Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hagaajinta adeegsiga Af-Soomaaliga warbaahinta

Radio Ergo by Radio Ergo
May 4, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Hagaajinta adeegsiga Af-Soomaaliga warbaahinta

Photo | Sawir/tababarki Garoowe/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa dhowaan la soo gebagebeeyay tababar ku saabsanaa Hagaajinta Adeegsiga af Soomaaliga ee Warbaahinta oo uu maalgeliyay Radio Ergo laguna kala qabtay magaalooyinka  Muqdisho, Gaalkacyo, Garoowe iyo Hargeysa.

Tababarkan oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee lagu qabto gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 150 weriye oo ka kala socday Idaacado, TV-yo, Website-yo, Wargeysyo kuwaasoo  51 ka mid ahi ahayeen dumar, waxaana tababarkan lagu martiqaaday  khubaro aqoon u leh mawduucan warbaahinta iyo af Soomaaliga.

Weriyaasha ayaa waxaa lagu barayey mowduucyo kala duwan oo loo arkay inay muhiim u tahay qof kasta oo ka shaqeeya warbaahin adeegsata afka Soomaaliga, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: muhimmadda barashada qoraalka farta Soomaaliga, higaaddiisa iyo weerihiisa, dhibaatooyinka ka dhasha adeegsiga ereyada aan saxda ahayn ee idaacadaha iyo TV yada, asluubaynta  af Soomaaliga loo adeegsado warbaahinta Soomaalida iyo tarjumaadda khaldan iyo saameynta ay ku yeelato wararka afka Soomaaliga loo beddelo.

Dhamaan wereyeyaashii ka qaybgalay tababarradan waxay caddeeyeen iney si weyn uga faa`iideysteen tababarkan loona baahnaa, waxayna ka codsadeen Ergo in la sii kordhiyo tababarrada caynkan ah kuwaaso si weyn ay ugu ooman yihiin weriyeyaasha si ay wax uga beddelaan heerka ay haatan yihiin.

Arrtintan waxay ka dhalatay ka dib markii ay Raadiyo Ergo u muuqatay in af Soomaaligii khatar ku sugan yahay, caalami ahaanna lagu daray luqadaha laga yaabo iney adduunyadu ka tirtirmaan sida ay sheegeyso daraasad ay sameysay UNESCO.

Waxay haddaba taasi keentay welwel iyo baqdin, wuxuuna maamulka Raadiyo Ergo go`aansaday inuu fadhiga ka kaco oo arrintan dadaal u galo sidii wax looga qaban lahaa arrintan, ugana qaybqaadan lahaa xoojinta af Soomaaliga warbaahinta lagana bilaabo ururintiisa iyo sixitaankiisa weriyeyaasha Soomaaliyeed oo qoraal iyo oraahba ku hawlgala af Soomaaliga.

Sanadkii 2011kii ayuu Raadio Ergo ballanqaaday inuu ka qaybqaadan doonto sidii loo tifaftiri lahaa adeegsiga af Soomaaliga warbaahinta loona hormarin lahaa. Muddo ka dibna wuxuu Raadiyo Ergo billaabay tallaabadii ugu horreysay sidii loo fulin lahaa arrintaas. 21kii Febraayo 2015ka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi tababarkii ugu horreeyay kaasoo lagu beegay  maalinta caalamiga ah ee afka Hooyo, kaasoo ay ka qaygaleen in ka badan 30 weriye oo ku dhaqan magaalada Nairobi.

Tababarradan waxaa ka qaybgalay mas`uulin sare oo ka socday gobollada lagu qabtay tababarradan oo dhamaantood u riiyaaqay tallaabadan, kuna boorriyay Raadiyo Ergo inuu labanlaabo hawshaan qiimaha leh.

Previous Post

Qoysas ka cabanaya beerahoodi oo ay geedo ka baxeen

Next Post

Dad ka soo hayaamaya miyiga oo imanaya degmadda Xudur

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Dad ka soo hayaamaya miyiga oo imanaya degmadda Xudur

Dad ka soo hayaamaya miyiga oo imanaya degmadda Xudur

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-APR-2026

IDAACADDA 19-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo