Dadka ku nool degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya sare u kac ku yimid noocyada kala duwan ee raashinka daruuriga ah, arrintaas oo saameyn ku yeelatay noolasha dadka danyarta ah.
Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka ku nool Buur-dhuubo in ka badan 30 sano ayaa Raadiyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Ergo u sheegay in xaaladda noolasha dadku ay ka sii darayso maalinba maalinta ka danbaysa, wuxuu sheegay in loorka bariiska, sokorta iyo burka lagu kala iibsanayo lacaga gaaraysa milyan iyo sedex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta 54 doolar, 3 bilood ka hor waxaa lagu kala iibsanyey 900 oo kun oo sh Soomaali ah.
Saynab Axmed waa hooyo haysta 5 carruur ah waxay Ergo u sheegtay in raashinka yar ee hadda laga isticmaalo Buur-dhuubo gaari dameer looga soo qaado degmada Luuq oo 120 KM u jirta Buur-dhuubo, waxay intaa ku dartay in si dhuumaalaysi ah lagu keeno, waxay kaloo sheegtay inay jiraan qoysas aan haysan waxay ku iibsadaan xataa rubac sonkor ama bariis.
Dadka ku nool Buur-dhuubo waxay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeraleey, dadkii xoolo dhaqatada ahaa, ayaa la sheegay inay u hayaameen deegaanno kale xilligi abaarta balse beeralleedu ku dhibaatysan yihiin gudaha degmada iyo nawaaxigeeda sida uu yiri Maxamed Xuseen.
Kiilada Burka, bariiska waxaa lakala siisanayaa lacaga gaaraysa 25 kun oo shilin Soomaali ah, halka markii hore ay joogeen qiimo 16 kun, kiilada sokorta ayaa la iibinayaa 30 kun halka markii hore ahayd 20 kun, caagga sedex qaadka ah ee saliidda ayaa la siinayaa 130 kun oo shilin Soomaali ah.
Axmed Muuse oo ka tirsan beeralleeyda ayaa Ergo u sheegay in shidaalka oo qaali ah oo fuustadii ay tahay 300 doolar hadana helitaankiisu adagyahay ay sababtay in beeroleey badan ay kari waayeen inay abuurtaan beeraha maadama loo baahan matoor waraabiya beeraha.










