku nool degmada Baki iyo tuulooyin hoos taga ee gobolka Awdal ayaa billaabay tacbashada beerahooda, labo bilood kaddib oo ay ka soo  kabanayaan duufaantii Sagar oo ka baabi’isay dalagyadoodii xilligaas. Duufaantu waxay deegaannadaas ku dhufatay 17-kii bishii May ee sanadkaan.

Beera tacbashadu ayaa 28-kii bishii Julaay ka billaabatay tuulooyinka Ruqi, Xeego iyo Baki oo ka wada tirsan degmada Baki, dhammaan beerahaasi waxay duufaanta iyo daadadkii ka dhashay roobab xilligaas da’ay ay kala tageen matoorradii waraabka loogu sameyn jiray beeraha, iyo Tuumbooyinkii, waxay sidoo kale burburiyeen Kanaaladii ay dooxyada ka soo weecin jireen si ay biyaha u helaan dalagyadu.

Nuux Xaaji Suldaan oo ku nool yahay deegaanka Baki oo 32 km waqooyi kaga beegan degmada Boorama ayaa ka mid ah beeraleyda dib u tacbaday beerihaooda, wuxuu tacbaday beer 3 hektar ah, oo ku abuuray yaanyo, basal iyo galley.

Dalagyadii hore ayaa kaga baaba’ay duufaantii Sagar. Dalagyadaan cusub waxay u tacban yihiin muddo 10 cisho ah, waxaana abuurka iyo makiinadda beerta u carro gedisay ka caawiyay urur maxalli ah oo Anfac la yiraahdo oo ay taageeraan shacabka ku nool gobolada galbeedka Somaliland iyo qurbojoogta.

29-kii Julaay ayaa loo qoday saddex hektar oo ka soo haray beer lix hektar ah oo uu tacban jiray muddo afar sano ah. Saddexda hektar ee kale ayuu sheegay inay doox noqotay oo rajo wax lagu beerto aanay lahayn.

Beertiisa oo waraab ahayd ayaa ku tiirsanayd ceel biyood ay aastay duufaanti. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu dhoobo qaaday ceelka sidaasina uu hadda ku helayo biyo uu ku waraabiyo dalagyada. Ceelka waxaa la qoday dadka kula nool deegaanka.

Wuxuu sheegay inuu qorsheynayay in 20-kii bishii Julaay uu u guuro  magaalada Boorama si uu shaqo uga raadsado maaddaama beertiisa ka baaba’day. Saboolnimada darteed ayuu sheegay inay fikradani ugu dhalatay.

Beeralayda oo ceelashii, tuubooyinkii waraabka ay u adeegsan jireen iyo matoorradii ay ka qaadeen daadadka ayaa hadda iska caawinaya qodista ceelasha aan duufaantu si aad ah u saameynin, sida uu sheegay Nuux Xaaji.

Duufaanta ayuu sheegay inuu ku waayay wax kasta oo nolosha qoyskiisu ku tiirsanayd oo ah beero falashada. Tan iyo markii duufaantu ay ku dgufatay deegaankiisa waxay qoyskiisa ku nool yihiin raashin isugu jira bur, bariis, saliid iyo sonkor oo si bille ah ay u siiso hay’adda WFP.

Shantii beerood ee isku dhow waxaa ka dhaxeeya hal matoor oo ceelka biyaha ka soo saar oo ay u adeegsadaan waraabka dalagyada hadda ay beereen, arrintan waxay yididiilo ku abuurtay beeralayda oo ka quustay falashada beeraha kadib markii afar iyo labaatan saacadood ay ku baaba’een beerihii ay lahaayeen. Beerahaas waxay isugu jireen kuwa la goosanayo, kuwo la goostay iyo kuwo ay weli dalagyada ku beernaayeen marki ay duufaantu dhacaysay.

Xuseen Muxumed Geelle oo ku nool tuulada Ruqi oo ka tirsan degmada Baki ayaa ka mid ah beeraleyda hadda wax beertay. Labo hektar oo ka mid ah 8 hektar oo dhul ah oo horay uu u beeran jiray ayuu ku tacbay dalagyo isugu jira galley, khudrad iyo bisbaas. Dhulka hadda uu tacbay waxaa qeybtii ay carradeedu ka badbaadda duufaanta.

Xuseen waa beerwalihii khasaaraha ugu badan kasoo gaadhay duufaanta, sida uu Raadiyo ergo u sheegay Afhayeenka wasaarada beeraha Somaliland Sacad Cabdi Muuse, waxayna ku ogaadeen xog ururin ay ku sameeyeen saameynta ay beeeralayda ku yeelatay duufaantu.

20 kun oo doolar lacag ah oo uu ku  iibiyay xabxab, bartiikh iyo yaanyo ayaa kaga khasaaray duufaanta kaddib markii dalagyada oo diyaar ah si suuqa loogu iibgeeyo ay qaadeen biyaha roobku. Dhammaan qalabkii uu u isticmaalay beerta ayay kala tageen biyaha roobku, Raadiyo Ergo ayuu uga waramay xaalada uu dareemay markii khasaarahaasi kasoo gaadhay masiibada duufaantii Sagar.

Wuxuu raadiyo Ergo u sheegay inuu quus ka joogay in mar kale uu dalagyo beerto laakiin marki uu helay abuur iyo in loo qoday beertiisii ayuu dib ugu dhiirraday inuu tacbado.

Xuseen wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markii uu duufaanta ku waayay wax kastoo beertiisa ugu beernaa oo noloshiisa ay ku tiirsanays ay adkaatay xaaladda ka jirtay tuuladiisa. Wuxuu tilmaamay in ay adkaatay dukaanadii tuuladu xataa inay siiyaan amaahda raashinkii carruurtiisa uu siin lahaa.

Waa Aabaha 13 carruur ah oo noloshoodu ku tiirsanayd wax soo saarka beerta. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in dalagyada ay hadda beerteen xididkoodu gaabanyahay oo ay ka bixi karaan carrada usoo hadhey hadda sidaasina ay ku doorteen dalayda uu tacbaday.

Duufaanti ka hor Xuseen wuxuu dalagyada beertiisa ka soo go’a u suuq gayn jiray degmooyinka Boorama, Baki, Gabiley, Hargeysa, Burco iyo Boosaaso.

Degmada Baki waxaa si maalinle ah khudrad uga qaadi jiray saddex gaadhi balse waxaa ay noo sheegeen dadka deegaanku inaanay arag kadib duufaanta kadib,  40 meheradood oo lagu iibin jiray khudrada kasoo go’da beeraha oo ku yaalay Ruqi ayaa xirmay sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xildhibaan Cabdilaahi Maxamed Cumar oo ka tirsan  golaha deegaanka degmada Baki.

Boorama, Baki, Gabiley, Hargeysa, Burco iyo Boosaaso ayay gaadiidkaasi khudrada u qaadi jireen.

Maxamed Cabdi  Cismaan madaxa Kuliyada  cilmiga beeraha iyo deegaanka ee jaamacada Camuud Ee magaalada Boorama ayaa ergo u sheegay in dad beeralayda ay hadda dalagyada ku beereen dhulkii uga badbaaday duufaanta oo ku yaalay meelaha taagaga ah, wuxuu sheegay in daadku uu qaaday 20 senti ciid ah balse hada lagu beerayo toban sent oo ka hadhay caradii wax lagu beeri jiray sida ay ku ogaadeen kormeer ay ku tageen 12 Julaay. Sent waa cabirka lagu qiyaaso lakabyada carrada.

“Carrada sodanka senti ee igu sareeya haddii daadku qaado oo dhagaxaan soo baxaan Ayaan waxba lagu beeri Karin hadda deegaanada duufaantu ka dhacday caradii badh ayaa ugu soo hadhay, oo ma wada qaadin taas ayaa keenaysa in dib wax u beertaan, nafaqada digada (Saxarada) xoolaha ayay u adeegsanayaan”

Khabiirku waxaa uu sheegay in marka lagu shubo dhulka saxarada xoolaha ay carrada nafaqoobayso, kadibna wax lagu beeri karo, waxaa uu xusay in xalka kaliya ee hadda lagu soo celin karo carradu ay tahay in la isticmaalo saxarada Xoolaha oo ah nafaqeeyahay ugu wanaagsan ee carrada.

Previous Post

Laascaanood: Kiisaska tacaddiyo ka dhanka ah dumarka oo soo kordhaya

Next Post

Barnaamijka Dalan-dool

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Barnaamijka Dalan-dool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo