
Qiimaha cuntadaha kasoo go’da beeraha dalka ayaa sare uga kacday gobolka Hiiraan, wax soo-saarka beeraha oo aad hoos ugu dhacay awgeed. Cuntada sicir bararku ku yimid waxaa ka mid ah bariis-caddaha ka baxa degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, Galleyda, masaggada, digirta iyo miraha kale ee kasoo go’a beeraha dalka. Cuntadaas waxay muhiim u tahay nolosha qoysaska Soomaaliyeed, si gaar ah kuwo danyarta ah oo aad u isticmaala cuntadaas qiimahooda jaban awgood.
Dhaqan Cabdi Guuleed oo ah hooyo saddex carruur ah leh oo cuntadaas tafaariiq ahaan u iibisa ayaa u sheegtay weriye ka tirsan raadiyoow Ergo in koombada digirta ah oo horey loo iibin jiray 7,000 oo shilin Soomaali ah hadda la iibiyo 12,000 So shilin. Koombada galleyda ah oo iyana horey loo iibin jiray 3,000 So shilin ayaa hadda joogta 5,000 Soomaali shilin. Qiimaha masaggada iyo bariis-caddaha beeraha Jowhar ka baxa ayaa iyana sare u kacay.
Cuntadaas ayaa horey uga soo go’i jirtay beeraha gobolka hiiraan, laakiin weriye Ergo ka tirsan wuxuu leeyahay beeraha gobolka miro fiican kama aysan soo go’in daadad beeraha ku fatahay dhowr jeer iyo beeralleyda oo aan heysan miraha wax lagu tabco. Waqtiyada qaarna, gobolka Shabeellada Dhexe ayaa cuntada looga soo dhoofin jiray gobolka Hiiraan, laakiin Dhaqan waxa ay sheegtay in fataahadda webiga ay sidoo kale saameeyeen beeraha gobolkaas.
Ganacsade Baladweyn deggan oo la yiraahdo Dhaqane Camaloow wuxuu sheegay in isku socodka gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ay si weyn u saameeyeen fataahadda webiga oo saddexdaas gobol kusoo noq-noqatay. Waddooyinka oo awalba aan hagaagsaneyn ayey fataahaaddu si burburisay, sidaas darteed xariirka ganacsiga iyo isweydaarsiga tacabka beeraha ee gobolladaas ayaa hakad ku jira.
Isha kale ee cuntada lagaga soo dhoofiyo Hiiraan waa beeraha gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, laakiin dowladda Itoobiya ayaa xirtay xadka labada gobol, sidaas darteed wax tacab beereed ah kama imaanayaan dhanka Itoobiya.
Wuxuu sheegay in ganacsatada gobolka ee maamula keydka cuntooyinkaas oo gabaabsi ah ay qiimaha sare u kiciyeen si ay uga faa’iideystaan baahida cuntada loo qabo. Si kastaba, dadka barakacayaasha ah iyo danyarta gobolka ayaa dareemaya saameynta ugu badan ee sicir bararka cunto ee gobolka Hiiraan ka jira.
Cabdulaahi Salaad/ MR/ FM









