Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

QIIMAHA CUNTADA OO SARE UGA KACAY BALADWEYN

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Dad kala iibsanaya cunto/sawir/Abdullahi/Ego

Qiimaha cuntadaha kasoo go’da beeraha dalka ayaa sare uga kacday gobolka Hiiraan, wax soo-saarka beeraha oo aad hoos ugu dhacay awgeed. Cuntada sicir bararku ku yimid waxaa ka mid ah bariis-caddaha ka baxa degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe,  Galleyda, masaggada, digirta iyo miraha kale ee kasoo go’a beeraha dalka. Cuntadaas waxay muhiim u tahay nolosha qoysaska Soomaaliyeed, si gaar ah kuwo danyarta ah oo aad u isticmaala cuntadaas qiimahooda jaban awgood.

Dhaqan Cabdi Guuleed oo ah hooyo saddex carruur ah leh oo cuntadaas tafaariiq ahaan u iibisa ayaa u sheegtay weriye ka tirsan raadiyoow Ergo in koombada digirta ah oo horey loo iibin jiray 7,000 oo shilin Soomaali ah hadda la iibiyo 12,000 So shilin.  Koombada galleyda ah oo iyana horey loo iibin jiray 3,000 So shilin ayaa hadda joogta 5,000 Soomaali shilin. Qiimaha masaggada iyo bariis-caddaha beeraha Jowhar ka baxa ayaa iyana sare u kacay.

Cuntadaas ayaa horey uga soo go’i jirtay beeraha gobolka hiiraan, laakiin weriye Ergo ka tirsan wuxuu leeyahay beeraha gobolka miro fiican kama aysan soo go’in daadad beeraha ku fatahay dhowr jeer iyo beeralleyda oo aan heysan miraha wax lagu tabco. Waqtiyada qaarna, gobolka Shabeellada Dhexe ayaa cuntada looga soo dhoofin jiray gobolka Hiiraan, laakiin Dhaqan waxa ay sheegtay in fataahadda webiga ay sidoo kale saameeyeen beeraha gobolkaas.

Ganacsade Baladweyn deggan oo la yiraahdo Dhaqane Camaloow wuxuu sheegay in isku socodka gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ay si weyn u saameeyeen fataahadda webiga oo saddexdaas gobol kusoo noq-noqatay. Waddooyinka oo awalba aan hagaagsaneyn ayey fataahaaddu si burburisay, sidaas darteed xariirka ganacsiga iyo isweydaarsiga tacabka beeraha ee gobolladaas ayaa hakad ku jira.

Isha kale ee cuntada lagaga soo dhoofiyo Hiiraan waa beeraha gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, laakiin dowladda Itoobiya ayaa xirtay xadka labada gobol, sidaas darteed wax tacab beereed ah kama imaanayaan dhanka Itoobiya.

Wuxuu sheegay in ganacsatada gobolka ee maamula keydka cuntooyinkaas oo gabaabsi ah ay qiimaha sare u kiciyeen si ay uga faa’iideystaan baahida cuntada loo qabo.  Si kastaba, dadka barakacayaasha ah iyo danyarta gobolka ayaa dareemaya saameynta ugu badan ee sicir bararka cunto ee gobolka Hiiraan ka jira.

Cabdulaahi Salaad/ MR/ FM

Previous Post

Wareysi: aabbe labadiisa wiil uu curyaamiyay cudurka dabeysha

Next Post

DUUFAANNADA KA DHACAY BARIGA SOOMAALIYA OO CAYRTEEYAY XOOLO DHAQATO BADAN

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DUUFAANNADA KA DHACAY BARIGA SOOMAALIYA OO CAYRTEEYAY XOOLO DHAQATO BADAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo