Isbitaalka degmada Ceelwaaq ayaa todobaadkan mar kale dib loo howgeliyey, ka dib markii adeegyadii caafimaad ee Isbitaalkaasi ay la wareegtay urur samafal maxali ah oo deegaanka ah laguna magacaabo Human Development Concern oo markii lasoo gaabiyo loo yaqaano HDC horaana kahowlgali jirtey magaalooyin badan oo gobolka Gedo ah sida Dollow, Luuq, Baladxaawo, Baardheere, Geriley iyo Faafaxdhuun oo intaba ay kafulineysey adeegyada caafimaad ee looga baahnaa.
Isbitaalkaan ayaa xirmay bishii May 2013, taasoo ay keentay in adeegyadii caafimaad ee deegaanka la waayo, isbitaalkaa ayaa xirnaanshihiisa waxaa u sabab ahaa ka bixitaankii hay’adda COSVI oo horay u taageri jirtey, hay’adda ayaa uga baxday goobtaas arrimaha amaanka.
Axmed Maxamed Cali oo ah Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Ceelwaaq oo u waramayey Radiyaha Ergo ayaa sheegay isbitaalka oo dayacnaa mudo labo sanno ku dhow in ay dayactir iyo balaarinba ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay, isagoo sheegayna isbitaalka in uu xilligan siiyo adeegyo caafimaad oo dhinaca nafaqadda iyo xanaanadda hooyadaba ah, Isbitaalka ayaa hadda waxaa jiifa dad ku dhow 20 qof oo qaba xanuunada shubanka, malaariyadda, nafaqa dari iyo caabuqyada neef mareenka, waxaa kale weli deegaanka ka jira xaalado nafaqa dari oo ay keeneen abaartii dheerayd ee soo martay gobolka.
Sidoo kale Sahal Macalin Aadan oo ah kusimaha gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in arrintaani wax ka tari doonto duruufo adag oo dadka deegaanku u qabeen helista adeeg caafimaad, waxaana uu intaasi ku daray in todobaadkii uu shaqaynayey isbitaalku ay wax weyn iska bedeleen xaaladda guud ee caafimaadka degmada, degmada ayaa hore dadka bukaanka ah loo gubin jiray degmada Ceelwaaq ee Kenya oo iyadu 15 km u jirta, taasoo dhibaato ay ku qabaan dadka iyagoona u mara haba ay warqado fasaxyo caafimaad ay u doontaan maamulka Kenya.
Ceelwaaq oo ku taal xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah goob ay sidoo kale ku sii hakadaan dadka u ka imanaya ama u socda xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Saalixi








