Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer miyiga Mudug oo hakiyay xoolihii ay seyladda geyn jireen si ay roobka uga faa’ideystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 22, 2017
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Weekly Newsletter

Photo | Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabduqaadir Yuusuf, xoolo-yarida seyladda koonfurta Gaalkacyo ee saddexdii toddobaad ee u dambeysay waxay ka dhigtay nin shaqeeya oo haddana aan nolosha qoyskiisa ku filneyn, kuna tiirsan kaalmo uu qaraabadiisa ka helo. Reer miyiga gobolka Mudug ee ku ceyrtoobay abaarta ayaa joojiyay xoolihii badnaa ee ay suuqyada keeni jireen si ay uga faa’ideystaan roobka gu’ga ee curtay bishii hore ee Oktoobar. Dad badan oo sida Cabduqaadir ay noloshooda ku tiirsaneyd ganacsiga xoolaha ayayna arrintaas saameyn ku yeelatay.

Seyladda oo toddobaadyo ka hor la keeni jiray xoolo ku dhow 600 oo neef waxaa hadda la keenaa in ka yar 100 neef. Taas waxay sare u qaadday sicirka xoolaha hadda la heli karo oo ay ganacsatadu ka keensadaan meelo ka baxsan Mudug, sida gobollada Nugaal iyo Hiiraan. Heerka koowaad ee neefka ariga ah oo ahaa SoSh1.1M ($39.2) wuxuu hadda marayaa SoSh1.9M ($67.8).

Labo maalin oo uu Cabduqaadir seyladda tago toddobaadkii, haddii uusanba faro-marnaan la soo noqon wuxuu soo helaa 40,000 oo shilin oo ka yar $2. Lacagtaas oo aan masruuf ugu filneyn qoyskiisa oo shan qof ka kooban. Wuxuu suuq-xumada ka hor maalintii heli jiray 200,000 oo shilin, marka uu dadka xoolaha kala iibsanaya u kala dallaalo marka ay ugu yar tahay 80 neef maalintii. “Xoolo-yari waan arki jiray, laakiin tan oo kale nama soo marin,” ayuu yiri ninkan oo seyladda ka shaqeynayay muddo 11 sano ah.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in reer miyiga ay ku dadaalayaan inay ka faa’ideystaan doogga uu dhaliyay roobka si ay ugu naaxaan xoolaha ay abaarta ku raagtay, uguna tarmaan. Mudug waxa uu ka mid yahay gobollada ay sida daran u saameysay abaarta saddexdii sano ee la soo dhaafay ka jirtay Soomaaliya.

Waaliddiinta qaar waxay ka walaacsan yihiin marka ay bisha dhamaato sida ay ku heli doonaan lacagta waxbarashada carruurtooda. Sida Abshiro Aadan oo ah hooyo keligeed korsata toddobo carruur ah. Ganacsigeeda hilibka ayay suuq-xumada saameyn ku yeelatay. Walwalka lacagta deynta ah ee maalin kasta ku sii badaneysa marka ay dukaanka cunto uga soo qaaddo carruurteeda waxaa u dheer in aysan bishan heli karin shan iyo afartanka doollar ee waxbarashada afar ka tirsan carruurteeda.

Xaaladdan ka hor waxay 150,000 oo shilin, oo ah faa’iidada ay maalin kasta ka heli jirtay hilibka, inta ay raashinka ku iibiso ma ahane inta kale waxay u keydin jirtay waxbarashada.

Hilibka geela wuu ku yaraaday suuqyada koonfurta Gaalkacyo, halka kiilada hilib ariga ah oo toddobaadyo ka hor ahayd 90,000 oo shilin ($3.2) ay hadda mareyso 155,000 oo shilin ($5.5).

Geela abaarta ka badbaaday ee reer miyiga u haray waxay ganacsatada xoolaha ku qiyaaseen inuu ka yar yahay boqolkiiba toban intii ay horay u haysteen. Waxayna sheegayaan iyaga oo lacagta u baahan maaddaama aysan weli si buuxda uga soo kaban abaarta, ay haddana ku gacan-adeygayaan xoolaha ugu haray xeryaha.

Previous Post

Barnaamijka Beeraha

Next Post

Beeralayda Buuhoodle oo dadaal ugu jira inay ka soo kabtaan abaartii

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Beeralayda Buuhoodle oo dadaal ugu jira inay ka soo kabtaan abaartii

Beeralayda Buuhoodle oo dadaal ugu jira inay ka soo kabtaan abaartii

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo