Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SARE U QAADIDDA TAYADA DADKA NAAFADA AH EE GAROWE

Radio Ergo by Radio Ergo
October 4, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Naafo ku sugan Kismaayo/Sawir/kaydka/Khadar/Ergo

Garowe ayaa waxaa ka socda dadaallo la doonaya in kor loogu qaado tayada wax qabad ee dadka naafadda ah, kulan la qabtay bartamihii toddobaadka ayaa waxaa looga shiray dhiiri-gelinta dadka naafada gobollada Puntland ee xuquuqdooda asaasiga ah, doorka siyaasada, doorka horuumarinta bulshada ee waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha dadka lixaadka la’a.

Hay’adda Handicap oo ka shaqaysa howlaha taageerada iyo la socodka naafada ayaa sheegtay in la damacsan yahay in guulo laga gaaro caqabado badan oo waqtigan jira, kuwaas oo sahlaya niyad jab hor leh oo ay la kulmaan dadka aan lixaadka dhamayska ah lahayn.

“Muhiimadda waqtigan ee loo kulmay waa in khibrad la wadaago, si loogu qareemo xuquuqdooda iyadoo la midaysan yahay.” Ayuu yiri madaxa Handicap Maxamed Faarax oo ka hadlayey shirka ururrada naafada ee Garoowe lagu qabtay.

Gudoomiyaha guud ee dalladaha Naafada ee gobolka Cali Cabdi Aadan ayaa shirka ka sheegay in hoos dhac weyn jiro “ Ma jiro horuumar buuran oo naafadu ka sameeyeen teknooloojiyada casriga ah, waxaa la isla qaatay in la helo dad ka shaqeeya dhinaca combiuutarradaoo naafada ku dhiiri-geliya in ay la jaan-qaadaan bulshada kale.”

Horumarka naafada gobolka ayaa la tilmaamay in ay caqbad ku yihiin deegaanka iyo bulshada, hay’adaha ka shaqeeya daryeelkooda iyo dalladaha gobolka ayaa ku dhawaaqay in ay ku han-wayn yihiin in guul laga gaaro dhibaatada badan ee hortaagan horuumarka naafada taas oo mudan in laga gudbo.

“Waxbarashada iyo caafimaadka ayaa qayb ka ah meelaha ay awood xumada kala kulmaan naafadu.” Ayuu yiri agaasimaha Handicap.

“ Bulshada ayey caqbaad kaga timaadaa, haddii uu lugaha go’an yahay xataa sida bulshada caadiga ah buu wax u qaban karaa, laakiin waa haddii loo fududeeyo, muhiim waxaa ah in bulshada wacyigeeda la beddelo, oo lagu dhiirri-geliyo in ay dadka lixaadka la’a ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo is dhex-galka.” Sidaas waxaa sheegay Maxamed Faarax mar uu tilmaamay caqabadaha ka jira Puntland ee dhanka naafada.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa ku baaqday in la sameeyo wacyi-gelin badan oo dadka lagu ogaysiinayo xuquuqda dadka Naafada ee gobolka, “ saxaafadda hala adeegsado ha la sameeyo wacyigelin badan oo ogeysiin ah.” Ayey tiri Sahra Cabdinaasir oo ka tirsan wasaarada caafimaadka.

Nuxurka guud ee kulanka ayaa noqday in la koriyo xuquuqda dadka naafada ee gobollada oo idil, Puntland haatan waxaa ka soo iftiimaya koboc waxbarasho oo dadka naafada ah ay helayaan in kastoo uusan gaarin halkii la rabay, waxaa kaloo weli liita doorkooda bulshada.

Gobollada Puntland waxaa haatan ka soo iftiimaya koboc waxbarasho oo dadka naafada ah helayaan in kastoo ay aad u liidato marka loo eego heerkii la rabay, xuquuqdooda kale ee doorka bulshada ayaa sidoo kale waxaa aad u hooseeysa xuquuqdooda kale ee doorka bulshada, in kastoo ay jiraan 21 urrur oo gobollada ka dhisan.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MRS

Previous Post

DABAR GO’A UGAARTA GOBOLKA JUBADA HOOSE

Next Post

Kalluumaysatada xeebaha Puntland oo la siinayo aqoonsi iyo qalabka GPRS-ka

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Kalluumaysatada xeebaha Puntland oo la siinayo aqoonsi iyo qalabka GPRS-ka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo