Magaalada Garowe 200 oo arday oo dhigta sanadkii ugu dameeyey ee jaamacadda ayaa loo sameeyey shaqo carbis. Shaqo carbintan oo deegaanka ku cusub ayaa ardaydan waxay shaqooyin ka qabanayaan, xarumo kala duwan iyada oo loo eegayo hadba waxa ay bartaan.
Arrintaas ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo shaqo la’aanta soo wajahda dhallinyarada marka ay jaamacadaha dhammeeyaan, islamarkaana arrinta u sahasho inay sii fahmaan xirfadaha hadhow looga baahan yahay.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa warbixin Garowe ka soo diray.









