Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HAWEEN LA BARAYO QORAALKA FARTA SOOMAALIGA

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Qaar ka mid ah haweenka baranaya dhigaalka far Soomaaliga/sawir/Abdikadir

200 oo haween waayeel ah ayaa barashada dhigaalka farta Soomaaliga oo lacag la’aan ah uga bilaabatay dugsi ku yaal degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho. Haweenkan oo hooyooyin u badan ayaan horey u helin fursado waxbarasho oo la xariirta dhigaalka iyo aqrinta farta Soomaaliga.

Batuulo Cabdiraxmaan Cusmaan oo ah 50 sano jir ka mid ah hooyo baranaya dhigaalka iyo aqrinta farta Soomaaliga ayaa raadiyoow Ergo u sheegtay in waaliddiinteed iyada oo carruur ah ay dhinteen kadibna aysan helin cid dugsiyada geysa, oo mas`uul ka noqota nolosheeda.

Awliyo Faarax Wareeri oo iyana 60 sano jir ah waxa ay sheegtay inay qalinka u qaadatay si ay dhigaalka Soomaaliga u barato, una noqoto qof dadka kale kula xiriiri karta dhanka qoraalka. Waxa ay aaminsan tahay in barashada farta Soomaaliga iyo xisaabta ay ku caawin doonaan inay fahanto isticmaalka mobile-ka oo ay dhib ku qabto.

“Waxbarashadu malaha da’ gaar ah, waqti walba ayeynu wax baran karnaa,” ayey tiri Faadumo Maxamed oo ka mid ah haweenka 40ka ah ee barashada dhigaalka afsoomaaliga baranaya.  Waxa ay sheegtay inay ku hanweyn tahay in ay ka baxdo mugdiga jahligu dhex dhigay, awood u yeelato aqrinta iyo qoraalka farta Soomaaliga si ay u noqoto qof wax badan og.

Weriyaha Ergo ee magaalada Muqdisho oo booqday dugsiga haweenka wax lagu barayay wuxuu leeyahay haweenka ardeyda iyagoo xambaarsan carruurtooda ayey yimaadaan dugsiga,  qaarkoodna fasallada ayeyba la dhex fadhiistaan ubadkooda. Farxiyo Shire Ciidle ayaana ka mid ah haweenkaas.

“Majirto cid aan kaga soo tago xaafadda waana sababta aan ula soo aado iskuulka,” ayey u sheegtay weriyaha Ergo ee booqday.

Ardey ka qalinjabisay dugsiyada sare ee magaalada ayaa haweenkan si lacag la’aan ah u baraya dhigaalka iyo aqrinta afkooda. Maxamed Nuur Jimcaale, Guddoomiyaha ururka dhallinyarada FARDO ee hirgeliyay mashruucan ayaa raadiyoow Ergo u sheegay inay muhiim tahay in la kordhiyo garaadka iyo aqoonta haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin dhigaalka afkooda.

“Waa hooyooyinka na dhalay, korriimadeenna ayeyna waxbarashada uga mashquuleen, marka waa in aan hadda uga faa’iideyno waxa aynu barannay,” ayuu yiri Maxamed.

Abdikadir Maxamed Cabdulle/MR/FM

Previous Post

Isbitaalka dayniile oo ay dawo la’aan heysto

Next Post

HAWEEN KA SHAQEEEYA KAAWADA DHISMAHA OO KU MAARREEYA NOLOSHA CARRUURTOODA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

HAWEEN KA SHAQEEEYA KAAWADA DHISMAHA OO KU MAARREEYA NOLOSHA CARRUURTOODA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo