Gobbollada Jubbooyinka gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya waxa uu ka mid yahay goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka saameeyey deegaanka, kuwaasi oo keenay in la waayo ugaar badan oo uu markii hore qani ku ahaa gobolka taasoo intii badneyd isaga hayaantay gobbolka, una hayaantay waddamada deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia.Xilli ay jiraan dhibaatooyinkaas saameeyay deegaanka ayaa haddana weli waxaa gobolka si xooggan uga socda tallaabooyin keeni kara nabaad guur, sida gubista dhirta oo loo isticmaalo dhuxusha, taasoo haddii ay sii socoto keeni karta in ay lama deegaan isku baddalaan goobo badan oo laga jaray dhirtii ku tiillay.
Gobbolka Jubbada hoose xiliyadii bariisamaadkii waxaa ku noolaan jiray ugaadh fara badan oo nooc kasta leh iyo dhirta noocyadeeda kala duwan hasayeeshee markii ay meesha ka baxday xannaaneyntii iyo daryeelkii ay helin jireen ugaadha ayaa waxaa ugaadha iyo dhirta si gaar ah u saameeyay colaadihii iyo xaalufinta ba’naa ee gobbolkaan soo maray dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Dr. Axmed Maxamed Xaaji, Axmed Sadiiq, waa aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha deegaanka dowladdii burbrtay ee Soomaaliya, wax badanna u soo waaya jogay ugaartii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa gobolka Jubbada hoose, waxaana kala sheekeystay noocyada ugaarta iyo qaar kamid ah dhirtii uu caanka ku ahaa gobolka Jubbada hoose “horta waxaan idin sheegayaa in dhulkaan uu hodan ku ahaa tiro badan oo noocyada dhirta iyo ugaadha ah, gobolkaani wuxuu ahaa goobta keliya ee Soomaaliya kalahaa ciidan u gaar ah oo ilaaliya ugaadha, hadda waxaa nasiib leh inaan maalin dhowd soo arkay in yar oo ka mid ah dabatagta nooca la dhaho oo nooceeduna adduunka ka dabar go’day, iyo nooca kale ee Carawlada la dhaho oo iyana nooceeda wax yari kaga sii haray dunida, in yar oo ku nool deegaanka Lagdheera ee Kenya iyo deegaanka Qooqaani, waxaan kaloo arkay in dhirtii muhiimka u ahayd la dhameeyey, sida geedaha hareerigii, yaaqii, garaskii iyo alankii dhamaanna dhuxul ayaa loo dhameeyey”
Dadka qaar ayaa aaminsan in gobbolka Jubbada hoose uu la mid yahay gobollada kale ee dalka marka loo eego xaalufinta iyo ciribtirka xooggan ee lagu haayo ugaarta iyo dhirta. Cabdi Saciid oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Ergo u sheegay in sababaha ugu daran ee keenay xaalufka iyo in la dabar jaro duurjoogta ay tahay maamul la’aanta, iyo gobolka oo 23 sano aan ka nasan colaad joogto ah oo xabadii badnayd dhamaysay ugaartii
Ugaarsiga lagu haayo noocyada kala duwan ee ugaadha ayaa kamid ah caqabadaha sababay in ugaadhii deegaanka la waayo, waxaana jira suuqyo gaar ah oo ku kala yaala deegaanno badan oo Jubbada hoose ka tirsan oo lagu iibiyo hilibka ugaarta. Dr. Axmed ayaa sheegay inuu tegey dhowaan isbitaalka Badhaadhe, toddobo qof oo dhaawac ah ayaan ku arkay, oo dhamaantood ay soo dhaawacday lo’ Gisi, waxaana degmadaas lagu iibiyaa hilibka ugaadha, sidoo kale hilibka laga cuno tuulooyinka Taabta iyo Qooqaani wax kale laguma gado waa hilib ugareed, gerigii waa dabar go’ay, maroodigii sidoo kale wa hore ayaa la waayey
Haddaba shareecada Islaamka maxay ka qabtaa ugaarsiga ugaarta nagula nool deegaanka, su`aashaas waxaan waydiiyay Sh. Axmed Maxamed Maxamuud oo kamid ah Culumada gobolada Jubbada Hoose “ugaarta waa xalaal, laakiin qofka sifaad keliya ayaa loogu oggol yahay, waana in qofka markaas gaajo u hayso, sidase hadda loo ugaarsado ma ahan wax sharciga Islaamka iyo kan kale ee dawliga ahba ku bannana, in lagu iibiyo suuqyada hilibkeeda oo ganacsi laga dhigo, deegaankiina la nabaad guuriyo wax banana ma ahan”
Dr. Axmed Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in arrinta xaalufinta iyo ugaarsiga lagu hayo deegaanada Soomaalida ay ka dambeeyaan dad dhaqaale doon oo doonaya inay nabaad guuriyaan deegaannka, sida uu hadalka u riri “ganacsato joogta Imaradka ayaana dhiirri gelisa xalufka deegaanka lagu hayo, malaayiin dollar ayuuna u soo dirsanayaa, isagoona soo diraya qalab casriya oo deegaanka lagu xaalufiyo”
Magaalada Kismaayo iyo meelo badan oo Jubbada hoose ka tirsan waxay ka yihiin meelaha sida xooggan looga dhoofiyo dhuxusha oo ah mida saameynta iyo nabaad guurka ugu badan u keeni karta degaanka, haddaba maxay tahay tallabada Maamulka Jubbooyinka kaga aaddan areimahaan, su`aashaasi waxaan waydiiyay Cabdulqani Cabdi Jaamac oo ka tirsan Maamulka Jubba “annaga ka maamulka Juba ahaan, qorshayaal badan ayaan ka leennahay wax ka qabashada deegaanka, waxaana ugu horraysa wacyi gelin dadka ah oo aan ugu sheegayno ilaalinta duurjoogta sii dabar go’ayso, sidoo kale tallaalista dhir cusub oo aan weliba ku dhiirri gelinno qofkii abuuro geed inaan siinno lacag dhan 50 dollar”
Arrimahan ugaarsiga oo dadka deegaanka gobolku si isku mid ah kuugu sheegayaan ayaana haddana aysan ka ahayn wax lala yaabo in hilibka duurjoogta laga ganacsado. Sanadkii 2011kii ayaa sidoo kale dhurwaagu gobolka ka noqday mid isagana la ugaarsado kadib markii ururkii Alshabab ee maamulayey Kismaayo ku tilmaameen in la cuni karo hilibkiisa daawana u yahay cudurro siday sheegeen.
Khadar
KM/MH









