Qoysaska ka barakacay fatahaaddii toga magaalada Baardheere dhex mara uu geystay ayaa wajahaya cunno yaraan, kadib markii sidoo kale daadadkaasi ay saameeyeen waddooyinkii ay kasoo geli jireen gawaarida ganacsiga.
Cabdullaahi Cali Xuseen oo ka mid ah ganacsatada magaalada ayaa Ergo u sheegay in ku dhowaad 40 casho aysan wax gawaari ganacsi ah ka soo gelin magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho, oo waddadii ay go`an tahay, taasna ay sababtay in raashiinkii yaraa ee magaalada yaallay uu cisk aisku shareero.
Wuxuu sheegay in jawaankii Sokorta uu ahaa 660,000 sh.so balse haatan uu yahay 830,000, burkana uu ahaa 700,000 haddase uu yahay 900,000, bariiska ayaa ahaa 580,000 haddana waa 900,000.
Cabdullaahi ayaan rajo ka qabin in dhowaan ay waddada furanto, “Roobab xoog leh baa da`ay, oo xaaladda kasii daray, uma maleynayo in waddada ay furmo doonto.” Ayuu yiri.
Saciid Aadan Xasan oo ah aabbe leh 4 carruur ah kana mid ah dadkii barakacy ayaa sheegay in qaar ka mid ah carruurtiida ay xanuunsan yihiin, uuna uga shaki qabo duumo iyo shuban biyood ay sababeen biyaha magaalada dhex yaalla.
Saciid ayaa haatan dulsaar ku ah qoys ay qaraabo yihiin, wax shaqo ahse ma haayo haatan, wuxuuna ka rajo qabaa inuu gurigiisa dib ugu laabto marka ay biyaha ka baxaan.
Axmed Cumar Saalixi/FM










