Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob ka da’ay Doolow oo aqallada ka dumiyay boqollaal qoys oo soo barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 6, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Digniin fatahaad

Photo|Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Daad uu soo rogay roob xooggan oo saddexdii ilaa afartii Abriil ka da’ay degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sababay inay hoy-la’aan ku dhacdo 350 qoys oo ka soo barakacay abaaraha. Cali Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga xerada Kambaasa II oo ay dadkan deggenaayeen ayaa sheegay in dadka ay markii hore guryo ka dhisteen dooxooyin ay maraan biyaha ka soo rogmada duleedyada ee ku darsama webiga Jubba.

Guddiga xerada ayaa qoysaskaas isugu geeyay mid ka mid ah saddex hool oo ay sanadkii hore hay’aduhu ka dhiseen xerada, kaas oo loogu talagalay dadka cusub ee abaaraha ka soo barakacaya inay sii degaan inta ay aqallo ka dhisanayaan, mararka qaarna loo adeegsan jiray in lagu bixiyo adeegyada caafimaad.

Cali Ibraahim ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska ay aqallada ka dumeen ay yimaadeen xilli abaar ah oo aanay cidina roob ka fikireyn. Haddana ay hoolka sii deggenaan doonaan maaddaama aanay jirin meel kale oo la dejiyo. Xilliga gu’ga waa billow, waxaana suuragal ah in roobabka ay sii da’aan ilaa bisha Juun ee soo socota.

Maxamuud Aadan Keerow oo 55 jir ah ayaa ka mid ha dadka uu roobka aqallada ka dumiyay. Ninkan oo ah aabbaha afar carruur ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in daadka uu la tagay wax kasta oo agab ah oo aqalka u yaallay, sida maacuun, dhar iyo raashin isugu jiray galley uu hal kiilo ku qiyaasay iyo digir aan badneyn.

“Waxaan hal mar aragnay daad xawli ah oo noo soo galay,” ayuu yiri. Xilli seq-dhexe ah ayay ahayd markii uu carruurta oo keliya ka badbaadsaday daadkaas. Wuxuu hadda ka mid yahay dadka isdhex-daadsan ee ku hoyanaya hoolka la dejiyay oo ah jiingad dusha ka dadan.

Maxamuud oo ahaa xoolo-dhaqato-beeraley ay abaarta saameysay ayaa xeradan soo degay bishii Luulyo ee sanadkii hore, markaas oo uu gaari-dameer qoyskiisa uga soo raray miyiga degmada Waajid ee gobolka Bakool. Wuxuu aqalka ka dhistay meesha keliya ee bannaaneyd ee ay xerada ka heli kareen.

Dadku ma haystaan gogol ay iyaga iyo carruurtooda ku seexdaan iyo wax ay ka huwadaan dhaxanta sida ay sheegtay Aamino Maxamed Deeqow oo haysata afar carruur ah oo agoon ah. Waxay dhinac ka seexataa hoolka tan iyo markii uu daadku dumiyay aqalkooda oo ka sameysnaa ulo, baakado iyo maryo.

“Meeshii weli biyo ayaa jiifa oo dib looguma noqon karo. Hoy kale ma aqaan sidaan ku helayo,” ayay tiri. Waxay bartamihii sanadkii hore ka soo barakacday deegaanka Ufurow ee gobolka Bay, kaddib markii ay abaarta ka dishay 32 lo’ ahaa oo ay noloshooda ku tiirsaneyd.

Daadku ma saameyn qoysaska soo barakacay ee deggan dhulka taagga ah. Xeradan oo ay ku nool yihiin dad lagu sheegay 4,500 oo qoys wax gargaar ah lagama bixin muddo sanad ah, waxayna noloshooda ku tiirsan tahay shaqooyin yaryar. Haweenku waxay dharka u soo dhaqaan qoysaska magaalada, halka ay ragguna u xamaali tagaan suuqyada. Waxay Doolow oo u jirtaa 3 km.

Previous Post

Roobab ka da’ay Dollow oo hoy la’aan dhigay 350 qoys oo barakacayaal ah

Next Post

Garowe: Gabdho isu keena gabdhaha shaqo-doonka ah iyo dadka shaqaalaha raba

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Qiimaha xooluhu ka joogaan magalooyin door ah todobaadkaan

Garowe: Gabdho isu keena gabdhaha shaqo-doonka ah iyo dadka shaqaalaha raba

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo