Xeebta Liido Muqdisho ayaa inta badan bulshada Muqdisho u damaashaad iyo nasiino tagaan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha oo ah labadda maalmood ee laga nasto shaqooyinka, dadku halkaas waxay ka helaan doonyo, kubado iyo agab kale oo ay ku ciyaaraan, waxaase jira taas bedelkeed haween dan yar ah oo ka yimaadda xeryaha barakaca oo iyagu fursado dhaqaale ka hela xeebtaan quruxda badan, waxay iibiyaan haweenkaani, midhaha la cunno, sanbuus, shah iyo cuntooyin yar yar oo kale.
Caasha Maxamed Xasan waa hawenay dan yar ah oo haysata afar carruur ah oo agoon ah, waxayna degantahay xero barakac oo ku taal xaafadda Boondhoore, hadda ganacsi yar ayey ka bilowday xeebta Liido, “Shaah ayaan maalmaha khamiista iyo jimcaha iibsadaa, 50 kun oo shillin Somali ah ayaan ka hellaa, waxaana ii dheer intaas in dadka dabaalanaya aan dharka u waardiyeeyo kana qaato 2 kun oo shillin qofkiiba, markuu intuu doono ku maqnaado badda ayuu i siiyaa lacagta.”
Aamina Cilmi oo iyaduna ah hooyo 45 jir ah, waxay iyadu iibisaa caagadaha biyaha macaan ee lagu qubaysto, buskud iyo jaakadaha lagu dabaasho, “Anniga Khamiista iyo Jimcaha ayaan imaaddaa, xoogaa noloshayda wax bay ka bedeshey, carruurtaydu waa toban maalinta jimcaha ah ayaan ugu fiicanahay oo lacag u dhiganta 10 dollar ayaan ka hellaa, waxaan 1 dollar ku kireeyaa jaakadaha lagu dabaasho, anniga baaga muudadda ayaa iiga daran, waana isaga noolahay, afar ka mid ah carruurtayda ayaan waxbarasho ka geystay hadda intaan bilaabay ganacsigaan, waxaan isleeyahay h addii amaanku iska sii hagaago inaan sii kordhin karo wax soo saarkeenna.”
Dhalinyarta u soo tamshalaha tagga ayaa iyagu sheegay inay aad uga heleen ganacsigaan yar yare e haweenkaani keeneen goobta, Yusuf Cabdi Imaan waa nin dhalinyaro ah oo u soo dabaal tegey xeebta Liido “Runtii anniga ma haysto lacag aan wax kaga iibsado meheradaha ganacsi ee meesha ka furan oo qiimahoodu qaali y ahay, marka haweenkaan ayaa runtii in badan ka jaban, markaad dabaalato gaajo badan ayaa ku qabanaysa waxaanad u baahan tahay cunto degdeg ah, meeshaa ka heli karto waa halkaan, metelan makhaaxiyaha meesha ka furan waxaa koobka shaaha ah lagu cabaa 1 dollar, halka haweenkaan aad kaga cabayso 1kii dollar toban koob oo shaah ah, sidoo kale dharka ayey noo hayaa, si aan nalooga xadin.”
Haweenka ku ganacsadda ayaa sheegay inay soo gaarista xeebta ay tahay dhibta ugu weyn ee haysata, ayse ku faraxsan yahay fursadda dhaqaale ee ay ka heleen.
Dadka ku dabaasha xeebta ayaa sheegaya in haweenkaan ganacsigooda ay dhowaan bilaabeen, ayna keentay amaanka xeebta Liido oo wanaagsanaaday sanadihii la soo dhaafay.
Weriyaha Ergo ee Muqdisho Farxiyo Cabdalle Mumin ayaa sheegtay in haweenkii ay kula kulantay xeebta ka badnaa 50 meeyo iibinaya alaabooyin cunto iyo bagaash isugu jira ay intooda ay waraysatay u sheegeen inay haystaan carruur aabayaashood dhinteen ama goobahay ka soo barakaceen ku maqan yihiin, kana heleen fursad dhaqaale.











