In ka badan 800 boqol oo qoys oo ka soo barakacay degmooyinka ay go’doomiyeen dagaallada ee ka tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan ayaa sheeganaya inay nolal xumo ku haysato gudaha magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka HIiraan.
Kareey Xasan Isaaq oo ah hooyo haysta dhawr carruur ah ayaa Ergo u sheegtay inay ka soo barakacday degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool bila ka hor, ayna hadda ku sugan tahay xerada dadka barakacay ee Arlaadi oo ku taalla xaafadda Buundo-wayn ee magaalada Beledwayne, “waxaa na haysata dhibaato dhanka noolasha ah sida biyo la’aan, hoy la,aan iyo noola xumo aad u liidata.”
Dahabo Guure waa hooyo da’ah waxay xerada Arlaadi joogtaa muddo 10 casho ah, “deegaankaygi waxaan uga soo cararay colaado, gaajo iyo wadooyinka oo xiran, halkan waxaan u imid in aan ka helo caawimaad iyo nolal ilaa haddana waxba ma helin aniga iyo carruur aan ayeeyo u ahay oo 9 gaaraya.”
Waxay intaa ku dartay in ay deganiyihiin guryo ay ka samaysteen maryo iyo baakado aan iska celin karin qoraxda iyo kuleylka ka jira magaalada wakhtigan oo aad u daran.
Maxamed Aadan Isaaq waa horjoogaha xerada Arlaadi wuxuuna Ergo u sheegay in xerada ay ku jiraan 873 qoys oo ka soo barakacay degmooyinka Tiyeeglow, Waajid, Buule-burte iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan ayna go’doomiyeen colaadaha soo noqnoday ee ka dhacay sanadihii la soo dhaafay, dhibaatooyinka ugu badan ee haysta waa cunno, biyo, caafimaad, hoyi iyo daryeelka guud oo ka maqan dadka.
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Cismaan Cali ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in xeryaha dadka barakacay ee magaalada Beledwayne uu ka dillaaco cudurka shubanka maadaama lagu guda jiro xilliga kuleylaha.
Xeradan ayaa la asaasay sanadkii 2014 xilligaas oo ay bilaabeen dadku inay u soo barakcaan magaalada Beledwayne maadaama ay ka hawlgalaan hay’ado gargaar si ay uga helaan cawimaad nolalaleed, waxayna codsanayaan wakhtigan in loo gargaaro.











