
Tiro sugan lagama hayo khasaaraha dhabta ah ee dhinaca duunyada ka soo gaaray duufaantii ka dhacday dhinaca bariga Soomaaliya, inkastoo siday sheegayaan maamulka Puntland ilaa hadda 142 qof ay xaqiijiyeen dhimashadooda.
Dhinaca duunyadda la dhaqdo oo dadku noloshoodu ku tiirsanayd ayaa dhibaatada ugu weyni gaadhay, waxaana hadda fara maran kumannaan qoys.
Dhinaca gobolka Bari meelaha ugu daran ee duufaantu saamaysay waxaa ka mid ah qooriga Gardafuu oo ah halka badda cas iyo badweynta hindiya iskaga darsamaan, Nabaddoon Siciid Maxamed Cali oo ka mid ah salaadiinta Gardafuu ayaa Ergo uga warramay dhibaatada dhinaca xoolaha iyo tacabka kale ee timirta oo iyana dhibaato ka soo gaartay.
“20 reer ayaa daadkii xoolihii kala tageen, xoolo kalena godad la dugsinayey ayaa ku dumay, sidoo kale dhulkaas Timir ayaa laga beertaa iyana duufaantii xididdaday u saartay, deegaannada Saymo, Daafo, Dooxin iyo Ceel Laaso ayaana ugu daran, xoolihii timirtii deegaannadaas waa ku baaba’een, waxaanan ku qiyaasi karaa ilaa 10 kun oo neef ayaa isu geyn dadku hadda, dadkii xooluhu dhaafeenna dhul bannaan ayey daadsan yihiin, waxaanay halis ugu jiraan macluul, ilaa haddana dadka ayaa wixii wax heli karayey wax iska ururiyeen sida raashin iyo maacuun ay wax ku karsaddaan”
Nabaddoonka ayaa sheegay inay jiraan tuulooyin kala geddisan oo ay ka mid yihiin Bursade, Ximitiyo, Kaware, Muliye Barxaha iyo Quranyoole oo xiriirkii iyo isgaarsiintii kaleba ay ka go’antahay, warna lagama hayo khasaaraha gaaray.
Degmada Eyl oo iyana ka tirsan goobaha xudunka u ah duufaanta ayaa Cali Huruuse Xanaf oo ka mid ah xoolo dhaqatada degmada, uu Ergo u sheegay inaysan qiyaas lahayn tirada xoolaha ku dhintay daadadka.
“Walaal xoolaha deegaanka ka baxay cid qiyaasi kartaa ma jirto, qoyskasta xooluhuu haystay 90% waa dhaafeen, ilaa hadda 5000 oo qoys dad ka badan ayaa ku cayrtoobay deegaannada ku dhow Eyl, xoolaha baxay waxay u badan yihiin adhi, geelu ma badna oo boqollaal weeye, adhigase oo ido iyo riyaba leh ayaa ku baaba’ay, deegaankaan dadka ku nooli waxay ahaayeen adhi dhaqato, tuulada Xaawa waxaa ilaa shalay soo galay 175 qoys oo xoolahoodii ku madheen meesha la dhaho Shinbaax iyo Salaxlaay oo Eyl waqooyi bari ka xigta, xoolo dhaqatadiina ninkii 200 oo neef lahaa wax ka yar 8 neef ayaa u haray qaarkood”.
Abshir yuusuf Aadan oo ku nool deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal kana xigta dhinaca xeebta ayaa isagoo u warramaya Ergo sheegay “Ma qiyaasi karo, waxaanse ku qiyaasi karaa boqollaal kun oo xoolo ah, deegaannadaan ilaa hadda waxaan ku qiyaasnay ilaa 6 kun oo qoys oo fara maran, waxaana ugu daran Nugaal, Gaban iyo Dhuun oo dabayshu martay, aniga 9 qoys ayaan aabbe iyo awoowe u ahaa, sagaalkaas qoysna hal qoys oo neef haystaa ma jiro, xoolaha naga baxay waa 700 oo neef, waxaana isku dar noo haray 23 neef, oo iyaguna aan tayo wanaagsanayn oo diifaysan, waana wada qaawan yihiin dadku, xoolaha baqtigoodu meel kastuu daadsan yahay, waxaan samayno ma naqaan, Alle ayaan leennahay.” ayuu yiri Abshir, isagoo murugaysan.
Xalima/MH/FM









