Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Boqollaal arday ah oo ku guuleystay fursado shaqo barasho ah

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Boqollaal arday ah oo ku guuleystay fursado shaqo barasho ah

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Yuusuf Cabdiraxmaan oo ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Boosaaso, faraceeda Garowe oo uu ka barto ganacsiga iyo maamulka casriga ah ayaa fursad shaqo barasho ah ka helay isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Carafaat.

Waxaa uu kamid yahay 200 oo arday oo jaamacadaas dhigta oo bishan loo sameeyay shaqo carbin, isagoo muddo ka yar toban cisho isbitaalka qeybtiisa maamulka kala shaqeeya diiwaangelinta iyo soo dhoweynta maalin kasta siddeed saacadood oo galabtii iyo habeenkii ah.

Yuusuf waxaa uu sheegay in shaqo carbinta noocaan oo kale ah ay faa’iido badan ugu jirta ardayda jaamacadaha dhigta iyo kuwa qalin-jabiyey. Waxaa uu xusay in ay shaqada uu helay ay u tahay mid uu waayo-aragnimo badan ku helaya si uu u fahmo habka shaqada, hadhowna uu shaqo rasmi ah u helo.

Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ah guddoomiyaha xarunta hal abuurka ganacsiga ee jaamacadda Boosaaso oo sanad ka hor la sameeyay,  ardaydana ka caawisay in ay helaan fursadaha shaqo carbinta ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ujeeddada laga leeyahay loo dhisay xarunta ay tahay in dhallinyarada shaqo la’aantu ku keento dhibaatooyinka nafsi ah iyo afkaar khaldan in xal loogu helo, iyadoo lagu jihaynayo in la fahansiiyo suuqa shaqada

Xaruuntan hal abuurka ee jaamacadda Boosaso, faraceeda Garowe waxaa barnaamijyo tababaro ah ka caawiyay Bankiga Amal iyo hay’adda Shaqo-Doon oo iyadu gacanta ugu weyn ka geysatay shaqo carbinta dhallinyaradan.

200 ee ardayda ah hadda kuma jiraan cid loo sameeyay fursad maalgelin ah ganacsi ah, balse taasi waa mid kamid ah qorshayaasha xarunta.

Jaamacaddu waxay la kaashatay shaqaalaysiinta ardaydan hay’adda shaqa-doon, waxaana dhallinyarada oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba la siin doonaa gunnooyin bille ah oo qofkiiba dhan $50, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Maxamuud.

Ardayda bartay qeybaha caafimaadka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada ayey ka kooban yihiin kuwa fursadaha helay. Maxamed wuxuu sheegay in ardayda bartay ganacsiga ay shaqo barashada ka sokow iyagu wax u biirin doonaan goobaha ganacsiga yar yar oo ay tahay in ay u dejiyaan nidaamka maamul iyo xisaabeed ee ay barteen

Yusuf Cabdiraxmaan, wuxuu dhanka kale sheegay in uu leeyahay hadaf sii dhaafsiisan inuu shaqeeyo, wuxuuna fursaddan shaqo barasho uga faa’iidaysanayaa in uu la yimaado hal abuur cusub oo ganacsi si uu isagu u sameysto shaqo u leeyahay.

Gabdhuhu waa ay uga sii nugul yihiin wiilasha dhinaca shaqo la’aanta. Najax Cabdulqaadir oo baratay maamulka dowliga ah, waxay ka tirsan tahay ardayda shaqo carbinta ka faa’iidaysanaya, iyadoo la shaqeyneysa wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland.

Najax ayaa sheegtay in ay shaqo carbintan ka rajeynayso fursado galaangal leh oo ay hore ugu sii socon karto.

“Waxay u sahleysaa in khibrad uu helo ardaygii. Aqoontii uu muddada soo baranayay, si fududna uu dadkii ku barto isaga oo aan meelo kale iyo CV qoran in uu ardaygii goobihii shaqada dadkii maamulayay uu si fudud ku barto iyo dadkii ka shaqaynayay” ayay tiri

Waxaa jirta kalsooni darro xoog leh oo goobaha ganacsiga iyo kuwa kale ee shaqaduba ay ka muujiyaan shaqaalaha cusub, waana sababta ay qaraabo shaqaaleyntu u badan tahay, taas oo iyaduna caqabad ku ah dadaaladan. Hase yeeshee, dadka hormuudka ka ah shaqo carbinta waxay sheegayaan shaqo bartayaasha oo la aaminaa ay keeni karto  kobaca ganacsiga ku yimaado iyo faa’iido badan oo laga helo iyo sidoo kale in ay yareyso dhibaatooyinka dhallinyarada ku khasbaan shaqo la’aanta.

“Waxaan ka filaynaa in ay hoos u dhigto dhibaatooyinka dhallinyaradda, tahriibta, daroogadda, ammaan darradda, qofku markuu meel ku aadan yahay way adag tahay in uu waxaas ku fekero, dareen badan oo dhow baan ka rajo qabnaa oo aan is leenahay wax buu tarayaa baan filaynaa,”, sidaas waxaa yiri guddoomiyaha xarunta hal abuurka ganacsiga ee jaamacadda Boosaaso, Maxamed Maxamuud Yuusuf.

Puntland waxay kamid tahay meelaha ay dhallinyaro badan ka tahriibto, iyagoo ku doodayo in aysan shaqo jirin, ardayda jaamacadaha dhameeyay way ku jiraan kuwa qaba doodaas.

Inta badan waxaa caan ah in dhallinyaradu ay cidlo iyo shaqo la’aan ku soo dhacaan marka ay jaamacadaha dhameeyaan, arrintaas oo kaalin ku leh heerka shaqo la’aanta laga cawdo ee Soomaaliya.

Previous Post

Dhallinyaro helay fursado shaqo carbin ah

Next Post

Muqdisho: Haween qabay isku-furan oo qallino bilaash ah ka faa’ideystay

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Boorama: Haween laga daweeyay isku-furan sanado ay la noolaayeen

Muqdisho: Haween qabay isku-furan oo qallino bilaash ah ka faa'ideystay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo