Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wareysi: Guddiga Qaxootiga Yemen oo sheegay in aysan sii heyn karin qaxootiga Yemen ka yimid

Radio Ergo by Radio Ergo
May 29, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Wareysi: Guddiga Qaxootiga Yemen oo sheegay in aysan sii heyn karin qaxootiga Yemen ka yimid
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Guddiga badbaadinta iyo samatabixinta qaxootiga Yemen oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan u xilsaartay caawinta qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo daabulayo dalka Yemen, ayaa sheegay inaysan qorshe dheer u heynin qaxootigaas, awooddoodana aysan dhaafsiisneyn inay soo dhoweeyaan keliya. Weriyaha Ergo, Fowsiya Cumar Barre ayaa wareysatay, waxayna ugu horreyn weydiisay inuu ka warbixiyo ujeeddada guddiga.

Sheekh Nuur Baaruud: Guddigeenna waxaan billownay inaan wacyi gelinno bulshada si ay u taageeraan qaxootiga, hadda inta naloogu yaboohay weli badankood lacagtaas gacanteenna masoo gelin. Markab uu nin Soomaali ah u diray qaxootiga Yemen, berri baan fileynaa inuu yimaado, soo dhoweyn iyo isu diyaarin baan ku jirnaa, sidoo kalena Boosaaso inay qaxooti yimaadaan ayaa la filayaa maanta.

Ergo: Ilaa iyo hadda maxaa idiin qabsoomay?

Sheekh Nuur Baaruud:Howshu waa bilow, laakiin markabkaas loo diray qaxootiga ayaa noogu muhiimsanaa oo berry imaanaya.

Ergo: Waxaad sheegtay inaad wacyigelin iyo qaaraan uruurin aad sameyseen, ma jiraan wax idiin soo gaaray?

Sheekh Nuur Baaruud:Waxaa naloo yaboohay ilaa 170,000 doollar, waxaana heynaa 30,000 oo doollar. Laakiin howshu waa bilow oo waxaan fileynaa yabooh badan.

Ergo: Tiro-kob maka heysaa dadka Muqdisho soo gaaray?

Sheekh Nuur Baaruud:Muqdisho waxaa yimid hal diyaarad oo wadday 95 qof, laakiin waxaa jira dad isa soo dabbaray oo diyaarad soo raacay kana yimid Jabuuti, Boosaaso iyo Berbera, laakiin tirokoob sax ah ma heyno hadda.

Ergo:Dhaqaalahan aaad heysaan maxaa idiin qorsheysaan inaad ku qabataan, ma dib-udejin baad u sameyneysaan dadka, ma gobolladaad u direysaan, maxaa idiin qorsheysan?

Sheekh Nuur Baaruud:Qorshaha keligeen maaha, hay`ado ayaa nala shaqeeya, diyaaraddii timid oo kalehay`ad baa keentay, ilaa 3 beri bey heysay lacag yar bey siisay kadibna way iska sii deysay. Laakiin annaga qorshaheenna maaha in qaxooti cusub la abuuro oo xeryo la sameeyo, ee waa in dadka la caawiyo kadibna ay aadaan meelaha ay ka kala soo jeedaan.

Ergo: Waxaad hore warbaahinta uga sheegteen in qaxootigaas aad ilaa 3 beri heyneysaan, kadibna aad fasaxeysaan oo meeshuu ka yimid uu aado, marka taas sow dhib maaha maaddaama dadku ay muddo dalka ka maqnaayeen oo aysan aqoon meel ay nolosha ka billaabaan?

Sheekh Nuur Baaruud:Markii horeba ayagoo xabbad ka cararay oo aan waxna heysan bey Yemen aadeen, hadda maaddaama ay dalkooda joogaan, siday isku dabbaraan ayagaa yaqaanna, annaga waxaan awoodno waan u qabaneynaa, kadibna ayagaa laga rabaa inay is dabbaraan oo gobolladooda aadaan.

Ergo:Marka qorshihiinnu waa inaad maalmaha hore heysaan, kadibna aad magaalada kusii deysaan?

Sheekh Nuur Baaruud:Qorshaheenna koowaad waa inaan dadkaas Yemen jooga aan soo dhaafinno xabadda circa iyo dhulkaba ka socota halkaas, wixii doon loo kireyn lahaa iyo wixii markab loo diri lahaaba. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida dal iyo dibad inay caawiyaan dadkaas.

Previous Post

Qaxootigii dhowaan Yemen laga keenay oo hoy ku meel gaar ah muqdisho laga dejiyay

Next Post

SHACABKA BUURDHUUBO OO KA CABANAYA SARE U KACA RAASHINKA

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO

SHACABKA BUURDHUUBO OO KA CABANAYA SARE U KACA RAASHINKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-JUN-2026

IDAACADDA 15-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo