Yuusuf Cismaan Cabdilaahi (Shaacir) waa abwaan, qoraa iyo suugaan dhaadhi ku nool magaalada Hargeysa oo arrimaha dhaqanka iyo suugaanta ku xeel dheer, waxaa uu caan ku yahay ka sheekaynta dhaqankii hore ee Miyiga.
Sida ay ku timid Suugaanta Gole ka-fuulka ee abwaanada Soomaalidu tiriyaan iyo kaftankii hasaawaha ee suugaanta ku dhisnaa ee waqtiyadii hore dhallinyaradu isku guursan jirtay waxaa ka wareystay oo magaalada Hargeyska kula kulmay weriyaheenna Ilyaas Cabdi Cali.






