Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoysas soo barakacay oo ka welwelsan mustaqbalka

Radio Ergo by Radio Ergo
August 31, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Displaced families face bleak future in Baidoa

SONY DSC

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Photo | Qaar ka mid ah qoysaskii soo hayaamay/Sawir/Muxyadiin Xusni
31 August, 2015 BAY

Bil kahor, Sacdiyo Cabdulqaadir iyo siddeeddeeda carruurta ah waxa ay ka mid ahaayeen qoysaska ugu ladan deegaanka Doolaan-doolle oo 75km u jirta degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay. Marna kama aysan wel-welin cunto maalmeedkooda, iyadoo afar ka mid ah carruurtana ay waxbarasho heysteen. “Waxa aynu degganeyn guri aynu leennahay oo dhinac beer ka ahaa, xoolo-na way noo joogeen. Nolosheennu waxa ay aheyd sida ugu wanaagsan,” ayey tiri Sacdiyo oo Raadiyoow Ergo la hadashay.

Laakiin markii ciidamada dowladda iyo kooxda Shabaab ay ku dagaallameen deegaanka Doolaan-doolle dhammaadka bishii hore, Sacdiyo iyo carruurteeda waxa ay ku qasbanaadeen inay barakacaan. Halka ugu habboon ee ay tagi kareen waxa ay noqotay xero ku taal duleedka Baydhabo oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay dageen qoysas ka badan shan boqol oo kasoo barakacay deegaannada lagu dagaalamay ee Diinsoor, Doolaan-doolle iyo Iidaale oo ka tirsan gobolada Bay.

“Xoolihii, beertii iyo guriga iyo wixii kale oo hanti ah oo dhan waynu kasoo qaxnay. Nafta baynu lasoo baxsannay,” ayey tiri Sacdiya. Hadda waxa ay ku nool yihiin aqal cooshad ka sameysan oo ka dhex taagan xeradan oo aan laheyn meel cunto laga bixiyo, biyo nadiif ah, adeeg caafimaad iyo koronto midna. “Noloshu meeshan way adag tahay oo maalinta wanaagsan hal mar baan wax cunaa,” ayey tiri Sacdiya. Waxa ay intaa ku dartay in carruurta waxbarashada ka kala go’day. Xoolaha iyo miraha beerta oo ay uga soo tageen aaba qoyska Axmadeey Cali oo weli Doolaan-doolle ku harsan iib laguma heli karo haddii uu soo iibin lahaa.

Dadka soo barakacay waxaa u badan haween iyo carruur oo raggoodii uga soo tagay in guriga, xoolaha iyo beeraha ay la sii jogaan. Laakiin qoysaska qaar ayaa tiro carruurtooda ka mid ah kasoo barakacay iyaga oo aan meelna ku sheegin. Qoysaskaas waxaa ka mid ah Anbiyo Aadan Isxaaq oo afar ka mid ah carruurteeda aan meel ku sheegin. “Saddex ka mid ah carruurta baan halkan la mid. Afar baa iga maqan oo aan weli meelna lagu sheegin nolol iyo geeri midna,” ayey tiri Anbiyo.

Anbiyo oo kontan iyo lix sano jir ah weligeed kama aysan barakicin deegaankeeda hadda kahor. Riyadeeda ugu weyn waa inay ilmaheeda dib ula midoowdaa, si nabad ahna ugu noqoto beerteyda iyo deegaankeeda.
Laakiin weriyaha Raadiyoow Ergo ee Baydhabo wuxuu sheegayaa in aysan muuqan xasilooni horseedi karta in qoysaskan dib ugu noqon deegaanadooda mustaqbalka dhow. Meelaha qaar weli dagaal baa ka socda ama ciidamada baa ishorfadhiya. Deegaanada la kala qabsadayna qaarkood waa ay go’doonsan yihiin oo lagama bixi karo, lama geli karo.

Weriyahu wuxuu xusay in qoysaska soo barakacay ka welwelsan yihiin suurtogalnimada ah inay sanado kusoo noolaadaan xeradan oo hadda qoyska degan qaarkood ay shan sanno kahor kasoo barakaceen deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool oo ciidamada dowladda iyo kuwo Amisom ay ku dagaalameen.

Muxyadiin Xasan/MR

Previous Post

Garoowe: Idaacad dembi lagu waayay

Next Post

BUUHOODLE: 100 KUN OO ARI OO LA TALLAALAYO

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BUUHOODLE: 100 KUN OO ARI OO LA TALLAALAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo