Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HAWEENKA PUNTLAND OO KA CABSI QABA IN AY WAAYAAN KURAASTA BAARLAMAANKA

Radio Ergo by Radio Ergo
October 23, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Nicholas Kay iyo Caasho Maxamuud Cumar oo hadiyad ku kala gudoomaya xarunta wasaarada arrimaha haweenka ee Puntland

Wasaaradda arrimaha haweenka ee Puntland iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira in haweenka kuraas ka helaan baarlamaanka cusub ee Puntland.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo toddobaadkan booqday Garoowe ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aad u daneynayo in haween badan xubno ka noqdaan baarlamaanka cusub ee Puntland.

Mudane Kay wuxuu sheegay in kaalmaha siyaasadeed ee haweenka kala xaajooday ururada haweenka, odey-dhaqameedyada, ururada bulshada rayidka iyo madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“Waxaynu doonaynaa in aan aragno haween ka badan kuwo xubnaha hadda ka ah baarlamaanka oo kuraas hela,” ayuu Kay ugu sheegay weriyayaasha ku sugan Garoowe.

Hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaasha qabaa’illada ayaa dhawaan bilaabi doono magacaabista iyo xulushada xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ah lixdan iyo lix xubin, kuwaas oo dooran doona madaxweynaha maamul goboleedka bisha January.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha haweenka ee Puntland Caasho Maxamuud Cumar oo ergayga QM kula kulantay Garoowe ayaa sheegtay in xafiiska QM ay iska kaashanayaan dadaallo lagu doonayo in haweenku kaalmo firfircoon ka galaan siyaasada Puntland.

Inkastoo kala bar bulshada ku nool deegaanada Puntland ay haween yihiin, labo hablood oo kale ah ayaa xubno ka ah baarlamaanka Puntland.  Tiradaas waxa ay aad uga yar tahay kuraastii haweenku ka heleen baarlamaankii ugu horeeyay ee Puntland sanadkii 1998 sida ay sheegtay wasiirad ku xigeenka wasaarada caafimaadka ee Puntland marwo Saynab Ugaas Yaasiin.

“Haweenku guddiga xulashada kuma jirana, odayaasha kama mid ahan. xitaa goobta lagu shirayo ma joogaan, sidaas darteed fursad badan uma heli doonaan xubin-nimada baarlamaanka Puntland ,”  ayay marwo Saynab oo la hadashay raadiyoow Ergo.

Marwo Saynab Ugaas Yaasiin waxa ay ka mid tahay shantii gabadh uu xubinnimada ka helay baarlamaankii ugu horeeyay ee Puntland.  Waxa ay marwo Saynab ka digtay in xitaa laga yaabo in rag la siiyo labada kuraas ee ay hablahu hadda ka haystaan baarlamaanka Puntland.

Xalima- Sacdiya/MR

Previous Post

CABASHADA NAAFADA BAYDHABO

Next Post

XAALUFKA OO KEENAY IN LO’DU KA DABAR GO’DO GOBOLKA MUDUG

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

XAALUFKA OO KEENAY IN LO'DU KA DABAR GO'DO GOBOLKA MUDUG

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo