Yuusuf Cabdiraxmaan oo ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Boosaaso, faraceeda Garowe oo uu ka barto ganacsiga iyo maamulka casriga ah ayaa fursad shaqo barasho ah ka helay isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Carafaat.
Waxaa uu kamid yahay 200 oo arday oo jaamacadaas dhigta oo bishan loo sameeyay shaqo carbin, isagoo muddo ka yar toban cisho isbitaalka qeybtiisa maamulka kala shaqeeya diiwaangelinta iyo soo dhoweynta maalin kasta siddeed saacadood oo galabtii iyo habeenkii ah.
Yuusuf waxaa uu sheegay in shaqo carbinta noocaan oo kale ah ay faa’iido badan ugu jirta ardayda jaamacadaha dhigta iyo kuwa qalin-jabiyey. Waxaa uu xusay in ay shaqada uu helay ay u tahay mid uu waayo-aragnimo badan ku helaya si uu u fahmo habka shaqada, hadhowna uu shaqo rasmi ah u helo.
Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ah guddoomiyaha xarunta hal abuurka ganacsiga ee jaamacadda Boosaaso oo sanad ka hor la sameeyay, ardaydana ka caawisay in ay helaan fursadaha shaqo carbinta ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ujeeddada laga leeyahay loo dhisay xarunta ay tahay in dhallinyarada shaqo la’aantu ku keento dhibaatooyinka nafsi ah iyo afkaar khaldan in xal loogu helo, iyadoo lagu jihaynayo in la fahansiiyo suuqa shaqada
Xaruuntan hal abuurka ee jaamacadda Boosaso, faraceeda Garowe waxaa barnaamijyo tababaro ah ka caawiyay Bankiga Amal iyo hay’adda Shaqo-Doon oo iyadu gacanta ugu weyn ka geysatay shaqo carbinta dhallinyaradan.
200 ee ardayda ah hadda kuma jiraan cid loo sameeyay fursad maalgelin ah ganacsi ah, balse taasi waa mid kamid ah qorshayaasha xarunta.
Jaamacaddu waxay la kaashatay shaqaalaysiinta ardaydan hay’adda shaqa-doon, waxaana dhallinyarada oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba la siin doonaa gunnooyin bille ah oo qofkiiba dhan $50, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Maxamuud.
Ardayda bartay qeybaha caafimaadka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada ayey ka kooban yihiin kuwa fursadaha helay. Maxamed wuxuu sheegay in ardayda bartay ganacsiga ay shaqo barashada ka sokow iyagu wax u biirin doonaan goobaha ganacsiga yar yar oo ay tahay in ay u dejiyaan nidaamka maamul iyo xisaabeed ee ay barteen
Yusuf Cabdiraxmaan, wuxuu dhanka kale sheegay in uu leeyahay hadaf sii dhaafsiisan inuu shaqeeyo, wuxuuna fursaddan shaqo barasho uga faa’iidaysanayaa in uu la yimaado hal abuur cusub oo ganacsi si uu isagu u sameysto shaqo u leeyahay.
Gabdhuhu waa ay uga sii nugul yihiin wiilasha dhinaca shaqo la’aanta. Najax Cabdulqaadir oo baratay maamulka dowliga ah, waxay ka tirsan tahay ardayda shaqo carbinta ka faa’iidaysanaya, iyadoo la shaqeyneysa wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland.
Najax ayaa sheegtay in ay shaqo carbintan ka rajeynayso fursado galaangal leh oo ay hore ugu sii socon karto.
“Waxay u sahleysaa in khibrad uu helo ardaygii. Aqoontii uu muddada soo baranayay, si fududna uu dadkii ku barto isaga oo aan meelo kale iyo CV qoran in uu ardaygii goobihii shaqada dadkii maamulayay uu si fudud ku barto iyo dadkii ka shaqaynayay” ayay tiri
Waxaa jirta kalsooni darro xoog leh oo goobaha ganacsiga iyo kuwa kale ee shaqaduba ay ka muujiyaan shaqaalaha cusub, waana sababta ay qaraabo shaqaaleyntu u badan tahay, taas oo iyaduna caqabad ku ah dadaaladan. Hase yeeshee, dadka hormuudka ka ah shaqo carbinta waxay sheegayaan shaqo bartayaasha oo la aaminaa ay keeni karto kobaca ganacsiga ku yimaado iyo faa’iido badan oo laga helo iyo sidoo kale in ay yareyso dhibaatooyinka dhallinyarada ku khasbaan shaqo la’aanta.
“Waxaan ka filaynaa in ay hoos u dhigto dhibaatooyinka dhallinyaradda, tahriibta, daroogadda, ammaan darradda, qofku markuu meel ku aadan yahay way adag tahay in uu waxaas ku fekero, dareen badan oo dhow baan ka rajo qabnaa oo aan is leenahay wax buu tarayaa baan filaynaa,”, sidaas waxaa yiri guddoomiyaha xarunta hal abuurka ganacsiga ee jaamacadda Boosaaso, Maxamed Maxamuud Yuusuf.
Puntland waxay kamid tahay meelaha ay dhallinyaro badan ka tahriibto, iyagoo ku doodayo in aysan shaqo jirin, ardayda jaamacadaha dhameeyay way ku jiraan kuwa qaba doodaas.
Inta badan waxaa caan ah in dhallinyaradu ay cidlo iyo shaqo la’aan ku soo dhacaan marka ay jaamacadaha dhameeyaan, arrintaas oo kaalin ku leh heerka shaqo la’aanta laga cawdo ee Soomaaliya.










