Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumaysatada xeebaha Puntland oo la siinayo aqoonsi iyo qalabka GPRS-ka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 4, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMadaxda is-kaashatooyinka Kalluumaysiga ee gobollada Puntland ayaa tababar la xiriira diiwaan-gelinta iyo la socodka Kalluumaysatada uga bilowday magaalada Boosaaso, Tababarkan ayaa bilow u ah qorshe cusub oo kaarar aqoonsi iyo qalabka GBR-ska lagu siinayo kalluumaysatada, arrintaas ayaa  sahlaysaa in laga hortago khatarta mar kasta la soo derista xirfadlayda xeebaha.

“Annaga iyo dalalka badda kula dagaallama burcad-badeeda in badan oo aan kala hadalnay in la kala saaro burcad-badeeda iyo kalluumaysatada, kadib waxaa is afgarad lagu gaaray in kaarar Aqoonsi la siiyo xirfadlayda badda, Kaarka (ID) waxaa lagu shubi doonaa xogta qofka kaluumaystaha ah, iyo iskaashatada uu ka tirsan yahay.” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga Cabdiwaaxid Joocar oo Ergo la hadlay.

Agaasime Joocaar oo ka hadlay muhiimada maamulka Kalluumaysatadu u leeyihiin qorshahan ayaa yiri “ Is-kaashatooyinka wax kasta iyaga ayey ku xiran yihiin, wax badan bay fududayn doonaan in aan burcad-badeedu ku soo dhex dhuuman iyo xataa in ay la socdaan hadba is bedelka jira ayaa qayb ka ah howlaha laga doonayo.”

Kaluumaystada xeebaha Puntland ayaa sidoo kale la kulma dhibaatooyin xiriir la’aan ku salaysan iyadoo inta badan xeebaha lagu dhex waayo rag xirfadlay ah oo shaqo tagey, balse biyaha badda ay la tagaan deedna la waayo noloshooda iyo qalabkoodii intaba.

“58 magaalo oo shaqo kalluumaysi ka socoto ayaa ku taala Puntland, waxaa loo dirayaa dhamaantood kooxo arruurinaya macluumaadka rasmiga ah ee Kalluumaysatada, waxaa la marayaa nidaam aqoonsiga lagu bixinayo.” Agaasime Joocar ayaa sidaas ku tilmaamay baahinta qorshahan.

“20 ilaa 15 mile oo gudaha badda ah markay galaan ayaa khataruhu bilowdaan, doonta ayaa xumaata, mar mar jihada ayaa ka lunta, waa lummaan balse xiliyada qaar maydadkooda ayaa la helaa, waa wax jirta oo mar kasta dhacda” ayuu Ergo ku yiri  Siciid Waaberi oo ka mid ah Kalluumaysatada Badey ee  degmada Eyl.

Qorshaha cusub ee lagu illaalinayo Kalluumaysatada xeebaha Puntland ayaa waxaa ku jira dadaal qalab lagu siinayo xirfadlayda, waxaana la gudoonsiin doonaa qalabka GPRS-ka ee lagu wada xiriiro, taas oo sahlaysa in lala socdo xiriirka xirfadlayda ee badda u shaqo taga, sidoo kale waxaa qorshaha  shaqo ku  helaya dad wax ka yaqaana Technolajiyada casriga ah, sida ay sheegtay wasaarada Kalluumaysiga.

“Baadi goobka doonta iyo kalluumaystaha luma ayaa qayb ka ah mashruucan, doon kasta oo shaqo tagta waxaa la siin doonaa lambar iyo qalabka GBS-ka oo la saarayo doonta, waxaa la daba-geli doonaa halka ay joogto waa qorshe ay ka wada shaqayn doonaan ciidammada badda jooga iyo maamulka” ayuu yir Joocaar.

Agaasimaha guud ee la dagaalanka burcad-badeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir oo mar sii horaysay la hadlay idaacada ERGO waxaa uu sheegay in ciidammada NATO ee xeebaha ku jira ay diirada saaraan keliya dagaalka ay kula jiraan burcad-badeeda, taas oo sahasha in marar badan la qabtay Kalluumaysato loo maleeyey jirrida badda.

“Howl-galka Atlanta ee xeebaha Soomaaliya waxaa u fududaanaya in ay cadayn u helaan cidii Burcad-badeed ah iyo Kalluumaysatada, dhamaan Kalluumaysatada waxaan leenahay kaararka qaata hadhow idiima dacwoon karno” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasime Joocaar.

Kooxaha is-kaashatooyinka gobollada oo dhowaan tababar uga furmay magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari waxay tilmaameen in qorshahan uu noqon doono mid najaxa oo looga hortago khatar badan oo Kalluumaysatada la soo derista mar kasta oo ay badda u shaqo tagaan, weliba xiliyadii ay burcad-badeedu saldhigyada ku lahaayeen xeebaha Puntland.

Maamulka Puntland waxay sheegeen xogtii ugu dambaysay ee ay ka heleen xirfadlayda la waayo in ay ahayd kuwa laga helay xeebaha Jabuuti, “Saddex bilood ka hor Kalluumaysato badda ku luntay ayaa ku soo caariyey xeebaha Lowyo-caddo ee xuduudda Jabuuti waa mid ka mid ah khataraha joogta ah ee Kalluumaysatada.”

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MRS

Previous Post

SARE U QAADIDDA TAYADA DADKA NAAFADA AH EE GAROWE

Next Post

BARAKACAYAASHA KU NOOL EX CONTROL OO DHIBAATO KU QABA GAADIIDKA ISTICMAALA WADDADAAS

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BARAKACAYAASHA KU NOOL EX CONTROL OO DHIBAATO KU QABA GAADIIDKA ISTICMAALA WADDADAAS

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo