Sucaad Maxamuud Cali waxay Canada ku noolayd in ka badan 23 sano, waxay baratay caafimaadka waana shaybaariiste. waxay hindisay nooc cusub oo shaah ah oo caleentiisu ay tahay toddobo geed iyo cuntooyin kale oo aad isugu dheelitiran nafaqo ahaan. Waxay kaloo samaysaa shaambooyin iyo saabuuno lagu qubaysto oo laga sameeyay dhir la isku dardaray oo ay iyadu gacanteeda ku samayso.
Si ay arrintan u sameyso waxay ku qaadatay cilmi-baaris 10 sano ah. 1-dii bishii hore ee sanadkaan ayayna howshan ka billowday magaalada Garoowe. Weriyaheenna Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa wareystay Sucaad.