Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Waraabe carruur cunay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 29, 2015
in Masiibooyinka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | sawir/kaydka/Ergo

Deegaanka Adhicadeeye oo 32 Km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa la sheegay in 3dii bilood ee ugu danbeeyey uu waraabe ku cunay 3 carruur ah, kuna dhaawacay 5 ruux oo dad waaweyn ah kadib markii dadka deegaanku  bilaabeen inay ugaarsadaan dhurwaaga oo ay aamineen in uu daawo u yahay cudrro dhawr ah.

Xaliimo Cabdi Aadan waa hooyo dhashay 4 carruur ah oo  ah qoys xoolo dhaqato ah kuna nool baadiyaha tuuladaan, gabar 3 jir ah oo ay dhashay ayuu waraabe ka cunay 6-dii bishan June xilli fiidkii ah oo ay xooliha shaqadoodii ku hawlanayeen, Radio ergo ayey u sheegtay in 7:00 fiidnimo oo ay gabadha seexisay guriga ardaagiisa oo ay ninkeeda ka caawinaysay oo ku dhex jiray xerada ariga ay maqashay dhawaaqa gabadha yar kadibna ay arkeen dhurwaagii oo sii wata, aabihi ayaa cayrsaday anna qori ayaan soo qaatay waan ku riday laakiin wuu ii dhici waayey qorigii, waxaana geesaha i qabsaday sedex carruur ah oo kale oo aan dhalay oo meesha joogay daqiiqado kadibna waxaa soo noqoday carruurta aabahood oo fara maran markaas ayaana miyir igu danbaysay ayey tiri.

Waxay intaa ku dartay in dad gurmad ah ay uga yimaadeen tuulada Adhicadeeye waxayna so helaan qaar ka mid ah gabdha jirtkeedii wayna xabaaleen.

Cali Cabdi Aadan wuxuu la dhashay Xaawo, wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in wiil uu dhalay oo 3 jir ah uu waraabe la tagay xilli habeen ah oo la hurdo, wuxuu intaa raaciyey in uu isku dayey in uu ka soo dhigo wiilkiisa dhurwaaga, balse dagaal socday muddo saacad iyo bar ah oo dhexmaray aabe Cali iyo waraabaha kadib dhurwaagii ayaa  god la galay wiilkii asagana waxaa ka jabay tooshkii uu wax ku iftiinsanayey sidaas ayuuna dhurwaagii wiilki ku cunay.

Cabdixakiin Hurre Jibriil oo ka mid ah dadka ku nool Ari-caddeeye ayaa Ergo u sheegay in weerarada dhurwaaga ee dadka uu ku hayo ay bilaabatay 3 sano ee ugu danbeeyey kadib markii dadka deegaanku ugaarsi ku bilaabeen waraabaha oo ay aamineen in hilibkiisa iyo subbagiisa ay daawo u yihiin cudurro dhawr ah sida macaanka, xiiqda, jinka iyo dhiig-karka ayna dadku bilaabeen inay ugaarsadaan kadibna uu gadooday waraabuhu oo u biaalbay aargoosi.

Cabdixakiin Hurre Jibriil ayaa intaa ku daray in kiilada hilibka ah ama subagga waraabaha lagu kala iibsado lacaga u dhaxeysa 50 ilaa 150 dollar, caadiyan waraabaha oo aad ugu badan dooxda Nugaaleed ma ahayn mid dad qaad ah inta ay ka xasuustaan dadka deegaanku balse xoolaha oo kaliya ayaa lagu yaqiinay in uu cuno.

Faarax Dubbad

Previous Post

Ka qayb qaado tartankaan UNHCR haddaad tahay barakace ama qof qaxooti ah

Next Post

Barakacayaasha xerada Tawakal ee Baydhabo oo aan heysan wax ay ku afuraan bisha Ramadaan

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Barakacayaasha xerada Tawakal ee Baydhabo oo aan heysan wax ay ku afuraan bisha Ramadaan

Barakacayaasha xerada Tawakal ee Baydhabo oo aan heysan wax ay ku afuraan bisha Ramadaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo