Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Garoowe: Idaacad dembi lagu waayay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 21, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Garoowe: Idaacad dembi lagu waayay

Photo | Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa talaadadii dembi ku weysay idaacad maxali ah oo maamul goboleedka Puntland uu ku eedeeyay ‘been-sheegid’. Idaacada oo Sahan la yiraahdo ayaa lagu dacweeyay war bogeeda intarneetka lagu daabacay oo sheegayay in dhaqaale xumi heysto maamulka ay horseedi doonto in aan xus weyn loo sameyn maalinta aas-aaska Puntland. Raadiyaha waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu baahiyay war dowladu ku sheegtay ‘been-abuur’ oo ah Shabaab koofur kasoo qaxay uu imaanaya dhulka maamulku ka taliyo. Laakiin garsooraha koowaad ee maxkamada gobolka Nugaal Sheekh Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in maxkamadu dembi ku weysay idaacada.

Kiiska oo furay labo toddobaad kahor ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee warbaahin lagu maxkamadeeyo, sida  uu sheegay Faysal Khaliif oo ah madaxa Ururka Warbaahinta Puntland. “Waa talaabo horey loo qaaday in dowladdu ku qanacday in sharciga iyo garsoorka lagu kala baxo,” ayuu yiri Faysal.
Sida horey u dhici jirtay, maamulka uma baahan jirin warqad maxkamadeed si loo xiro weriye ama warbaahin sheegtay war dowladdu dhibsato. Se, ciidamada ayaa u dhici jiray xarumaha warbaahinta, iyagoo weriyayaasha muddo dheer xabsi ku heyn jiray kadibna maxkamad la’aan sii deyn jiray. “Kiiskan wuxuu ka dhigan yahay in maalmihii weriyayaasha la iska xiri jiray laga gudbay,” ayuu Faysal hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas wuxuu xilligii uu mucaaradka ahaa u balan-qaaday warbaahinta xorriyad iyo madaxbanaani. Laakiin weriyayaashu ma aysan helin xorriyad weyn oo ku naaloodaan 20-ka bilood ee uu madaxweynaha yahay. Labo bilood kahor waxaa muddo 24 saacadood ah ku xirnaa magaalada Garoowe labo weriye oo ka tirsan Raadiyoow Daljir iyaga oo aysan maxkamad xukumin. Waxaa la siidaayay iyaga oo aan maxkamad la horgeen.

Si kastaba, Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in maxkamad geynta Raadiyaha Sahan in ay qeyb ka tahay dedaalka lagu badelayo dhaqanka ah in weriye la iska xiro. Agaasimaha Wasaarada Mowliid Abubakar Abkey ayaa xusay in ay garowsideen in  garsoorku yahay halka keli ah ee si hufan loogu kala bixi karo. “Waxaan dhiirigelineynaa dhaqanka ah in sharciga lagu kala baxo. Haddii sharcigu dembi ku helo warbaahinta ama cidda la eedeeyay, waxaa la marsiin doonaa ciqaab sharci ah. Haddii maxkamadahu dembi ku waysana waa in la sii daayo,” ayuu yiri Mowliid.

Previous Post

Haweenka Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka qalin-jebiyay oo dalbanaya inay shaqooyin helaan

Next Post

Baydhabo: Qoysas soo barakacay oo ka welwelsan mustaqbalka

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Displaced families face bleak future in Baidoa

Baydhabo: Qoysas soo barakacay oo ka welwelsan mustaqbalka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo