Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gaadiidleyda u kala goosha baydhabo iyo muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 14, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Gaadiidleyda u kala goosha baydhabo iyo muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

Photo | Darawallada la jirdilay/Sawir/Muxudiin Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Wadayaasha gawaarida isaga kala goosha magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa shaqo joojin ku dhawaaqay laga bilaabo bishan Jannaayo, iyagoo ka cabanaya dil, kufsi, dhac iyo lacago baad ah oo ay waddada uga qaataan ciidamo ku lebisan diresyka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cabdi  Xasan oo ka mid ah gaadiidleydaas ayaa Ergo u sheegay in lacagihii ay shaqeysteen oo idil isbaaro looga qaato, oo wax faa`iido ah aysan taas ugu jirin, walibana loogu sii daro jirdil, dhac iyo kufsi rakaabka loo geysto.

Meesha ugu daran ayuu sheegay inay tahay degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Gaariga yar ee aan wado wuxuu qaadaa 7qof, waxaa lagu weydiinayaa lacag dhan 200,000 shilin Soomaali, haddaadan heynin waa lagu jirdilayaa, waxaan rumeysnahay inay yihiin milatariga dowladda, sababtoo ah ma jiro iska gashanaya dareyskooda dadkana dhacaya.” Ayuu yiri Cabdi.

Wadayaasha oo ku dibad baxayay gudaha Baydhabo ayaa soo bandhigay gawaari ay ka muuqato rasaas lala dhacay iyo darawallada oo dhaawacyo loo geystay ay ka muuqdaan. Xuseen Axmed Cali oo shalay kasoo galay Muqdisho wajigiisana uu ka muuqday dhaawac kasoo gaaray qoriga afkiisa oo lala dhacay ayaa sheegay in dhaawacan loo geystay isagoo isku dayaya inuu badbaadiyo haweenka gaarigiisa saarnaa oo ay nimankaas doonayeen inay kufsadaan.

“Waxaan ku adkeystay in intay dhibaateyn lahaayeen dumarka gaariga ii saaran ee aan aniga mas`uulka ka ahay inay aniga dhib ii geystaan, sidaas ayay ii jirdileen, waxayna iga qaateen lacag dhan 500,000 shilin Soomaali.”

Xuseen ayaa sheegay in muddo haatan laga joogo laba bilood ay dhibtan ku bilaabatay oo ay iska dulqaadanayeen, balse ay noqotay mid joogto ah.

Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo isaguna darawal kale ah ayaa Ergo u sheegay in 2000,000 shilin Soomaali ay uga baxdo waddada oo isbaaro ahaan looga qaato, isla markaana aysan waxba uga soo harin lacagta, taasna ay u dhaanto iyagoo shaqada joojiya.

Wadayaashan ayaa cabasho u gudbiyay maamulka Koofurgalbeed ee xaruntiisu tahay Baydhabo, si arrintan wax looga qabto, waxayna sheegeen inay shaqo joojintu ay socon doonto ilaa inta cabashadooda wax laga qabanayo.

Muxudiin Xasan Maxamed/FM

Previous Post

SUUQ XUMO KA JIRTA SAYLADDA KISMAAYO OO SAAMEYSAY GANACSATADA XOOLAHA

Next Post

Ardayda dugsiyada sare ee Puntland oo tarhriibaya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Ardayda dugsiyada sare ee Puntland oo tarhriibaya

Ardayda dugsiyada sare ee Puntland oo tarhriibaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo