Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

XIRITAANKII XAWAALADAHA OO SAAMAYN KU YEELATAY DHAQDHAQAAQII GANACSI EE XADKA SOOMAALIYA IYO KENYA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
April 20, 2015
in Cunto-Yaraanta
0
XIRITAANKII XAWAALADAHA OO SAAMAYN KU YEELATAY DHAQDHAQAAQII GANACSI EE XADKA SOOMAALIYA IYO KENYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xiritaankii xawaaladaha Soomaalida ee guddaha Kenya ayaa saamayn ganacsi ku yeelatay ganacsatada raashinka ka soo dhoofsata dhinaca guddaha Soomaaliya, wuxuuna xiritaankani si xun u saameeyey ganacsigii raashinka ee Mandheera, kadib markii ganacsatadda Beledxaawo ay joojisey lacagtii Kenya shillinka ahayd oo ay wax ku kala iibsan jireen dadka ka yimaada Mandheera.

Yurub Axmed waa hooyo ganacsato reer Mandheera ah, kuna nool Bula Janeefa, waxayna markaas ku sugnayd bakhaar raashin oo ku yaal Beledxaawo, “Anniga markii aan tegey Beledxaawo waxaan sitay lacag Kenyan,  bakhaarkii wuxuu ii sheegay inay dollar keliya wax ku iibinayaan, aysanse qaadanayn lacag Kenyan, waxayna ku yeelatay samaayn dhadhaqaaqii ganacsi ee aan halkaan u soo doonan jirnay, raashinkuna ugu horeeyo.”

Yurub ayaa sheegtay inay goob ay cuntadda ku iibiso ay ku leedahay Mandheera, muddo toban maalmood ahna ganacsigeedii uu hakad ku yimid.

Amina Axmed iyana waxay ka timid deegaanka Suufka ee Ethiopia waxay la soo safartay lacag Kenya, waxay soo doonatay raashin “Anniga quutal daruuri ayaan soo doontay, markaan imidna waxaa la ii sheegay in lacagta Kenya aan laga isticmaalayn Beledxaawo, ma aqaan waxaan sameeyo meel aan dollar ka helayo hadda ma jirto, Mandheera ayaan soo dhex maraa si aan raashin u iibsano, arrintaanina way na saamaysay.”

Cabdi Xuseen Jooge waa gudoomiye ku xigeen ganacsatadda Beledxaawo weriyaha Ergo ayaana wax ka waydiiyey sababta hadda ganacsatadda Soomaalidu aysan u qaadanayn lacagta Kenya “Mudo dheer ayaa waxaa jiray ganacsi u dhexeeya labada magaalo, annaga ka Beledxaawo ma lihin bangiyo, shirkadaha xawaaladaha ayaa bangi noo ahaa, xawaaladihii waxay sheegeen in xiritaankoodii Kenya ay saamayn ku yeelatay oo lacagta Kenyanka ee ay qabtaan aysan jirin meel ay u diraan taasina ay keentay in iska daayaan isticmaalkeedii.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Beledxaawo, Dhamaso iyo Ceelwaaq ay 25 sano ee la soo dhaafay laga isticmaalayey shillinka Kenyanka, waxayna ku istaagtay hadda mudo kooban, tanoo ah dhibaato labada dhinacba saamaynaysa, ganacsataduna ay alaabta ka keenaan dekedda Muqdisho, aysanna u safrin karin lacagtaan.

Maxamed Irshaad oo ka mid ah maamulayaasha mid ka mid ah xawaaladaha ku yaal Beledxaawo ayaa isagu Ergo u sheegay in lacagta Kenyanka ee ay qabtaan ay u gudbin jireen xafiisyadooda Kenya ku yaal, si ay dollar uga soo bedeshaan, xiriirkaasina hadda uu go’ay, mana jirto meel kale oo ay dollar ka helaan, taasina ay ku khasabtay in ganacsatadii markay u keenaan lacagta Kenya shillinka ah ay ka qaban waayaan.

Ganacsatada Mandheera ayaa ka codsaday dawladda Kenya inay dib u furto xawaaladiha, si ganacsigooda Beledxaawo dib ugu furmo, iyagoona ka soo dhoofsada raashinka quutal daruuriga ah degmadda Beledxaawo.
Maxamed Macalin.

Previous Post

BEERALAYDA BAARDHEERE OO SUUQ GEYN FIICAN U HELAY DALAGYADOODA

Next Post

BEERALAYDA CALMADOW OO SUUQ GEYNTU KU XUNTAHAY

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
Next Post
BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

BEERALAYDA CALMADOW OO SUUQ GEYNTU KU XUNTAHAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-JUN-2026

IDAACADDA 15-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo