Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Berbera: Dadka dhimirka ka buka oo helaya hoy iyo daryeel

admin by admin
July 13, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Berbera: Dadka dhimirka ka buka oo helaya hoy iyo daryeel

Photo | Dhaqtar talo siinaya bukaan/Sawir/Cumar Seerbiya

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Isbitaalka dadka dhimirka ka buka ee magaalada Berbera ee gobolka Waqooyi-Berri ayaa bilaabay ole-ole jidadka magaalada laga wadayo dadka dhimirka ka buka. Ole-olahan oo bishii labaad galay ayaa ilaa hadda waxaa lagu aruriyay bukaano ka badan kow iyo labaatan oo mid haween tahay.

Dadkan dhimirka ka buka oo ku dayacnaa waddooyinka magaalada ayaa hadda hoy, cunto, dawooyin iyo daryeel ka helaya isbitaalkan dadka dhimirka ka jiran ee degmada Berbera.  Bukaanadaas oo ciidamada booliska iyo howl-wadeenno caafimaad kasoo qabteen jidadka degmada ayaa ku biiraya shan iyo labaatan bukaan oo horey ugu jiray xarunta, sida uu sheegay Cumar Sayid oo ah madaxa daweynta bukaannada ee isbitaalka.

“Ugu horreyn waxaan wax ka qabannaa nadaafadda bukaanka, wixii daaweyn u baahan waan daaweynaa, waxaana siinnaa cuntooyin nafaqo leh iyo talooyin caafimaad oo marka hore aan xaalkooda ka wareysaneyno,” ayuu yiri dhakhtar Cumar.

Ganacsatada iyo maamulka degmada Berbera ayaa xarunta ku taageeraya dhaqaalaha ku baxaya daryeelka dadka dhimirka ka buka oo horey macluul iyo daryeel la’aan ugu geeriyoon jiray waddooyinka magaalada.

Maxamuud Cabdi oo xubin ka ah guddiga ganacsatada magaalada xeebta ku taal ayaa sheegay in bil walba iyaga oo kaashanaya maamulka degmada inay xarunta siin doonaan lacag dhan shan iyo toban kun oo doolar si xaruntu awood ugu yeelato hoysiinta, quudinta iyo daryeelka dadka dhimirka ka buka.

Dhakhtar Cumar Siyad wuxuu sheegay inta dadka dhimirka ka buka oo da’doodu u dhaxeyso 25 ilaa 40 sano jir inay badidood kasoo jeedaan qoysas sabool ah oo aan awood u laheyn daryeelkooda. Waxay badidood xanuunka ka qaadeen saboolnimada baahsan oo ka dhalatay abaar xoolaha leysay oo deegaanka ka jirtay labadii sano ee lasoo dhaafay. Dhakhtarku wuxuu intaa ku daray in shaqo la’aanta ay qeyb ka tahay waxyaabaha ugu wacan in dhalinyarada deegaanku u nuglaadaan  cudurada dhimirka.

Cumar Cali Xasan (Seerbiya)/FM/MR

Previous Post

Xeryo ka saarista dadka barakacay: sii barakicinta oo u nugleysay ku tiirsanaanta gargaarka

Next Post

BUUHOODLE: HOOS U DHAC KU YIMID QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
XOOLLAHA KA DHOOFAYA DEKADAHA SOOMAALIYA XILLIGAAN XAJKA

BUUHOODLE: HOOS U DHAC KU YIMID QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo