Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Bulshadda Buuhoodle oo afartii sano ee la soo dhaafay 2 milyan oo dollar kaga baxday tahriibka

Radio Ergo by Radio Ergo
July 3, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Bulshadda Buuhoodle oo afartii sano ee la soo dhaafay 2 milyan oo dollar kaga baxday tahriibka

Photo | Sawir/Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Tahriibka ayaa qiime aad u sareeya ugu kacaya bulshada ku nool degmada Buuhoodle, xaaladaan tahriibka oo aafeeyey dadka deegaanka ayaa sheegay inay olole ugu jiraan wax ka qabashada  tahriibka. Dhalinyaro wax ka barata jaamacaddaha goboladda kala duwan ee wadanka iyo gudaha Buuhoodle oo hadda xilligii fasax ku soo noqday guryahooda ayaa abuuray urur la dhaho Iftiin oo ka dhan ah tahriibka.

Cabdalla Axmed Maxamed waa gudoomiyaha guddigaan “Runtii waxaa nagu kelifay hawshaan, bulshada deegaanka oo ay si isku mid ah u saamaysay dhibaatadda tahriibku, waxaan marka samaynay baaritaan inta dhibaatadu le’egtahay, guriguri ayaan deegaanka u marnay si aan u helno xog, waxaan diwaan gelinay 390 dhalinyaro ah oo ka tahriibtay Buuhoodle tan iyo 2011, ayna ku baxday aduun ka badan 2 milyan oo dollar”.
Lacagtaani waxay jebabkooda ka baxday qoysas kunool degmo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay xoolo dhaqato iyo ganacsi yar yar, Koos Muxumad Xoosh waa hooyo dukaan yar oo dharka lagu iibiyo ku haysata degmadda, bil ka hor ayuu ka tahriibay wiil ay carruurba la lahayd.

“Isagaan uga tegey dukaanka oo waxaan u safray Jabuuti, markaan soo noqday oo Hargeysa marayo ayaa la ii sheegay in wiilkii tahriibay, waxaanan bilaabay inaan dadkii dhex galo oo dadku ii gurmadaan ilana ururiyaan lacagtii magafe soo dalbaday oo ahayd 5 kun oo dollar.

Cabdullaahi Yuusuf Cabdi walaalkii oo ka yaraa oo la nolaa ayaa galay tahriibka, wuxuuna Ergo u sheegay “Anniga 10 kun oo dollar ayaan u diray, 5500 oo dollar ayaan u diray Magafe oo xawaaladda u dhigay, gurigaygii aan deganaa ayaan u xaraashay oo la iga siistay 15 kun oo dollar, tahriibkiisii ayeyna ku baxday, ilaa hadda kadeedkii tahriibkaasi I baday wuu iga muuqdaa, ma haysto hoy ay carruurtaydu galaan”.

Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah ganacsatadda degmadda ayaa isagu sheegaya in isticmaalka aaladda casriga ah oo baraha bulshadu ka mid yihiin meelaha dhiiri geliya tahriibka, loona bahan yahay isticmaalka dhalinyarada in lala fiiriyo.

Xamdi Cabdirisaa oo ka dhigta darasaadka Islaamka jaamacadda Bariga Afrika faraceeda buuhoodle ayaa sheegtay “Waalidka oo aan jihayn u samayn dhalinyarta marka ay dhamayaan waxbarashada dugsiga sare ayaa iyana qayb ka ah, tusaale ahaan Hooyo uu wiilkeedii maalin dhowd tahriibay intuusan tahriibin ayuu waydiistay lacag afar kun ah oo uu ku gato gaari yar oo uu ku shaqaysto, wayna ka diiday, isla todobaadkiina wuu tahriibay, waxayna dantii ku khasabtay inay bixiso 8 kun oo dollar oo ay siiso ma gefe iyo dadkii wax tahriibinayey, waana dhibaatooyin haysta bulshada una bahan in si hoose wax looga qabto arrimahaani”.
Khadar Cawil

Previous Post

Barakacayaasha xerada Tawakal ee Baydhabo oo aan heysan wax ay ku afuraan bisha Ramadaan

Next Post

Markab sida 3500 oo qof oo ka soo cararay dagaalada Yemen oo soo gaaray Boosaaso

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Markab sida 3500 oo qof oo ka soo cararay dagaalada Yemen oo soo gaaray Boosaaso

Markab sida 3500 oo qof oo ka soo cararay dagaalada Yemen oo soo gaaray Boosaaso

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo