Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

BUUHOODLE: 100 KUN OO ARI OO LA TALLAALAYO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
September 1, 2015
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Tallaalka ari dhan boqol kun oo neef ayaa ka bilowday degmada Buuhoodle iyo shan deegaan oo ku dhow oo ka wada tirsan gobolka Togdheer. Ariga deegaankaas ayaa laga tallaalayaa cudurro ay ka mid yihiin jadeecada iyo furuqa, iyadoo xoolaha qaba cudurka dulanka dawooyin la siinayo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland iyo hey’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u fulinaya tallaalka oo socon doono muddo afartan maalin ah. Howl-wadeennada tallaalka oo kala jooga tuulooyinka Waqooyi iyo galbeed kaga beegan degmada Buuhoodle ee kala ah Kalshaale, Dhilaalo, Sool-joogto, Hagoogane, Baleef iyo tuulada Xamar-lagu-xidh ayaa ilaa hadda tallaalay Ari ka badan 40 kun oo neef toddobaad iyo bar gudahood.

Waa markii ugu horreysay oo xoolaha deegaankaas ay tallaal helaan wixii ka dambeeyay dowlad burburkii dhowr iyo labaatanka sano kadib, sida uu sheegay dhakhtar Cabdirashiid Raabbi oo madax u ah kooxda tallaalka tuulada Dhilaalo. Dhakhtarku wuxuu intaa ku daray in dadka xoolo-dhaqatada ah ay sidoo kale uga digayaan isticmaalka hilibka neefka la tallaalay muddo kow iyo laabatan maalmood ah gudahood, iyadoo caanaha neefka la cabi karo toddobaad uun kadib marka la tallaalo.

Si kastaba, cudurrada jadeecada iyo furuqa ayaa kusoo noq-noqday deegaankaas oo adeegyada caafimaadka ee dadka iyo duunyadaba ay aad u hooseeyaan. Aadan Ismaaciil oo ka mid ah xoolo-dhaqatada tuulada Xamar-lagu-xidh oo 40km dhanka bari ka beegan Buuhoodle oo la soo xiriiray Raadiyoow Ergo bishii hore ayaa sheegay in badi ariga deegaanka ay la il daran yihiin labadaas cudur oo ay daawo iyo tallaal u heli karin.

Laakiin xoolo-dhaqatadu waxay ku faraxsan yihiin inay ugu dambeyn tallaal u helayaan cudurradaas, sida uu sheegay Faarax Jaamac oo ku nool tuulada Dhilaalo ee degmada Buuhoodle. “Muddo dheer baan xoolo-dhaqde ahay; markii ugu horreysay arigeyda oo dhan baa lay tallaalay,” ayuu yiri Faarax oo ku rajo weyn in tallaalku uu cirib-tiro xanuunnada xooluhu ay u dhiman jireen.

Khadar Cawl Ismaaciil/FO/MR

Previous Post

Baydhabo: Qoysas soo barakacay oo ka welwelsan mustaqbalka

Next Post

Buuhoodle: Ceelashii ugu horreeyay oo la hirgeliyay

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Buuhoodle: Ceelashii ugu horreeyay oo la hirgeliyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo