Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Gabdho bilaabay inay ka sameeyaan bacaha la tuuro xarko dib loo isticmaalo

Radio Ergo by Radio Ergo
April 25, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Muqdisho: Gabdho bilaabay inay ka sameeyaan bacaha la tuuro xarko dib loo isticmaalo

Photo | Sawir/Farhiyo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

50 gabdhood oo da,yar kuna nool Muqdisho,  waxna ka barta goobo waxbarasho oo kala duwan ayaa bilaabay inay ka qeyb qaataan nadaafadda xaafadaha degmooyinka  gobolka Banaadir. Gabdhahan ayaa iyagu uruuriya  bacaha lagu adeegto ee la iska tuuro kuwaas oo aad u xumeeya bilicda iyo saxadda dhibaatana ugeysta xoolaha iyo deegaanka, waxaana ay ka sameeyaan xarko qurxoon oo wax tar u leh bulshada lacagina ka soo gasho.

Gabdhahan ayaa hawshaan waday mudo 3 bilood ah, iyagoo xarkahay sameeyaan loo iibsado kuwa guryaha dharka looga warto, xoolo dhaqataduna ay xoolahooda ku xirtaan kuna waraabsadaan.

Qaali Jiinoow Cali waa 18 jir, waxayna madaxa u tahay gabdhahan  50 ka gaarayaa waxay  Radio Ergo u sheegay “Dadka qashinkay ku daraan bacaha markay isticmaalaan, haddii xitaa la duugo ma baaba’do, deegaankiina way xumaynaysaa, waxaa nagu dhaliyey markaan aragnay dhibaatadaas deegaankaas, markii hore tijaabo ayaan ka qaadnay in xarig laga samayn karo, dadku way nala yaabeen runtii markii hore, markii danbese waxaa soo baxay xarig qurux badan oo 4 kun oo shillin laga siisanayo suuqa Muqdisho”.

Qaali ayaa intaas ku dartay in suuqyada Muqdisho ay ka soo ururiso bacaha ay ka samayso xarkaha, todobaadkiin ay soo saarta ilaa 6 xarig “Markaan soo qaadno waan dhaqnaa kadibna waan soohnaa, gabadh kasta oo naga mid ahina goobtay ku nooshahay iyo agagaarkeeda ayey ka soo ururisaa, iyadoo ay igu qaadato samaynta xarriga 10 mitir ah inaan ku sooho 6 saacadood”.

Fahma Axmed Cabdalla waxay ka tirsan tahay gabdhahaan bacaha kasoo saara xargaha ilaa 5 xarig ayey ii sheegtay in ilaa hadda ay gacan teeda ku samaysay markii koobaadna ay hooyadeed ka baratay sida loo sameeyo xarigga, intaysan ku soo biirin ururkaan gabdhaha.

“Anniga ururintooda ayaa mararka qaar dhib kala kulmaa iyadoo dadku igu caayaan, waxaanan ka codsanayey gabdhaha deriska ila ah iyo kuwa kale ee aan axsaabta nahay inay ila soo ururiyaan bacaha, anniguna markaan ka baxo goobta waxbarashadda ayaan sii urursadaa, fiidkii marka la cawaynayana waan soohdaa, waxaana jira gabdho deriska ah oo iyagu hadda bilaabay inay iyana samaystaan, dakhlina ka soo galo”.

Barre Cabdulaahi oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyadda sarre ee Muqidsho ayaa Ergo u sheegay “Muhiimadda waxay tahay in ardaydu fahmaan ilaalinta deegaanka, ayna dadka danyarta tusi karaan inay ka abuuri karaan dakhli abuur”.

Previous Post

Hooyooyin carruurtoodii uga soo qaxay Yemen

Next Post

Qoysas ka cabanaya beerahoodi oo ay geedo ka baxeen

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Qoysas ka cabanaya beerahoodi oo ay geedo ka baxeen

Qoysas ka cabanaya beerahoodi oo ay geedo ka baxeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo