Iyadoo shalay 25ka bisha Nofembar ay ku beegneyd maalinta cirribtirka tacaddiyada lagula kaco haweenka, ayaa raadiyaha Ergo wuxuu tacaddiyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed ka wareystay Muna Maxamed Diirshe oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ahna qoraa arrimaha haweenka, degganna Nairobi. Fowzia Cumar Barre ayaa wareysatay, waxayna Muna hadalkeeda ku billowday:
Haddaan nahay gabdhaha Soomaaliyeed waxaa nagu dhacday nasiib darro, dagaalladii iyo burburkii dalkana waxay sababeen in gabdhaha Soomaaliyeed ay wajahaan kufsi meel kasta lagula kaco, sida xeryaha qaxootiga, gudaha dalka iyo xabsiyada.
Guud ahaan tacaddiyada ay la kulmaan gabdhaha Soomaaliyeed waa maxay?
Muna: Kufsigaa ka mid ah, gudniinka fircooniga ah iyo sidoo kale shaqo-galmo-ku-beddelasho, taasoo ah in adigoo muddo sanado ah wax ku bartay nabad la`aan in markaad shaqo doonato lagugu xujeeyo inaad galmo ku beddelato shaqadaada.
Ergo: Arrintan intee xog ah baad ka heysaa, mase la kulantay adiga Muna ah?
Muna: Dhowr jeer baan la kulmay lamina xisaabi karo, waxaa nasiib darro ah sidoo kale gabdhaheenna way xishoodaan oo ma aadi karaan goobaha isbitaallada si loo baaro, waalidkoodna uma sheegi karaan, waad dareemi kartaa anigaba waxaan ahay hooyo gabar dhashay waa ku ceeb gabadha inay tiraahdo nin baa sidaas igu yiri.
Ergo: Waxaad marar badan wax ka qortay arrimaha haweenka Soomaaliyeed, intaad baaritaanka ku guda jirtay maxaad aragtay?
Muna: Waxaan arkay gabar la kufsaday oo qaadday HIV, reerkoodiina ay soo cayriyeen oo hadda ku jirta xero barakac oo ay hay`ado caawiyaan, sidoo kalena waxaan la kulmay gabar la kufsaday oo sidaad wada ogtihiin wariyihii wareystay xitaa la xiray, waa nasiib darro. Ergo: Maxaa kuugu darnaa intaad baareysay tacaddiyada haweenka Soomaaliyeed?
Muna: Waxaan aad uga xumahay in AMISOM kufsigii ay u geysteen gabdho ay dallaal ka ahaayeen niman Soomaaliyeed, waa ceeb, wiilashii sharafta gabdhaha ilaalin jiray aaway? Waxaan ka codsanayaa raggeenna Soomaaliyeed inay soo celiyaan sharaftii gabadha ay lahayd.
Ergo: Ma is leedahay haweenka laftigoodu way ku qaldan yihiin inay qariyaan tacaddiyada loo geysto?
Muna: Waa la oran karaa, laakiin sababo jira awgood masoo bandhigi karaan, way xishoonayaan, tan kalena naftoodey u baqayaan oo waa la dilayaa. Marka nin madax ah oo ku weydiistay galmo si uu shaqo kuu siiyo aad sheegto, waad ceebeysay wuuna ku dilayaa.
Ergo: Maxaad hadda ku baaqi lahayd?
Muna: Waxaan leeyahay ragga Soomaaliyeed waan idiin dhalnay ina soo barbaarinnay ee sharafteenna dhowra fadlan.










