
Taageerada dhaqaale iyo dawo ee uu isbitaalku ka heli jiray hay’adda MSF ayaa u sahashay inuu adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah u fidiyo boqollaal dad ah oo toddobaad walba yimaada isbitaalka.
Laakiin isbitaalka hadda culeys weyn baa ka heysta sida uu sii wadi laha adeegyadaas lacag la’aanta ahaa. Agaasimaha isbitaalka Cabdiraxmaan Cabdulle Bariise ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in hay’adda MSF isbitaalka uga tagtay mushaarka shaqaalaha iyo daawo la isticmaali karo saddex bilood. Daawooyinkaas oo dhan baa hadda gabaabsi ku ah isbitaalka, taas oo sabab u noqon karta inuu xirmo.
Si kastaba, Agaasimaha isbitaalka wuxuu ku hanweyn yahay in la heli doono cid kale oo gacan oo buuxisga kaalinta ay banneysay hay’adda MSF oo gacan ka geysta in la sii wado howlaha isbitaalka. Wuxuu ballan-qaadayaa in marnaba aan albaadada loo xiri doonin isbitaalka, lacagna laga qaadi doonin bukaannada.
Isbitaalka Dayniile ayaa adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah fidinayay ilaa 2007 oo ah markii la furay. Hay’adda MSF ayaana taageerada ugu badan siineysay isbitaalka oo hal milyan iyo bar daawo ah deeq daawo ah ka heli jiray saddexdii biloodba mar.
Wuxuu sheegay in shaqaalaha iyo maamulka isbitaalka ay isku af-garteen in howsha si mutadawacnimo ah loo sii wado ilaa iyo inta laga heli cid kale oo la wareegta dhaqaale ahaan.
Bukaanno ka badan 110 qof, oo qaarkood toddobaadkan uun la keenya ayaa isbitaalka ku jira waqtigan. Agaasimaha isbitaalkana wuxuu sheegay in ay cabsi ka qabaan in cirbadaha wax lagu duro ay ka idlaadaan isbitaalka, wuxuuna dowladda Soomaaliyeed, ganacsatada, qurbo-joogta iyo hay’adaha gargaarka ka codsaday in isbitaalka lagu taageero sidii uu sii wadi lahaa adeegyada lacag la’aanta ah ee uu bixiyo.
Yusuf Keynan/MR/FM








