
Daruufaha adag ee ka jira dalka ayaa ku kallifay haweenka Soomaaliyeed inay qabtaan shaqooyin adag, oo qaarkood ay dantu badday. Magaalada Muqdisho waxaa ku nool haween ka shaqeeya kaawooyinka dhismaha loo adeegsado, iyaga soo saara Jaayga, Qumbe Qumbe iyo jibinta dhagaxa, waxayna ku dabbaraan nolosha carruurtooda si ay u buuxiyaan kaalinta bannaan ee guryaha ay hooyada ka yihiin, oo qaarkood Agoon ah halka qaarkoodna ay yihiin kuwa lagu furay carruurtooda.
Xabiiba Xasan waa hooyo leh 4 carruur oo agoon ah, waxay ka shaqeysaa kaawada Jasiira oo 13km galbeed kaga aaddan magaalada Muqdisho, waxay soo saartaa dhagxaanta yar yarka ah ee loo yaqaanno Qumbe Qumbaha waxayna u sheegtay raadiyaha Ergo sida ay nolosha ugu maarreyso shaqadan”Waxaan soo saaraa Jaayga iyo Qumbe Qumbaha, waxay igu qaadataa muddo bil ilaa 2 bilood ah in hal gaari aan soo saaro, waxaana ku iibsadaa lacag dhan 1 milyan oo shilin Soomaali ah una dhigma $50″ayay tiri Xabiiba.
Inkastoo dhagax qodidda aysan ahayd wax fudud, ayaa haddana nacfiga haweenkan kasoo gala uusan ahayn mid ku filan nolol maalmeedkooda, Madiina Cali Ibraahim oo ah hooyo leh 5 carruur ah, isla markaana garoob ah kana shaqeysay kaawada ayaa sheegtay “Muddo hal sano ah ayaan carrada ilaahay faagayaa waxaana ka soo saarayaa Jaay iyo dhagxaan, wax kale oo aan qabto waan waayay, waxaana nolol kaga raadsadaa ilmahayga oo aan aniga hooyo iyo aabbe u ahay “ayay tiri Madiiina.
Shaqadan jebinta kaawada ayaa ah mid ku adag haweenka waxaana badan halista lagala kulmo, waxayse u arkaan shaqo ay ka heli karaan nolol maalmeedka carruurtooda.
Haweenka barakacayaasha ah ee ku nool Muqdisho ayaa iyagana nolol ka raadsada qodidda kaawada, Habboon Ibraahim oo ka soo barakacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay ku nooshahay xerada Rajo waxayna heysataa 10 carruur ah oo keligeed ay koriso, Waxay socod dheer usoo gashaa kaawada Jasiira, waxayna Ergo u sheegtay, “Dhagaxa ayaan jebiyaa, waa shaqo culus oo xitaa habeenkii ma hurdi karo sababtoo ah daalkii maalintii ayaa na haya oo kor xanuun ayaan ka qaadnaa, haddana maalintii kale wan na sugeysaa shaqada.” Ayay tiri Habboon.
Ka shaqaynta Kaawada waxay ka mid tahay shaqooyinka adag ee laga shaqeeyo, waxaana jira dhibaatooyin khatar ah oo asiiba xilliyada qaar dadka ka shaqeeya sida inay kaawada ku soo dunto, iyadoo 19kii September sanadkan ay kaawo kula soo duntay dadkii ka shaqeenayay duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, taasoo ay ku geeriyoodeen 20 qof.
Cabdulqaadir Cabdulle/FM









