Beeralayda deegaanka Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay ku adagtahay suuq geynta dalagyadooda u soo baxa. Buuralaydaan oo cimilo ahaan ka duwan wadanka intiisa kale ayaa u badan dhul qabow, waxaan ka baxa dalagyo aan wadanka meelihiisa kale ka bixin sida bunka, baradhada iyo liin macaanta, tufaaxa iyo canabka, sidoo kale waxay dhaqdaan idaha iyo lo’da halka deegaanada ku xeeran laga dhaqdo geela iyo riyaha.
Arrintaan ayaa keentay in beeralay badani isaga hayaamaan deegaanka una xoogsi tagaan magaalooyinka Boosaaso, Garowe, Hargeysa iyo Ceerigaabo.
Cali Muuse Maxamed waa beeralay degan degaanka Markad ee Calmadow, “Meesha wada xumadeeda ayaa keentay in beeralayda ku adkaato inay suuq geyn kari waayaan dalaggooda, degaankaan labadii sano ee la soo dhaafay 20 beeralay ka badan ayaa ka tegey wax soo saarkii, gaariga deegaanka soo geli karaa waa gaari yar oo 4 x 4, marka culays la saarana buurta iyo boholaha kama bixi karo”.
Cali ayaa sheegay in culayska ugu badan ee gaari uu ku soo qaado ay tahay kun xabo oo liin ah, wuxuuna intaas ku daray degmada ugu dhowi inay tahay Badhan oo u jirta 90 km, gaariguna u socdo 12 saacadood, qiimaha gaadiidkuna aysan ka bixi karin, dadka qaar ayaa ku rarta gaari dameero, kaasoo aan qaadi karin wax badan, socod maalmo qaatana lagu geeyo Badhan”.
Maxamed Warsame Saalax waa aqoon yahan bartay cilmiga beeraha, xilligaan waa madaxa kormeerka iyo qiimaynta ee wasaradda waraabka iyo beeraha ee Puntland, wuxuuna Calmadow ku leeyahay shan hiktar oo beer ah, oo ay ka baxaan dalagyadda bunku ka mid yahay, wuxuuna Ergo u sheegay “arrimo dhib badan ayaan ku arkay deegaanka, waxaan ku arkay wax laga naxo, mirihii bislaaday oo dhamaan dhulka ku daatay ayaad arkaysaa, iyagoo qurumay, bunka waxaan geeyaa Boosaaso, 3 dollar ayaana kiiladii la iga siistaa, culays badan ma soo qaadi karo, waxaan soo qaadana shidaalkii iyo qarashkii kale ma daboolayso”.
Muxiyadiin Cabdiraxmaan oo kala taliya wasaarradda waraabka iyo Beeraha Puntland dhinaca wax soo saarka beeraha ayaa Ergo u sheegay “Wadanku inay tahay caqabada ugu badan ee haysata beeralayda Puntland habka wadooyinka oo liita, ayna dhibkaan la qabaan beeralayda bariga fog ee soo saara timirta oo iyana aan iib gayn karin, ayse qorshaynayaan inay ka hagaajiyaan beeralayda jidadka si ay u helaan hab ay ku gaaraan suuqyada magaalooyinka, isagoona intaas ku daray inay hadda wadaan hab lagu warshadayn karo dalagyada soo baxa oo ay kala kaashanayaan ganacsatadda deegaanka”.
Cabdiraxmaan/MH









