Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xeryo ka saarista dadka barakacay: sii barakicinta oo u nugleysay ku tiirsanaanta gargaarka

admin by admin
July 12, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xeryo ka saarista dadka barakacay: sii barakicinta oo u nugleysay ku tiirsanaanta gargaarka

Photo | Xaawo oo la hadleysaya weriyaha Raadiyaha Arrimaha Bani'aadannimo ee Ergo/saiwr/Xamdi Cabdulaahi

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Sheekadan waxey qeyb ka tahay warbixinno taxane ah oo aan ka diyaarinnay dadka soo barakacay ee laga sii barakicinayo dhismayaasha dowladda iyo dhulka gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho.

By Muxyadiin Axmed Rooble

Xaawo Cabdiraxmaan Cabdi waxay ku howlaneyd dhaqista dharka reer ladan oo deggan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho marka uu telefoonkeeda soo dhacay. Shaqada noocaas ah waa habka ay ku hesho nolol maalmeedka carruurteeda. Waxayse qalajisay gacmaheeda kahor inta aysan telefoonka ka jawaabin. “Xerada waa la dumiyay ee ilmahaaga u imoow,” ayaa  lagu yiri Xaawo. Waxay maqli kareysay codka ilmaheeda oo oynaya.

Waxay aheyd xilli barqo ah maalin Talaado ah. Xaawo oo ah hooyo sagaal carruur ah heysata waxay u degdegtay xeradii ay deggeneyd ee Warshadda Caanaha oo ka mid ah xerooyinka ugu waaweyn ee lagu barakacay magaalada. Xeradan waxaa ku nool labo kun oo qof oo deegaannadoodii uga soo barakacay colaado iyo abaaro ku soo noqnoqday gobollada koonfureed.

“Markaan xerada imid waxaan arkay askar hubeysan oo dharka dowladda wata oo dadka argagax ku haya. Si dhaqsiyo leh uma helin carruurteyda oo ay hayeen dadkii i soo wacay; qof walbana wuu argagaxsanaa,” ayay Xaawo ku tiri weriyaha raadiyaha Arrimaha Bani’aadannimo ee Ergo oo ay kula hadashay xero ku taalla deegaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho. “Meel dagaal ka dhacay bey u ekeyd!,” ayay hadalkeeda ku dartay. Sarkuusta oo galbkeed kaga beegan magaalada Muqdisho waxay deegaan u noqotay qoysas dhan 36,000 oo carruur iyo haween u badan oo si khasab ah looga raray xeryo iyo dhismeyaal ay magaalada ka deggenaayeen tobankii bilood ee la soo dhaafay.  Qoysaskaas waxay ku nool yihiin xeryo isku-raran ah oo aan ammaan aheyn iyagoo aan heysan adeegyada aasaasiga u ah nolosha sida biyaha iyo xarumo caafimaad.

“Waxaan nahay dad go’doonsan oo meel go’doon ah ku nool. Waxba ma yaallaan halkan, oo wax weliba waxaynu u doonannaa Muqdisho,” ayay tiri Xaawo oo deegaankan u soo guurtay kaddib markii ciidamada dowladda ay dumiyeen xerada Warshadda Caanaha 7-dii bishii Oktoobar. Gaadiidka ka dhex shaqeeya xeryaha ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha oo ah halka badi dadka soo barakacay ay u shaqo tagaan waxaa sii socod iyo soo socodba ku baxeysa lacag ku dhow hal doollar. Laakiin qoysaska soo barakacay lacagtaas ma awoodaan, socod lug ah oo labo saac qaatana uma wada sahlana.

Hadda, Xaawo iyo seygeeda oo dhismeyaasha ka shaqeeya oo ay weheliyaan sagaalkooda carruurta ah waxay ku wada nool yihiin aqal ka sameysan qoryo, marooyin iyo baco xargo la iskula xirxiray.  Xaawo oo markeedii hore ka soo qaxday degmada beerashada caanka ku ah ee Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose waxay xerada Warshadda Caanaha ku nooleyd muddo ka badan toban sano.  Xeradaa ayay ku guursatay, kuna dhashay sagaalkeeda carruurta ah oo ay sidoo kale halkaa ku korisay.

Xaawo waxay ku faaneysaa in aysan marnaba ku tiirsanaan jirin cuntada deeqda ah ee ay bixiyaan hay’adaha gargaarka ee la siiyo dadka soo barakacay, waayo iyada iyo seygeedaba way wada shaqeyn jireen si ay u helaan nolol-maalmeedka ubadkooda.  Iyadu badanaa suuqa Bakaaraha ayay ka xamaashaa ama dhar ayay qoysaska tanaadka ah u dhaqdaa, halka seygeeda uu ka shaqeeyo dhismeyaasha. Maalmaha wanaagsan waxay heli jireen 100 kun oo shilin Soomaali ah, taas oo ugu filnaan kartay wax ay cunaan maalintaas.

“Laakiin maanta odeyga oo keli ah baa shaqeeya, sababtoo ah labadeenna ma wada heli karno lacagta baabuur-raaca ah,” ayay tiri Xaawo. Dhibta noocaas ah Xaawo uma gaar ahan, laakiin kumannaan kale oo ah dad soo barakacay oo waayay shaqooyinka yaryar ee ay ka hayeen  magaalada oo tiir dhaxaad u aheyd nolol-maalmeedka ayaa la wadaaga.  Maadaama laga saaray magaalada, hadda waxay u nuglaadeen ku tiirsanaanta cuntooyinka hay’adaha gargaarka oo aan xitaa la hubin in la heli doono.

Laakiin, ku-xigeenka duqa magaalada Muqdisho Iimaan Nuur Iikar  wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in uu waddanku xaalad dagaal ku jiro oo aan loo dedejin karin dib-u-dajinta dadka soo barakacay “maanta iyo berri”.  Wuxuuse kula taliyay dadka deegaannadooda kasoo barakacay inay guryo ka kireystaan magaalada dhexdeeda si aysan uga fogaan suuqyada ay ka shaqeystaan. “Qaarkood kiro ayay bixiyaan oo ma aha dad iska deggan. marka qofka maadaama uu kiro bixinayo meel kale inuu kiro ka bixiyo shiddo ma noqoneyso,” ayuu yiri Iimaan. Laakiin Xaawo Cabdiraxmaan Cabdi waxay sheegtay in intii ay deggenayd xerada Warshadda Caanaha aan laga qaadan wax kiro ah.

 

Previous Post

Tuulooyin ku yaal gobolka Bari oo colaado ka jira ay saameeyeen waxbarashadii

Next Post

Berbera: Dadka dhimirka ka buka oo helaya hoy iyo daryeel

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Next Post
Berbera: Dadka dhimirka ka buka oo helaya hoy iyo daryeel

Berbera: Dadka dhimirka ka buka oo helaya hoy iyo daryeel

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo