Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SHIR KOR LOOGU QAADAYO WAX U QABASHADA DUGSIGA INDHOOLAYAASHA EE ALBASAR OO GAROWE KA DHACAY

Radio Ergo by Radio Ergo
October 18, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Qaar ka mid ah ardayda indhoolayaasha ee dhigta Dugsiga Albasar Garowe/Sawir/Cabdiraxmaan/Ergo

Shir muddo afar maalmood ah uga socday Garoowe waalidiinta carruurta indhoolayaasha ayaa soo idlaaday, maamulka dugsiga keliya ee caruurta Indhoolayaasha wax ku bartaan ee gobollada Puntland loona yaqaan Al-basar isla markaasna ah lacag la’aan ayaa shirka ku tilmaamay mid looga gol-lahaa ku dhiiri-gelinta waalidiinta ka qayb qaadashada wax barista carruurtooda.

“Muhiimad wayn buu noo lahaa waayo waxaan u yeernay waalidkii si ay iyagu ugu qareemaan ilmahooda oo u garaacaan albaab kasta, waan barnay marinkii ay adeegsan lahaayeen, waxaan ku dhiirinay in ay awoodi karaan in ay xuquuqdooda doontaan.” Ayuu u sheegay idaacada Ergo Maxamed Cabdulahi Cali maamule ku xigeenka dugsiga Indhoolayaasha Al-basar ee Garoowe.

Maalmihii shirku socday ayaa natiijooyinka ka soo baxay waxaa ka mid ah in markii ugu horaysay ay guddi yeesheen waalidiinta ay ardaydu u dhigtaan Machadka, guddiga oo taageero ka helaya maamulka Al-basar iyo hay’ada Handicap ayaa ka shaqayn doona howlaha u qareemida iyo raadinta xuquuqda caruurtooda.

“Carruurtu waxay leeyihiin xuquuq la mid ah tan kuwa kale ee dhamaystiran, waxaan waalidiinta u sheegnay in ay garaacaan albaab kasta, xaruumaha dowladda ee ay khusayso, hay’adaha ka shaqeeya howlaha noocaan ah, ganacsatada iyo ururrada caafimaadka.” Maxamed ayaa intaas ku daray hadalkiisa isagoo Ergo uga warbixiyey nuxurka ugu wayn ee shirka ka soo baxay.

Dugsiga Al-Basar oo keli ku ah goobaha ay wax ku bartaan carruurta indhoolayaasha ah ayaa waxaa wax ka dhigta 40 ruux oo laga kala keenay gobollada kala duwan ee Puntland iyo xataa meelo ka mid ah Soomaaliya, sida ay noo sheegeen maamulku, gabdhaha indhoolayaasha ah ayaa kaalin weyn ku leh dugsiga iyagoo haatan ku jooga 18 gabdhood.

“Dowladdu ma oga xuquuqda ay ku leeyihiin dadka arraga dhiman, waxaan dalbanaynaa in dowladdu u soo jeensato xuquuqda caruurteena.” Saytuun Maxamuud Ciise oo ka mid ah waalidiinta ardayda dhigta dugsiga ayaa noo sheegtay in baahi wayn ay jirto.

“Aniga labba gabdhood baa ii dhigta Machadka, ma jirtno lacag nalaka qaado subaxdii gaari baa soo qaada galabtiina ii keena, balse baahida ugu wayn ee ay qabaan ayaa ah anaga ma iibin karno qalabka ay wax ku bartaan, qalmaanta iyo xataa adeegga bareelka oo dalka lagama helo.” Saytuun ayaa hadalkeeda ku sii dartay.

“6 ka mid ah Ardayda ayaa haatan dhamaynaya dugsiga dhexe fasalka siddeedaad, waxay u baahan yihiin wax barasho dugsi sare, way la qaadan karaan ardayda dhigta dugsiyada asaasiga ah hadii la helo qalabka ay wax ku bartaan oo ah Adeega Bareelka loo yaqaan.” Maxamed cabdulaahi waxaa uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in doorka horumarinta bulshada lagu daro dadka indhoolayaasha ah oo ah dad firfircoon sida uu sheegay.

Adeegyada joogtada ah ee muhiimka u ah waxbarashada Indhoolayaasha ayaa ka ah qiimo sare suuqyada, sida ay radioErgo u sheegtay Saytuun Ciise oo waalidiinta ka tirsan “Boorar waa wayn oo ay wax ku qortaan baa jira midkiiba waxaa la siiyaa $45 dollar, way adag tahay sida lagu helo dadku waa danyar, waxaa jira joornaalo ay akhristaan oo ay fahmi karaan, buuggaag ayaa iyana jira, gobolka lagama helo oo waa qaali.”

Dugsiga Al-basar ee Garoowe oo ah meesha keliya ee indhoolayaal wax ku bartaan gobollada Puntland oo idil ayaa si lacag la’aan ah wax looga bartaa, dadka dhigta oo ay ku jiraan xataa dad waa wayn ayaa lagu hayaa gudaha iskuulka inta badan maalintii, qaar ka mid ah ardayda oo meelo fog ka yimi ayaa degan isla dugsiga, balse maamulka ayaa walaac ka muujiyey daryeelkooda dhaqaale oo ah mid liita.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji

Previous Post

Gobolka Bay oo roobabkii dayrta ka ay bilowdeen iyo barakacayaasha oo codsaday bacaha roobka laga dugsado

Next Post

CABASHADA NAAFADA BAYDHABO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

CABASHADA NAAFADA BAYDHABO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo