Qoysas ka soo barakacay abaarta oo ku nool duleedka magaalada Hargeysa ayay toddobaadkii saddexaad haysataa hoy la’aan. Dadkan oo ay tiradooda gaarayso 100 qoys ayaa lagu khasbay inay aqalladooda furfurtaan, kaddib markii lagu dul iibsaday dhulkii ay deggenaayeen oo gaar loo lahaa. Hadda waxay qaarkood oo haysta carruur aad u da’yar, waayeel iyo dad xannuusan hoos seexdaan geedaha, halka qaar kalena ay meel bannaan ah alaabtoodu daadsan tahay.
Waxay isugu jiraan reer miyi ay xoolihii dhaafisay abaarta iyo danyar awoodi waayay inay kirooyinka guryaha iska bixiyaan oo miciin biday inay la noolaadaan dadka soo barakacay.
Faadumo Xirsi oo 75 sano jir ah, isla geedka ay hoos seexato ee ay alaabtu u hoos taallo ayuu ku xiran yahay wiil ay dhashay oo dhimirka ka xanuunsanaya oo 37 jir ah. Waa habeenkii 23-aad oo iyadoo xilliga qabowga ah lagu jiro ay bannaankaas cidlada ah ku hoyanayaan.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay ka welwelsan tahay guri la’aanta haysata. Waxaa nolol u ah cuntada ay siiyaan dadka deriska la ah. Labo sano kahor ayay kasoo barakeceen abaar ka dhacday deeggaanka Dhubato oo Hargaysa dhinaca bari ka xigta 45 km.
Boqolkan qoys oo keliya kuma noola dhulka dadka laga rarayo, laakiin waxaa jira afar boqol oo kale oo lagu wargeliyay inay guuraan kahor 25 ka bishan. Qoysaska hoy la’aanta ah ayaa koox koox isu weheshada. Marka habeenkii la gaaro waxay ku soo uruuraan dab ay shitaan si ay isaga celiyaan dugaagga iyo dadka dhaca u yimaada xerada.
Waxaa jira qoysas markii aqallada laga raray isku dayay inay u guuraan dhul kale oo bannaan oo ku yaalla duleedka magaalada. Hase yeeshee ay dadkii lahaa u diideen inay deegaamaystaan. Khadiijo Ismaaciil Yuusuf oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay ku khasbanaadeen isla gaadiidkii ay kireysteen inay dib ugu soo noqdaan. Buur 15 km u jirta ayay isku dayayeen inay degaan.
Khadiija oo haysata 7 carruur ah ayaa xustay in dhibaatada ugu daran ee ay joogista dhulkan bannaan kala kulantay ay tahay inay habeennada qaar xerada yimaadaan kooxo burcad ah. Toddobaad ka hor gabar ay dhashay ayaa laga badbaadiyay isku day kufsi. “Cabsida iyo dhaxanta jirkeenna ku dhaceysa ayaa dareenkii na tiray. Habeenkii oo dhan ma seexdo ilaalo ayaan hayaa,” ayay tiri.
Xoghayaha Dowladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaale oo weriyaha Ergo uu ku booqday xafiiskiisa ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay dhamaadka bishan dadkaas ugu rarayaan dhul ay dowladda leedahay oo u dhow buurta Naasa-hablood. Wuxuu xaqiijiyay inay dadka siiyeen kaarar ay ku aqoonsadaan.
Wuxuu tilmaamay in ay dadkaas xaq u leeyihiin inay dhul helaan, balse ay arrintooda ku soo beegantay xilli uu maamulku ku jiro xaalad kala guur ah oo isbeddel lagu sameeyay madaxda iyo wasiirrada.









