Collaado ku salaysan qabiil oo ka dhacayey gobolka Bari lixdii sano ee ina dhaaftay ayaa ragaadiyey adeegyadda asaasiga ah ee deegannada qaarkood siiba wax barashada tuulooyinka oo awelba iska liitay.
Collaadahaas isku xiliga ahaa qaybo waxay ka socdeen bariga shishe eegobolka iyo bartamaha Kobdhexaad iyo Ufayn oo ka tirsan degmada Boosaaso, mid kale oo ay isku sifo yihiina waxay ka socotay Rako iyo inta u dhexaysa Xumbays oo ah qaybta koonfureed ee gobolka kana tirsan degmada Qardho. Bahda waxbarashadda ee meelaha collaadu ka dhacday waxay sheegeen in arday tiro badani colaaduhu ku khasbeen inay ka tagaan goobihii waxbarashada.
Cabdilaahi Xuseen Maxamuud oo ah macalin wax ka dhiga dugsiga hoose Dhexe ee Kodmo ayaa Ergo u sheegay, “Dugsiga hoose iyo dhexe ee Kodmo ee Xumbays keligiis waxaa tegey 79 arday, 224 arday ayaa dhiganayey sanadkii 2011, halka ay ku soo hareen 2013-kii tiro dhan 183, ardaydaan ayaa aaday miyiga, si ay uga nabad galaan colaadaha ku salaysan qabiilka.
Cali Maxamed Xirsi oo ah arday waxa ka baranayey dugsiga hoose Dhexe ee Duudhooyo oo ah tuulo u dhow Xumbays, ayaa Ergo u sheegay inuu markuu dagaalku dhacay u wareegey iskuul ku yaal tuulo kale oo la dhaho Xiriiro sanadkii 2011, markii dagaalkii sii socdayna iskuulkii kalena ku colaadii.
Maamule kuxigeenka dugsiga hoose Dhexe ee Kodmo Daahir Xuseen ayaa Ergo u sheegay in dugsigii Qodax la ee deegaanka ku yaalay ayna dhiganayeen 54 arday u xirmay colaadaha jiray mudadaan, kadib markii ardayda oo kasoo kala jeeday beelaha dagalamayaa u kala carareen deegaanaday kala deganayeen.
Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Rako Maymuun Cabdullaahi waxay sheegtay in agoon tiro badan oo aan waxbarasho haysan ay joogaan deegaanka, ayna deegaanku ka mid yahay meelahay colaadaha qabaa’ilku sameeyeen, iyadoo u jeedisay dowladda iyo hay’adaha samafalka in ay adeegyo waxbarasho iyo kuwa caafimaad deeganada collaaduhu ka dheceen ay gaariisayaan, dhanka kalena odayaasha iyo wax garadka ugu baaqday in collaadda la joojiyo si dib loogu dhiso hanaankii waxbarasho ee deegaanka.
Cabdiraxmaan Xaaji










