Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hooyooyin carruurtoodii uga soo qaxay Yemen

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Hooyooyin carruurtoodii uga soo qaxay Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhismaha wasaaradda beeraha ee Boosaaso waxay hadda hoy u tahay 75 oo u badan carruur, haweeniyo dad waayeel ah, qaar ka mid ah dadkaas ayaa weriyaha Ergo ee Boosaaso la hadlay ugana sheekeeyey duruufo ay qabaan oo ay ka mid yihiin iyagoo carruurtoodi ku kala lumay dagaalka, waalidiintaan ayaa ku maqnaa shaqo, kadibna dantii ku khasabtay inay naftooda la cararaan markay ku adkaatay inay gaaraan goobihii ay ku sugnaayeen carruurtoodu.

Dadkaas waxaa ka mid ah  Aamina Cabdullaahi Jaamac waxay la soctey doomihii ugu horeeyey ee ka soo baxay dekedda Mukala markii duqaynta Sucuudigu horkacayo bilaamatay bishii March, waxay Ergo uga sheekaysay siday ku kala lumeen ilmaheedii.

“Anniga 7 carruur ah ayaa dhalay, kan ugu weyni waa 15 jir, kan ugu yarina 2 sano, aabahood laba sano ka hor ayaan kala tagnay, waxay joogeen carruurtaydu magaaladda Cadan anniguna  waxaan ka shaqaynayey magaaladda  Alqayda, markii dagaalku bilowday ayaan isu diyaariyey inaan aado carruurtaydii, waxaase igu daahay lacagtii, oo dadkaan u shaqaynayey aysan horay ii siin, intaas ka dib waxaa go’ay dhamaan wadooyinkii, waxayna dantu igu khasabtay inaan naftayda la cararo.”

Siday UNHCR sheegtay ilaa hadda 2,272 qof oo ka yimid Yemen ayaa soo gaaray Soomaaliya

Aamina ayaa sheegtay in carruurta hadda ay u hayso gabadh, lana geeyey magaaladda Mukala, ayna hadda quud daraynayso inay doon dib ugu raacdo iyadoo intaas ku dartay in wasiirka arrimaha guddaha iyo qaybaha dhalinyaradda ee Puntland  ay xoogaa dhaqaale ah u keeneen.

Safiya Axmed Sabriye waa hooyo iyana 50 jir ah, 12 sano ka hor ayey u tahriibtay Yemen, dagaaladii Yemen markii ay dhaceen waxay kala lumeen laba ka mid ah ilmaheedii oo aysan war ka hayn meel ay jiraan
“Anniga waxaan haystay saddex carruur,  waxaan ka shaqaynayey hotel ku yaal xaafadda Sheikh ee magaaladda Cadan, carruurtaydiina laba ka mid ah waxaa mar lagu sheegay Mukalla, welise war sugan kama helin, oo dagaalka ayaa na kala geeyey, waanan isu imaan kari waynay, goobtaan ka shaqaynayey  runtii wax kasta way istaageen, cuntadii iyo biyihii ayaa gabaabsi nagu noqday, meesha hotelkaan ka shaqaynayey ku yaalayna aad baa loo duqeeyey.

Xaawo Ibraahim iyana waa hooyo 3 carruur ah haysatay, “Waxaan u shaqaynayey qoys carab ah, reerkii ayaa I yiri naga tag, ma hayno dhaqaale aan ku siino, raashinkii ayaa qaaliyoobay, gaastii ayaa qaaliyowday, noloshii oo dhan ayaa ciriiri noqotay, sidaas ayaan u go’aansaday inaan u soo aado Soomaaliya, ninkaygii iyo carruurtiina waxaan uga soo tegey xeradda qaxootiga ee Alkharaz, Boosaaso ayaan xaaladda ku baxnaaniyaa, haddaysan imaanna waa inaan ku noqdo.”

Previous Post

Shabeelaha dhexe: laba carruur ah oo biriqi dishay iyo dad ku barakacay fatahaaddo

Next Post

Muqdisho: Gabdho bilaabay inay ka sameeyaan bacaha la tuuro xarko dib loo isticmaalo

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Muqdisho: Gabdho bilaabay inay ka sameeyaan bacaha la tuuro xarko dib loo isticmaalo

Muqdisho: Gabdho bilaabay inay ka sameeyaan bacaha la tuuro xarko dib loo isticmaalo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo