Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha xerada Tawakal ee Baydhabo oo aan heysan wax ay ku afuraan bisha Ramadaan

admin by admin
July 1, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakacayaasha xerada Tawakal ee Baydhabo oo aan heysan wax ay ku afuraan bisha Ramadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa gudaha magaalada Baydhabo xaalad bani’aadannimo ay ku heysataa qoysas barakacyaal ah oo markoodii hore kasoo barakacay qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Bay, sida Qansax-dheere iyo Diinsoor.

Ilaa 4 boqol oo qoys oo ku jira xerada barakacyaasha ee Tawakal oo ku taalla duleedka koofureed ee magaalada Baydhabo ayaa xilligan ay soo wajahday xaalad khatar ah oo dhanka nolosha iyo hoyga ahba, sida uu soo tebinayo weriyaha Ergo ee Baydhabo oo booqday xeradaas.

Dadkani ayaan heysan cuno, biyo ku filan iyo hooy fiican oo ay ka galaan kulaylka qorraxda iyo dhaxanta xagaaga, qoyaskan ayaa Ergo u sheegay in aysan haysan rashiin ay ku afuraan iyadoo xitaa mararka qaar ay wayaaan biyaha iney dab shitaan iska daayee.

Muddo laba sano ah oo ay qoysaskan deggan yihiin xerada sooma gaarin wax gargaar ah, magaalada ayaana ka dheer oo loo sii socod iyo soo socodba loo soconayo saddex saacadood, mana aha kuwo shaqooyin u doonan kara.

Cabdi Maxamed Isxaaq oo ah Aabbe boqol sano jir ah, xerada uu ku jiro ee Tawakal uma joogaan qoyskiisa ama reero kale oo caawiya, waxaa uu ku jiraa aqal yar oo dhinacna maro ka saaran dhinac kalana ka feydan, markiisii hore waxaa uu ka mid ahaa beeralelyda degmada Qansax-dheere.
“Laba sano ayaa halkan fadhiyaa, cid aan mar wax ka heley malahan, boqol sano ayaa jiraa, dadka halkan ila jooga qaar way xamaashan, aniga maba dhaqaaqi karo waan duqoobay, ced ii joogto malahan dadka ayaa i caawiyo nolasha aan ku jiro way liidataa caawinaad ayaan rabnaa.” Ayuu Ergo u sheegay Cabdi.

Caasho Cabdi Cabdiraxmaan oo haysata 9-carruur ah oo aabbahoodu dhintay ayaa sheegay inaysan dab shidan maalmo, iyadoo qoysaska qaar biyo keliya ku afura oo aysan heysan wax kale.

“Annaga markii hore deegankeenna waxaan uga soo cararnay nolol xumo, dagaallo, waxaaba kasii darna marka Baydhabo soo gaarnay oo aan fileynay in xaalkeenna is baddalo, ayaan sidaan aragnay,  9-ka carruurta ah dab uma shido, meel aan seexiyo mahayo, marka dhibaato tan oo kale ah waligeed nama soo marin,” ayay tiri Caasho.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee gobalka Bay Maxamed Isxaaq Abuukar ayaa Ergo uga warramay waxa uu maamulkoodu ka ogyahay xaaladda ay barakacayaashan ku sugan yihiin. “Waa run xaaladda way jirtaa, dhibaatada koowaad waxaa keenay isbecdelka maamulka dhowaan dhacay, tan kale hay`adaha magaalada oo sidii la rabay aan wax u qaban, laakiin waan la soconnaa dhibaatada soo wajahday barakacyasha magaalada, waxaan wadnaa dadaal lagu caawinayo bishan Soon, waana ku dadaaleynaa in aan xaalkooda wax ka beddelno,” ayuu yiri.

Carruurta, waayeellada iyo haweenka nuujinaya carruurta ayaa ah kuwa aan xamili karin gaajada ka jirta xeryaha, waxayna ka codsanayaan hay`adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed inay caawinaad lasoo gaaraan.

Muxyadiin Xasan Maxamed/FM

 

Previous Post

Waraabe carruur cunay

Next Post

Bulshadda Buuhoodle oo afartii sano ee la soo dhaafay 2 milyan oo dollar kaga baxday tahriibka

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Bulshadda Buuhoodle oo afartii sano ee la soo dhaafay 2 milyan oo dollar kaga baxday tahriibka

Bulshadda Buuhoodle oo afartii sano ee la soo dhaafay 2 milyan oo dollar kaga baxday tahriibka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo