Xiritaankii xawaaladaha Soomaalida ee guddaha Kenya ayaa saamayn ganacsi ku yeelatay ganacsatada raashinka ka soo dhoofsata dhinaca guddaha Soomaaliya, wuxuuna xiritaankani si xun u saameeyey ganacsigii raashinka ee Mandheera, kadib markii ganacsatadda Beledxaawo ay joojisey lacagtii Kenya shillinka ahayd oo ay wax ku kala iibsan jireen dadka ka yimaada Mandheera.
Yurub Axmed waa hooyo ganacsato reer Mandheera ah, kuna nool Bula Janeefa, waxayna markaas ku sugnayd bakhaar raashin oo ku yaal Beledxaawo, “Anniga markii aan tegey Beledxaawo waxaan sitay lacag Kenyan, bakhaarkii wuxuu ii sheegay inay dollar keliya wax ku iibinayaan, aysanse qaadanayn lacag Kenyan, waxayna ku yeelatay samaayn dhadhaqaaqii ganacsi ee aan halkaan u soo doonan jirnay, raashinkuna ugu horeeyo.”
Yurub ayaa sheegtay inay goob ay cuntadda ku iibiso ay ku leedahay Mandheera, muddo toban maalmood ahna ganacsigeedii uu hakad ku yimid.
Amina Axmed iyana waxay ka timid deegaanka Suufka ee Ethiopia waxay la soo safartay lacag Kenya, waxay soo doonatay raashin “Anniga quutal daruuri ayaan soo doontay, markaan imidna waxaa la ii sheegay in lacagta Kenya aan laga isticmaalayn Beledxaawo, ma aqaan waxaan sameeyo meel aan dollar ka helayo hadda ma jirto, Mandheera ayaan soo dhex maraa si aan raashin u iibsano, arrintaanina way na saamaysay.”
Cabdi Xuseen Jooge waa gudoomiye ku xigeen ganacsatadda Beledxaawo weriyaha Ergo ayaana wax ka waydiiyey sababta hadda ganacsatadda Soomaalidu aysan u qaadanayn lacagta Kenya “Mudo dheer ayaa waxaa jiray ganacsi u dhexeeya labada magaalo, annaga ka Beledxaawo ma lihin bangiyo, shirkadaha xawaaladaha ayaa bangi noo ahaa, xawaaladihii waxay sheegeen in xiritaankoodii Kenya ay saamayn ku yeelatay oo lacagta Kenyanka ee ay qabtaan aysan jirin meel ay u diraan taasina ay keentay in iska daayaan isticmaalkeedii.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Beledxaawo, Dhamaso iyo Ceelwaaq ay 25 sano ee la soo dhaafay laga isticmaalayey shillinka Kenyanka, waxayna ku istaagtay hadda mudo kooban, tanoo ah dhibaato labada dhinacba saamaynaysa, ganacsataduna ay alaabta ka keenaan dekedda Muqdisho, aysanna u safrin karin lacagtaan.
Maxamed Irshaad oo ka mid ah maamulayaasha mid ka mid ah xawaaladaha ku yaal Beledxaawo ayaa isagu Ergo u sheegay in lacagta Kenyanka ee ay qabtaan ay u gudbin jireen xafiisyadooda Kenya ku yaal, si ay dollar uga soo bedeshaan, xiriirkaasina hadda uu go’ay, mana jirto meel kale oo ay dollar ka helaan, taasina ay ku khasabtay in ganacsatadii markay u keenaan lacagta Kenya shillinka ah ay ka qaban waayaan.
Ganacsatada Mandheera ayaa ka codsaday dawladda Kenya inay dib u furto xawaaladiha, si ganacsigooda Beledxaawo dib ugu furmo, iyagoona ka soo dhoofsada raashinka quutal daruuriga ah degmadda Beledxaawo.
Maxamed Macalin.










