Cabduqaadir Yuusuf, xoolo-yarida seyladda koonfurta Gaalkacyo ee saddexdii toddobaad ee u dambeysay waxay ka dhigtay nin shaqeeya oo haddana aan nolosha qoyskiisa ku filneyn, kuna tiirsan kaalmo uu qaraabadiisa ka helo. Reer miyiga gobolka Mudug ee ku ceyrtoobay abaarta ayaa joojiyay xoolihii badnaa ee ay suuqyada keeni jireen si ay uga faa’ideystaan roobka gu’ga ee curtay bishii hore ee Oktoobar. Dad badan oo sida Cabduqaadir ay noloshooda ku tiirsaneyd ganacsiga xoolaha ayayna arrintaas saameyn ku yeelatay.
Seyladda oo toddobaadyo ka hor la keeni jiray xoolo ku dhow 600 oo neef waxaa hadda la keenaa in ka yar 100 neef. Taas waxay sare u qaadday sicirka xoolaha hadda la heli karo oo ay ganacsatadu ka keensadaan meelo ka baxsan Mudug, sida gobollada Nugaal iyo Hiiraan. Heerka koowaad ee neefka ariga ah oo ahaa SoSh1.1M ($39.2) wuxuu hadda marayaa SoSh1.9M ($67.8).
Labo maalin oo uu Cabduqaadir seyladda tago toddobaadkii, haddii uusanba faro-marnaan la soo noqon wuxuu soo helaa 40,000 oo shilin oo ka yar $2. Lacagtaas oo aan masruuf ugu filneyn qoyskiisa oo shan qof ka kooban. Wuxuu suuq-xumada ka hor maalintii heli jiray 200,000 oo shilin, marka uu dadka xoolaha kala iibsanaya u kala dallaalo marka ay ugu yar tahay 80 neef maalintii. “Xoolo-yari waan arki jiray, laakiin tan oo kale nama soo marin,” ayuu yiri ninkan oo seyladda ka shaqeynayay muddo 11 sano ah.
Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in reer miyiga ay ku dadaalayaan inay ka faa’ideystaan doogga uu dhaliyay roobka si ay ugu naaxaan xoolaha ay abaarta ku raagtay, uguna tarmaan. Mudug waxa uu ka mid yahay gobollada ay sida daran u saameysay abaarta saddexdii sano ee la soo dhaafay ka jirtay Soomaaliya.
Waaliddiinta qaar waxay ka walaacsan yihiin marka ay bisha dhamaato sida ay ku heli doonaan lacagta waxbarashada carruurtooda. Sida Abshiro Aadan oo ah hooyo keligeed korsata toddobo carruur ah. Ganacsigeeda hilibka ayay suuq-xumada saameyn ku yeelatay. Walwalka lacagta deynta ah ee maalin kasta ku sii badaneysa marka ay dukaanka cunto uga soo qaaddo carruurteeda waxaa u dheer in aysan bishan heli karin shan iyo afartanka doollar ee waxbarashada afar ka tirsan carruurteeda.
Xaaladdan ka hor waxay 150,000 oo shilin, oo ah faa’iidada ay maalin kasta ka heli jirtay hilibka, inta ay raashinka ku iibiso ma ahane inta kale waxay u keydin jirtay waxbarashada.
Hilibka geela wuu ku yaraaday suuqyada koonfurta Gaalkacyo, halka kiilada hilib ariga ah oo toddobaadyo ka hor ahayd 90,000 oo shilin ($3.2) ay hadda mareyso 155,000 oo shilin ($5.5).
Geela abaarta ka badbaaday ee reer miyiga u haray waxay ganacsatada xoolaha ku qiyaaseen inuu ka yar yahay boqolkiiba toban intii ay horay u haysteen. Waxayna sheegayaan iyaga oo lacagta u baahan maaddaama aysan weli si buuxda uga soo kaban abaarta, ay haddana ku gacan-adeygayaan xoolaha ugu haray xeryaha.










