Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka badan kun oo laga saaray xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta

Radio Ergo by Radio Ergo
March 6, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qoysas ka badan kun oo laga saaray xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta

Sawir/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Bishaan afarteedii ayey bilaabeen inay ka barakacaan dad lagu qiyaasay tiradooda kun qoys oo degganaa xaruntii hore ee ciidamadda asluubta ilaa sarkuusta ee ku taalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir ayaana ku war geliyey inay ka guuraan halkaas, dadkaan oo ahaa barakacayaal horay uga soo cararay Gobolada kale ee wadanka.

Cabdiyo Salaad oo ah 50 jir degganaydna kaam ku yaalay xerada ciidanka Asluubta, waxayna Ergo u sheegtay wixii ku dhacay “Hooyo annagoo fadhina ayaan ala yiri guura, waa markii saddexaad ee aan barakacay, horay waxaan uga soo guuray xero ku taalay xaafadda Barmuuda, markaygii hore waxaan ka soo qaxay gobolka Gedo sanadkii 2002, xilligaas oo abaar jirtay xolahaygii iga dhameeyeen, subaxaan aan guurayo xitaa koob shaaha ma cabin, qosykayguna wuxuu ka kooban yahay afar qof.”

Fadumo Sugaal oo afar carruur ah haysata, “Anniga odaygaygu waa curyaan, annigoo dhar dhaqanaya ayaa cagaf igu soo kalahday, runtii xalay iyo habeen hore waxaan seexday goob aan maro ku bal balaystay, waxaan ahaa beeralay ka soo barakacday degmadda Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaanan hadda dalbanayaa in dib la iigu celiyo deegaankaygii oo beertaydii aan dib u fasho.”

Mukhtaar Cabdiqaadir isaga iyo xaaskiisa oo bush ka wada dhisanaya duleedka degmada Dharkanley kaam ku yaal oo la yiraahdo Baariyow ayaa Ergo u sheegay “Anniga xero ku taal asluubta ayaan deganaa, afar maalmood gudahood ayaa nala siiyey  inaan ka guurno, carruurtaydii ayaan dusha ku qaatay oo la cararay, halkaanna la imid, waxaanan xamaali ka ahay dekedda Muqdisho.”

Madina Shacow Maxamed waa 18 jir haysata ilmaheedii koowaad, waxayna markii hore ka soo barakacday gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna codsanaynaa inaysan jirin meel kale oo ay u sii barakacdo, ayse wakhtigaan u bahantahay inay ku noqoto dhulkeedii ay markii hore ka soo tagtay “tan iyo shalay markii bushashkii nalaka dumiyey waxba ma aanan cunnin, ninkaygu dekedduu aadi jiray mana tegin oo waa isla qaxaynay.”

Caasha Cabdi Aadan waa gudoomiyaha xeradda barakaca ee Baariyow waxayna Ergo u sheegtay “395 qoys ayaa kaamkaan saddexdii maalmood ee la soo dhaafay yimid, banaankay ku hoyden dadkaani, waxay haystaan ma lahan, waxay hoy ka dhistaan ma haystaan, biyo ma haystaan banana ayey daadsan yihiin, waxaanan codsan lahaa in dadkaas hoy iyo cunto lala soo gaaro, dadkaan waxay ka yimaadeen xeraddii barakaca ee Asluubta.”

Ma jirto cid weli si rasmi ah u soo tiro koobtay dadkii laga raray xaruntaan, waxayse dadku sheegayaan inay ka badan yihiin, waxayna hadda dadku kala aadeen barakacayaal kala degan duleedada xaafadaha Dayniile iyo Dharkeynlay, weriyaha Ergo ee Muqdisho oo isku dayday inay la xiriirto dawladda hoose ee Muqdisho oo iyadu wadday tan iyo sanadkii 2011 inay banayso goobihii danta guud ee dawladdu lahayd ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho qorshay ugu tala galeen dadkaan ay ka saareen xarruntii hore ee ciidanka Asluubtu lahaayeen.

Previous Post

Haween danyar oo ganacsi ka helay xeebta loo tamshalaha tago ee Liido

Next Post

Weriyihii hore ee Ergo oo xirfaddiisa ku caawinaya muhaajiriinta Malta

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Weriyihii hore ee Ergo oo xirfaddiisa ku caawinaya muhaajiriinta Malta

Weriyihii hore ee Ergo oo xirfaddiisa ku caawinaya muhaajiriinta Malta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo