Hay’ad guddaha ka hawl gasha oo la dhaho ururka gargaarka bani’aadanimo ee waxbarashadda Soomaaliya loona soo gaabiyo (SUHAYDA) ayaa bilowday sanadkii 2013 mashruuc ah inay tacliin siiso qoysaska saboolka ah iyo kuwa kale ee la hayb sooco.
Maxamed Cali Daahir oo ah gudoomiyaha hay’addaan ayaa Ergo u sheegay in ujeedadoodu tahay inay gaaraan carruurta la hayb sooco iyo dadka saboolka ah oo iyagu ka liita helitaanka tacliinta, “Hay’addaan waxaa la aasaasay 2013, waxaan gacanta ku haynaa hadda 860 carruur ah oo aan kala geynay iskuulo ku yaal Muqdisho, 143 qof oo Soomaali ah isuguna jira aqoon yahanno ganacsato iyo siyaasiyiin ayaana dhaqaalah aan ku bixino waxbarashada ardaydaan bixiya, waana hab ay bulshadda Soomaaliyeed isugu tashadeen, sidoo kale waxaan haynaa 120 carruur ah oo agoon ah oo iyana aan ka bixino waxbarasho bilaash ah.
Ilmaha deriskay ii raaceen, runtii farxad ayaan dareemayaa, sidaas waxaa Ergo u sheegtay Amina Axmed oo dhashay lix carruur ah, waxayna ka mid tahay dadka la hayb sooco, “Afar wiil iyo laba gabdhood, markii la aasaasay hay’adda SUHAYDA 2013 ayeyna ahayd markay ii heleen tacliinta, waxayna kala marayaan fasaladda 7aad ilaa fasalka koowaad.”
Cabdullaahi Maxamed Cumar waa wiil 15 jir ah, wuxuu ka soo jeedaa qoys dan yar ah, horay wuxuu dhawr goor uga tegey waxbarashadda markii qoyskoodu u waayeen lacagihii bisha, “Hay’’adaan Suhayda ayaa I gacan qabatay, waxaan dhigtaa fasalka koowaad ee dugsiga sarre, waxaa hadda ii muuqata mustaqbal ifaya.”
Keliya ma ahan fursadaha waxbarasho ee ay helaan dadkaani, xirfadaha lagu shaqaysto ayaa ka mid ah waxyaalaha kale ee hay’addaan dadka isu tegey taakuleeyaan ay dadka siiso, Khadiijo Xaashi Gacal iyo saddex carruur ah oo dhashay ayaa fursadahaan wax ka helay, Khadiijo waxay baratay xirfadda harqaanka, “Anniga afartan jir ayaan ahay, hadda xirfad aan ka bartay Suhayda ayaan ku shaqaystaa, odaygaygu waa baaga muudo, annigaa qoyska u soo dhiciya noloshooda, carruurtayduna waxay ii bartaan dugisyadda hoose, carruurtaydana waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.”
Sabiriin Xasan Axmed waa 14 jir, dhigata fasalka shanaad ee dugsiga hoose “Waxaan dhigtaa dugsiga Salmaan Farisi, walidkaygii ma hayaan dhaqaale. “Waxaan aad u jeclahay xisaabta inaan barto, waxaanan rabaa inaan barto kalkaaliso caafimaad.”
Safiya Cabdulaahi waa 43 jir haysatana ilmo agoon ah ayaa Ergo u sheegtay, “waxaan ahaa dadkii ugu horeeyey ee ka faa’iidaystay mashruucaan, markii hore 3 carruur ah ayey iga bixiyeen, anniga ilmahayga waa agoon, waxbarashaduna waa qaali Muqdisho, hadda laba wiil dugsi sarre ayey dhigtaan, oo waxay ka bixiyaan 51 dollar bishii.”
Maxamed Cali ayaa sheegay in sanadkii 2012 ay sameeyeen baaritaan, ayna ogaadeen dadka la hayb sooco inay bulshada horumarkeeda ka takooran yihiin, ujeedkuna yahay gaarsiinta nidaam waxbarasho bulsahdda Soomaaliyeed.









