Axmed-nuur Ibraahim (Soomaali) oo ah weriye ka howlgeli jiray idaacadda Daljir ee magaalada Boosaaso isla markaana ahaa wakiil-wareedka Ergo ee halkaas, ayaa sababo ammaan isaga soo tegay bishii May ee sanadkii 2013kii, isagoo safar halis ah ku soo maray dalalka Itoobiya-Suudaan-Liibiya-Tunisia ilaa Malta, oo uu haatan ku nool yahay kana helay sharci qaxootinnimo ayaa wareysi ay Ergo la yeelatay uga warramay xaaladdiisa iyo tan guud ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan halkaas.
Axmed: Waxaa iigu darneyd markii aan imid Libya oo xaaladdeedu ay xumeyd, waxay muhaajiriintu u dhaxeeyeen in la dilo amaba xabsi la dhigo. Waxaan ka mid ahaa dadkii xabsiga ku galay Libya, nasiib wanaagse waan ka baxsaday xabsigii, rafaad badan kadibna waxaan soo gaalay Jaziiradda Malta.
Axmed: Waxaan Malta imid 28kii Agoosto 2013kii, aniga iyo dadkii kaleba waxaa nala geeyay xero nalagu baarayo si loo ogaado xaalkeenna iyo caafimaadkeenna. Muddo 5bilood ah baan ku jiray, runtiina waa xabsi oo kale oo waxba ma dhaamo, noloshuna waa mid aad u adag. Kadibna waxaa I caawiyay waraaqahaygii caddeymaha inaan weriye ahaa sidaas baa la igu siiyay sharciga qaxootinnimo.
Ergo: Marka la yimaado Malta, sidee loola dhaqmaa oo loo soo dhoweeyaa muhaajiriinta?
Axmed: Runtii muhaajiriinta aad loogama soo dhoweeyo halkaan, waxaa buuxa qaxooti badan oo loo diiday sharciga qaxootinnimo oo isaga dhex nool Malta dhibaatooyin badanna ku qaba oo aan xuquuq lahayn.
Ergo: Qiyaastii muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Malta imisey gaarayaan? Xaaladdoodase waa sidee?
Axmed: Tiro rasmi ah lagama hayo, tirakoobku si guud baa loo sameeyaa, laakiin waxaa sugan in muhaajiriinta Afrikaanka ah ee jooga Malta ay u badan yihiin Soomaali. Waxaa jira muhaajiriin dhif ah oo fursado dib-u-dejin ka hela dalalka Mareykanka, Canada iyo Australia, balse waxaa badan dadka aan rajada lahayn ee isaga nool Malta.
Ergo: Ka warran dhanka takoorka lagala kulmo dadka u dhashay Malta?
Axmed: Soomaalidu inay madow yihiin waxaa u dheer inay Muslimiin yihiin, taasoo ka dhigeysa in si gaar ah loo takooro, takoorku waa wax caadi ka ah halkan. Inkastoo ay dowladda Malta ku dadaaleyso inay yareyso takoorka loo geysto muhaajiriinta, haddana wax guulo ah lagama gaarin.
Ergo: Ma jiraan Soomaali dhowaan soo gaartay Malta?
Axmed: Maya sanadkan wax Soomaali ah sooma gelin Malta. Sababtoo ah Malta hadda wayba joojisay qaxooti soo galaya oo waxay ku andacooneysaa in dalkeedu uu yar yahay oo uusan qaadin muhaajiriin intaas ka badan.
Ergo: Xeryaha ay ku jiraan muhaajiriinta, yaa ku caawiya?
Axmed: Dowladda Malta ayaa siisa lacag yar oo aan noloshooda ku filneyn, ciriiri ayay ku jiraan oo aysan jirin meel ay uga baxaan.
Ergo: Hadda muhaajiriinta Soomaalida ee loo diiday sharciga qaxootinimo rajadoodu waa sidee?
Axmed: Runtii waxaan arkaa dad kuu sheegaya inay doonayaan inay dalkooda dib ugu laabtaan, laakiin jaziiraddan badda dhexdeeda ayay ku taallaa, oo afarta jiho biyo ayaa kaa xiga, keliya diyaarad iyo markab ayaa looga baxaa. Soomaalida qaarkood ayaa noqday kuwo daroogada isticmaala oo wax kale aan qaban. Aad bey ugu dhibban yihiin.
Ergo: Adiga marka lagu siiyay sharciga qaxootiga ee kuu oggolaanaya inaad Malta ku noolaato maxaad qorsheysay?
Axmed: Waxaan go`aansaday inaan xirfaddeyda weriyenimo aan sii wato, aniga iyo koox kale oo weriyeyaal muhaajiirin Afrika ka kala socda ayaa sanadkii hore waxaan aasaasnay ururka weriyeyaasha Afrikaanka ah ee Malta, kadibna waxaan go`aansannay inaan sameyno raadiyow online ah oo loogu magac daray Codka Muhaajiriinta Afrikaanka ee Malta.
Ergo: Maxay ahayd waxa idinku dhaliyay inaad raadiyahaas sameysaan, yaase gacan idinka siiyay?
Axmed: Waxaan dooneynaa inaan uga faa`iideyno muhaajiriinta halkan ku dhibaateysan, maaddaama aysan jirin meel ah xogta ka helaan muhaajiriinta soo galaya Malta, kuwa joogana aan xaaladdooda dunida u gaarsiin lahayn. Waxaa nagu taageeray NGO-ga Solidarity Overseas Service (SOS Malta) oo taageero ka helaya midowga Yurub.
Ergo: Qaab sidee ah ayuu u shaqeeyaa hadda raadiyahaas, xaggeese marayaa hadda?
Axmed: Waxaa lagu baahin doonaa afaf kala duwan, oo Af-Soomaaligu ka mid yahay. Markii ugu horreysay waxaan hadda ku billownay afka Soomaaliga, waxaana rajeyneynaa inuu sii socdo.
Ergo: Qorshahaaga mustaqbalka waa sidee hadda?
Axmed: Aniga waxaa ii qorsheysan inaan halkan kusii noolaado, oo aan sii wado caawinta muhaajiriinta Soomaalida iyo kuwa kale ee Afrikaanka ahba oo aan xirfaddeyda ku caawiyo. Qorshahayga mustaqbalkana waa inaan nolosheyda sii horumariyo si aan hadhow u caawiyo dadkeyga iyo dalkeyga.










