Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Haweenka oo aan guulo badan ka gaarin doorashooyinka Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
March 26, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Haweenka oo aan guulo badan ka gaarin doorashooyinka Somaliland

Photo | Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka u tartama doorashooyinka ka dhaca Somaliland ayaan guulo badan ka gaarin, oo inta badan ka hara oo aan kusoo bixin, sababo la xiriira dhanka dhaqanka Soomaalida oo aan taageerin inay haweeney xilal qabato.

Doorashadii ugu dambeysay ee ka qabsoontay Somaliland, bishii September sanadkii 2012kii, ee lagu dooranayay golayaasha deegaanka, waxaa ka sharraxnaa 184 haween ah, balse keliya lix ka mid ah ayaa kusoo baxay doorashada, iyadoo inta kalena ay hareen.

Ayaan Cabdullaahi Yoonis, oo u doodda xuquuqda haweenka kuna nool Hargeysa ayaa arrintan u sababeysay in ragga ay dhaqaalaha ku caawiyaan tolkiisa, balse aan haweenka loo oggoleyn in la caawiyo.

“Cedna gabadha uma ololeyso mana garab istaagto, dumarka waa kuwa ugu badan ee codeeya, laakiin isma-garab istaagaan haweenka laftigooda, waayo loomaba arko in haweenku wax qaban karaan,” ayay tiri Ayaan.

Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 166 xubnood, waxaa ku jirta keliya hal haween ah, halka wasiirrada Somaliland oo ka badan 40, ay ku jiraan laba wasiirro iyo laba ku xigeenno haween ah.

Baar Siciid, oo ah haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Somaliland, ayaa Ergo u sheegtay inay aaminsan tahay inay qaban karto waxa raggu qaban karaan iyo ka sii fiican.

“Dhanka shaqada waxaan aaminsanahay inaan aad uga fiicanahay ragga, hadduu jiro tuhun ah haweenku wax ma qaban karaan, taasi waa wax aan jirin,” Ayay tiri.

Mustafe Cismaan oo ah dhaqan-yahan ayaa ku doodaya in Soomaalidu aysan caado u lahayn in haweenka ay u fasaxaan inay qabato howlo ka badan qoyskeeda iyo gurigeeda, taasna ay sababeyso in haweeney is soo sharraxda aysan bulshada ka helin codad badan.

“Raggu waxay heystaan hanti sida guryo iyo beero, laakiin haweenku laguma qoro hantida, marka raggu uu is soo sharxo wuxuu iibsanayaa beertiisa iyo gurigiisa, arrintaas dhaqaalahana waa ka mid.” Ayay tiri Baar Siciid.

Ayaan Yoonis ayaa sheegeysa in si aysan haweenku ugu guul darreysan doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa deegaanka ee sanadkan la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland, loo baahan yahay in haweenku ay is-garab istaagaan, bulshadana lagu wacyi geliyo inay haweenka doortaan oo ay taageeraan.

Cumar Cali Xasan (Seerbiya)/FM

Previous Post

Goobaha waxbarashadda oo ku dadaalaya helitaanka macalimin gabadho ah

Next Post

BEERALLEYDA LUUQ OO KA CABANAYA CAYAYAAN SAAMEEYAY DALAGYADA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
BEERALLEYDA LUUQ OO KA CABANAYA CAYAYAAN SAAMEEYAY DALAGYADA

BEERALLEYDA LUUQ OO KA CABANAYA CAYAYAAN SAAMEEYAY DALAGYADA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo