Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Muqdisho: Haween qabay isku-furan oo qallino bilaash ah ka faa’ideystay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Boorama: Haween laga daweeyay isku-furan sanado ay la noolaayeen

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasro* waxay ku faraxsan tahay afar sano kaddib inay markii ugu horreysay la midoobeeyso saygeeda.Muddadaas oo ay qabtay xanuunka isku-faranka ayaa sababtay inay ka fogaato nolasha ninkeeda.Taasoo ku beertay kalsooni darro ah inay halayso gogosha ama gurigaba maadaama aysan awoodin inay celiso kaadida iyo saxarada. Waxaa rajadeeda soo celiyey qallin looga daaweeyey xanuunka 9-kii bishi Juun cisbitaalka Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waxay ka tirsanayd sideetan iyo sagaal haween ah oo lagu guulaystay in laga daaweeyo xanuunkan oo laga kala keenay magaalooyinka Kismaayo, Dhuusamareeb, Beledweyne, Cadaado, Boosaaso iyo Muqdisho, waxayna isugu jiraan kuwo gaadiid ku yimid iyo kuwo diyaarad soo raacay.

Hadda waa mid qabta rajo wanaagsan oo ay kula noolaan karto bulashdii ay marki hore ka duwanayd “Hadda waa ikan oo gurigayga ayaan ku noolahay,oo ma cabsanayo inay wax ka yimaadaan oo aan gogosha halleeyo oo kalsooni baan qabaa anoo farxasan baan seexdaa anoo faraxsanna waan soo toosaa,marki hore dadka ma dhex galikarin oo waxaan moodayey in aan u soo urayo ama wax iga imaanayaan”

Inta badan haweenka uu la soo gudbonaado xanuunkan ayaa ka sheegto in ragga ay u dhaxaan dayacaan oo qoysaska qaar ay burburaan. Nasro oo inti ay xanuunsanayd ku noolayd guriga hooyadeed ayaa saygeedu ahaa mid la garab tagnaa in uu qaado meel kasto oo loogu sheego in wax looga qaban karo xanuunkeeda kuna bixin jiray qarash iyo wakhti.

Nasro ayaa xilligi uu ku dhacayey cudurkan ku sugnayd magaalada Kismaayo. Soddon iyo afar saacadood oo ay foolanaysay ayaa keentay inay dilaacdo kaadi haysta. Marki danbe umuliso dhaqameed ayaa xoog u adeegsatay si ilmaha ay banaanka ugu soo saarto.Tan iyo wakhtigaas waxay deris lahayd murgo joogta ah. “ Welwelka aan qabay waxaa ka mid ahaa in aan daawo oo sidaa ku dhammaysto nolasheyda oo ninkaygana uu iga tago oo uu gabar kale guursado” Raashinka caadiga ah ayey tilmaantay inay isaga joojisay saxarada badan ee adkaata awgeed.

Afar bil oo kaliya ayuu hayey xanuunkan marki ay billowday tagidda cisbitaal si looga daaweeyo balse laguma guulaysan marar badan oo ay isky dayday.Xogta cisbitaalka  lagu daaweeyey hadda ayey ka heshay dumar hooyadeed ay saaxiibo yihiin oo xanuunkan looga soo daaweeyay si bilaash ah,kadibna si toos ah ayey ula xiriirtay mas’uuliyiinta cisbitaalka. Dhatar Cabbaad Cabdiraxmaan Shigow oo ah agaasimaha cisbitaalka ayaa sheegay in tirada haweenka ee imaanaya cisbitaalka kordhayso oo bil kaliya ay isdaawaangaliyeen 30 oo oo daawo doonaya halka marki hore waxaan 100 dhamayn la heli jiray. Wuxuu ku sababeeyey in haween badan ay hadda sheegayanayaan xanuunka halka marki hore ay qarsan jireen.

“Sadexda nooc ee aan qaabilno waa kuwa ay ku darsameen kaadida,saxrada iyo dhiigga caadada,kuwa kaadidda iyo saxarada kaliya ah iyo kuwo kaadida kaliya ay ka socoto” 

Isku-furanka ayaa yimaadda xilliga foosha ay ku raagto hooyada,ama ilamaha oo waynaada oo xoog loo adeegsado in lagaga dhalliyo iyo haweenka oo aan ku umulin xarumo caafimaad.

Cisbitaalkan ayaa haweenka qalliinka,daawayn iyo cuntada ay isticmaalaan inta ay jiifaan oo lacag la’aan ah. Cisbitaalka oo ay gacanta ku hayso hay’dda Physicians Across Continent (PAC) ayaa lixdii bilba mar la samaeeyaa daawaynta iyo qalliinnada noocaan ah.

Inta badan haweenka uu ku dhoco xanuunkan ayaa ah kuwa qarsada oo aan horay u tagin goobaha caafimaad ee wax looga qabn karo. Caasho Xasan Macalin oo jir ah 22-sano jir ugub ah ayaa laba bil oo kaliya ayada uu hayey cudurkan lagu guulaystay in laga daaweeyo bishi Juun. Caasho oo xilliga uu cudurkan ku dhacayey ku suganayd magaalada Baydhbo ayaa foolanaysay sedex maalin. Kadib ayaa loo geeyey umuliso dhaqameed taasi oo xoog u adeegsatay ka dhalinta ilmaha. Cirbadda foosha soo dedejisa oo lagu duray ayey sheegtay inay keentay inay dilaacdo kaadi haysta. “Markaan dhalay kadib xanuun baan dareemay balse uma qaadan halis oo daawo ayaan farmasi ka gatay,mar danbe ayaan fahmay in kaadida iyo saxaradu isku darsameen xanuunkiina igu batay,lama socdsiin  saygayga oo waan naxsanaa,maalintii labaad ayaan u sheegay muddo labbo bil ahna waxaan xirnaa Xafaayad”

Xilligaas ayuu ninkeeda  u guntaday in uu dhaqtar geeyo si wax looga qabto xanuunkan. Waxaa si toos ah loo geeyey cisbitaalka magaalada Baydhabo. Bale waxaa lagu wargaliyey in aan waxba laga qaban karin waxaana loo sheegay inay aaddo cisbitaalka Dayniile. Waalidkeeda iyo saygeeda oo iskaashanaya ayaa u soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo. “ Hadda waan fiicnahay oo xafaadayaddi waan iska dhigay, hadda niyad ahaan xataa waan u caafimaad qabaa”

Dhatar Cabbaas ayaa sheegay in haweenka ugu badan ee xanuunkan laga daaweeyo ay da’doodu u dhexeyso 17- 27 sano jir.

*Magacyada haweenka ku jira warbixinta waan badallanay

Munasar Maxamed/Fowzia

 

Previous Post

Boqollaal arday ah oo ku guuleystay fursado shaqo barasho ah

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo