Sheekadan waxey qeyb ka tahay warbixinno taxane ah oo aan ka diyaarinnay dadka soo barakacay ee laga sii barakicinayo dhismayaasha dowladda iyo dhulka gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho.
By Muxyadiin Axmed Rooble
Xaawo Cabdiraxmaan Cabdi waxay ku howlaneyd dhaqista dharka reer ladan oo deggan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho marka uu telefoonkeeda soo dhacay. Shaqada noocaas ah waa habka ay ku hesho nolol maalmeedka carruurteeda. Waxayse qalajisay gacmaheeda kahor inta aysan telefoonka ka jawaabin. “Xerada waa la dumiyay ee ilmahaaga u imoow,” ayaa lagu yiri Xaawo. Waxay maqli kareysay codka ilmaheeda oo oynaya.
Waxay aheyd xilli barqo ah maalin Talaado ah. Xaawo oo ah hooyo sagaal carruur ah heysata waxay u degdegtay xeradii ay deggeneyd ee Warshadda Caanaha oo ka mid ah xerooyinka ugu waaweyn ee lagu barakacay magaalada. Xeradan waxaa ku nool labo kun oo qof oo deegaannadoodii uga soo barakacay colaado iyo abaaro ku soo noqnoqday gobollada koonfureed.
“Markaan xerada imid waxaan arkay askar hubeysan oo dharka dowladda wata oo dadka argagax ku haya. Si dhaqsiyo leh uma helin carruurteyda oo ay hayeen dadkii i soo wacay; qof walbana wuu argagaxsanaa,” ayay Xaawo ku tiri weriyaha raadiyaha Arrimaha Bani’aadannimo ee Ergo oo ay kula hadashay xero ku taalla deegaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho. “Meel dagaal ka dhacay bey u ekeyd!,” ayay hadalkeeda ku dartay. Sarkuusta oo galbkeed kaga beegan magaalada Muqdisho waxay deegaan u noqotay qoysas dhan 36,000 oo carruur iyo haween u badan oo si khasab ah looga raray xeryo iyo dhismeyaal ay magaalada ka deggenaayeen tobankii bilood ee la soo dhaafay. Qoysaskaas waxay ku nool yihiin xeryo isku-raran ah oo aan ammaan aheyn iyagoo aan heysan adeegyada aasaasiga u ah nolosha sida biyaha iyo xarumo caafimaad.
“Waxaan nahay dad go’doonsan oo meel go’doon ah ku nool. Waxba ma yaallaan halkan, oo wax weliba waxaynu u doonannaa Muqdisho,” ayay tiri Xaawo oo deegaankan u soo guurtay kaddib markii ciidamada dowladda ay dumiyeen xerada Warshadda Caanaha 7-dii bishii Oktoobar. Gaadiidka ka dhex shaqeeya xeryaha ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha oo ah halka badi dadka soo barakacay ay u shaqo tagaan waxaa sii socod iyo soo socodba ku baxeysa lacag ku dhow hal doollar. Laakiin qoysaska soo barakacay lacagtaas ma awoodaan, socod lug ah oo labo saac qaatana uma wada sahlana.
Hadda, Xaawo iyo seygeeda oo dhismeyaasha ka shaqeeya oo ay weheliyaan sagaalkooda carruurta ah waxay ku wada nool yihiin aqal ka sameysan qoryo, marooyin iyo baco xargo la iskula xirxiray. Xaawo oo markeedii hore ka soo qaxday degmada beerashada caanka ku ah ee Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose waxay xerada Warshadda Caanaha ku nooleyd muddo ka badan toban sano. Xeradaa ayay ku guursatay, kuna dhashay sagaalkeeda carruurta ah oo ay sidoo kale halkaa ku korisay.
Xaawo waxay ku faaneysaa in aysan marnaba ku tiirsanaan jirin cuntada deeqda ah ee ay bixiyaan hay’adaha gargaarka ee la siiyo dadka soo barakacay, waayo iyada iyo seygeedaba way wada shaqeyn jireen si ay u helaan nolol-maalmeedka ubadkooda. Iyadu badanaa suuqa Bakaaraha ayay ka xamaashaa ama dhar ayay qoysaska tanaadka ah u dhaqdaa, halka seygeeda uu ka shaqeeyo dhismeyaasha. Maalmaha wanaagsan waxay heli jireen 100 kun oo shilin Soomaali ah, taas oo ugu filnaan kartay wax ay cunaan maalintaas.
“Laakiin maanta odeyga oo keli ah baa shaqeeya, sababtoo ah labadeenna ma wada heli karno lacagta baabuur-raaca ah,” ayay tiri Xaawo. Dhibta noocaas ah Xaawo uma gaar ahan, laakiin kumannaan kale oo ah dad soo barakacay oo waayay shaqooyinka yaryar ee ay ka hayeen magaalada oo tiir dhaxaad u aheyd nolol-maalmeedka ayaa la wadaaga. Maadaama laga saaray magaalada, hadda waxay u nuglaadeen ku tiirsanaanta cuntooyinka hay’adaha gargaarka oo aan xitaa la hubin in la heli doono.
Laakiin, ku-xigeenka duqa magaalada Muqdisho Iimaan Nuur Iikar wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in uu waddanku xaalad dagaal ku jiro oo aan loo dedejin karin dib-u-dajinta dadka soo barakacay “maanta iyo berri”. Wuxuuse kula taliyay dadka deegaannadooda kasoo barakacay inay guryo ka kireystaan magaalada dhexdeeda si aysan uga fogaan suuqyada ay ka shaqeystaan. “Qaarkood kiro ayay bixiyaan oo ma aha dad iska deggan. marka qofka maadaama uu kiro bixinayo meel kale inuu kiro ka bixiyo shiddo ma noqoneyso,” ayuu yiri Iimaan. Laakiin Xaawo Cabdiraxmaan Cabdi waxay sheegtay in intii ay deggenayd xerada Warshadda Caanaha aan laga qaadan wax kiro ah.










