Axmed Cabdi Maxamed, waa nin dhallinyaro ah oo ku nool tuulada Gaatamo ee gobolka Togdheer. Wuxuu farriin noogu reebay lambarka 2012 oo si bilaash ah nalooga soo Waco, dib ayaan u wacanay Axmed, Weris Maxamed kala sheekeysatay waxa uu ka faa’iiday barnaamijka madadaalada Ergo, iyo sida uu saameyn ugu yeeshay jaceylkiisa iyo noloshiisa.